Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wakhtigii uu mucaaradka ahaa wuxuu xisbiga KULMIYE ka dhigay geed hadhac ah oo ay hadhsato cid kasta oo uu dareen mucaaradnimo galo, waxaanu xisbiga KULMIYE gaadhay heer xubnaha ka tirsani ay iskala hanweynaadaan xukuumadii wakhtigaas jirtay ee Daahir Rayaale Kaahin ama heer xubinta xisbiga ah ee xukumaddaas ku biirta ay saaxiibbadeedii xisbigu u arkaan qof hoos u noqday.
Waxa uu isugu keenay siyaasiyiin, mujaahidiin, aqoonyahan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaanu ku hoggaaminayey siyaasad deggen oo wixii mucaarad ah u soo ururisay, waana ta’ sababtay inuu si fudud uga guulaysto Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin.
Sidoo kale wuxuu wakhtigii uu mucaaradka ahaa muujiyey in haddii uu dalku hoggaamiye wanaagsan helo uu dadkiisa wax u qaban karo, horumarna la gaadhi karo. Hadaladiisu waxay ahaayeen kuwo cad-cad oo aan runta ka gaban. Waxaanay arrimahan oo dhami sababeen inuu dad badan galo hunguri ah in Axmed Siilaanyo oo madaxweyne noqdaa uu isku ururin doono shacabka, sida uu isugu ururiyay xisbiga KULMIYE. Sidoo kale waxa uu madaxweyne Siilaanyo in badan madaxweynihii ka horreeyey ku canaantay in xukuumaddiisu aanay wada socon oo masuuliyiinteeda ugu sarreeya uu khilaaf u dhexeeyo.
Hase yeeshe tan iyo markii uu talada qabtayba waxa Madaxweyne Siilaanyo laga dareemay isbedel hoggaamineed oo aan laga filayn. Waxaa la arkay tafaraaruq ku yimid shacabkii uu hoggaamiyaha u noqday, sida ay dad badan la tahayna waxaa aad kor ugu kacday qabyaaladdii iyo qaybsanaantii umadda dhexdeeda ka jirtay, waxaa la dareemay kala socod ka dhex jira dawladiisa, iyo khilaaf joogto ah oo u dhexeeya masuuliyiinta sare ee xukuumadda, waxa soo baxay dookha xulashadiisa wasiiradu in aan aragti dheer lagu salayn.
Madaxweyne Siilaanyo, inkasta oo markii uu talada la wareegay uu isku dayey inuu isbedel muujiyo, haddana waxa uu qarin kari waayey dhinaca xulashada masuuliyiinta qaranka uu Madaxweynihii hore kaga wanaagsanaa, waxaana taas laga dareemayaa sida Madaxweyne Siilaanyo xilka dib ugu soo celiyay xubno muhiim ah oo ka mid ah xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo ay cadaatay in laga maarmi waayey.
Waxa ay bulshada ku jaahwareertay Kala socodka qarsoomi kari waayey iyo khilaafaad soo noqnoqday oo u dhexeeyey masuuliyiinta uu u magacaabay wasiirada iyo madaxda kale ee hay’adaha dalka, waana sababaha keenay in la isku bedelo agaasimayaal dhowr ah oo ay wasiiradoodii is qardoofeen, Illaa uu gaadhay in khilaafkaasi uu marar badan isaga oo xooggan soo dhex galo xataa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Khudbadaha madaxweynuhu jeediyo oo uu inta badan xukuumadiisa ku difaaco, waxa ka muuqata is adkayn iyo inuu diyaar u yahay dagaal uu iskaga celinayo mucaaradkiisa, isaga oo aan weliba taabanayn nabarrada ay mucaaradku qolafta ka qaadayaan. Hadalada Madaxweynaha oo dad badan ula eeg in isla kuwii uu jeedin jiray xilligii uu mucaaradka ahaa. Tusaale ahaan hadallada madaxweyne Siilaanyo waxa ku jira kuwo cidiyo ku dagaalan ah, iyadoo uu madaxweynihihii hore ku canaanan jiray wakhtigii uu mucaaradka ahaa inay kaga dhegtay ‘Anig..aniga.”
Khilaafka ka dhex taagnaa xisbiga gudihiisa, iyo xukuumadda iyo xisbiga dhexdooda ayaa isna ah mid halisteeda leh oo kuba cusub saaxadda siyaasiga ah ee Somaliland, khilaafkaas noociisu ugubka ku yahay Somaliland ayaa u muuqda mid aanu Madaxweyne Siilaanyo ilaa maanta dawadiisa helin, isla markaana ay muuqato in aanu diyaar u ahayn in uu u maro xal xisbiga wada-jirkiisa soo celinaya, taas beddelkeedana madaxweyne Siilaanyo waxa uu isagoo hoggaaminayo garab ka mid ah xukuumadda iyo xisbiga, halka uu guddoomiyihii xisbiga Muuse Biixina hoggaaminayo garab ka mid ah xisbiga.
Wuxuu khilaafkaasi marayaa meel halis ah oo saamaysay amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, waxaanu noqday madaxweynihii u horeeyay ee ay xukuumadiisa iyo xisbigiisu si balaadhan isu khilaafaan, isugna qabtaan siyaasadda. Waxa la arkayaa inay madaxtooyadii, xukuumadii iyo hay’adihii amniguba ku mashquleen khilaafka xisbiga KULMIYE, waana ayaan daro inuu heerkan gaadho khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo xisbigii muxaafidka ahaa ee uu Madaxweynuhu ka soo jeeday.
In Afar sano kadib weli dadka reer Somaliland qawadsan yihiin nidaamka xulasho ee madaxweyne Siilaanyo ku keeno xukuumaddiisa iyo in uu tahli la’ yahay in uu khilaafka ka dhex saaro xukuumaddiisa iyo xisbigiisa dhexdeeda, waxa ay dad badan ku beertay niyad jab ah in aanay jirin rajo buuran oo lagu qabi karo in madaxweynuhu wax ka beddelo dabeecaddaas maamul ee aan ku qurux badnayn nidaamka dimuqraaddiga ah iyo maamul wanaagga laga filayey, waxa aanay xujo aan laga murmi karin u noqonaysaa inta badan ee ku doodaysa in madaxweyne Siilaanyo ku wanaagsanaa hoggaamintii mucaaradnimo, marka la eego xaaladaha siyaasdeed, amni iyo dhaqaale ee maanta dalka ka taagan.