HALKAN KA AKHRI Faallo xiisa leh Oo Ciwaankeedu Yahay “Somaliland yaa ka taliya?”

0
32

Waxaan shaahid u ahaa markii madaxweynaha, Axmed Maxamed Maxamoud, su’aalo laga weydiiyey dikreeto magaciisa, April 2013, ku soo baxday oo ku saabsanayd arimihii shidaalka.  Jawaabtiisu waxay ahayd, Waar ma sidaas ayeynu qornay?, isaga oo eegaya dhinaca Ra’iisul Wasaaraha, April, 27, 2013, Washington, DC.
Maantana waxa soo baxay dikreetooyin badan oo ay ka mid yihiin:

SiilaanyoSaleebaan Samaynta ciidamada lagu xasuuqi doono dadka deegaanadda shidaalka laga baadhayo ku nool.
In aan 17-ka Oktoobar, maalintii shuhadadii SNM, si madax bananaan loo xusi Karin.  Taas oo kursigaa manta lagu raaxaysanayo, Ilaahay ka sokow, dhiigoodii qaaliga ahaa ku suurta gashay.

Waxa kale oo aynu ognahay in ansixintii diiwaan gelinta markii loo gudbiyey goloha guurtida in inta nin meel ku tuuray guurtidiina la kala diray 45 maalmood.  In aan weli waraaqihii lagu ansixin laha Gudida Cusub ee Doorashooyinka aa weli golaha wakiiladda loo soo gudbin.  Arrimahaasi waxay kuu cadaynayaan silsilada isku xidhan- madaxtooyada-Guurtida- iyo shirqoolka loo maleegaayo Somaliland.  Taa waxaad ku dartaa in manta wasiirro iyo shakhsiyaad aan wax xil ah oo ay ku magacaabanyihiin aanay jirini ay Waddamo dibedda ah magaca Somaliland qandaraasyo maal gelin ah ay kaga doontaan. Wadamada qaar markay ku yidhaahdeen Somaliland ma ictiraafsaninna ay Xamar iyo Xasan Sheikh, waraaqo shaambaddii xukuumadda Xamar wadata ka soo samaysteen.  Ragga waxaa ku kacaya Wasiir ayaa ku jira.
Hadaba bal is weydiiya oo SOMALILAND YAA KA TALIYA?

Madaxweynuhu dikreetooyinkii magaciisa ku soo baxay tafaasiishooda war kama hayo.
Golaha Guurtidu awood ayuu u leeyahay in uu baajiyo wuxuu doono.
Wasiirrada qaar iyo dad aan xukuumadda ka tirsanayni awood bay u leeyihiin in ay Somaliland shirkaddo keenaan iyaga oo magacii iyo ogolaanshihii Xamar iyo Xasan Sheikh wata.
Telefoonka London laga soo diray ee lagu joojinayo in si madax banaan loo xuso maalintii shuhadada SNM.

Qodobada kor ku qoran madaxweynuhu ma ka war hayaa? Mise dad kale ayaa magaciisii wax ku maamulaya?
Anigu Madaxweynaha aqoon uma lihi, laakiin waxan la sheekaystay oo wax ka weydiiyey dad badan oo si fiican u yaqaanna, mudoo dheerna la soo shaqeeyey ama ay is yaqaaneen.  Dadkaasi kuligood waxay qireen in Axmed Maxamed Maxamuud uu ahaa nin daacadda, waxgarad ah, garaadkiisuna aad u sareeyo, qabiilaysiga, musuqmaasaqa iyo maamul xumadana ka fog oo aan loogu soo hagaagi jirin waxyaabaha damiirka qofka hoos u dhiga.
Hadaba maanta xukuumaddiisu intaas oo sifo, oo la yidhi Axmed ka dheer, waa ku caan oo waa sifaha lagu yaqaano.  Musuqqa, xatooyo xoole dadweyne, hab dhaqan xumada, damiir aad u hooseeya, qabyaalad qaawan, siyaasad xumo gude iyo dibedba, aamin darro, beelo walaalo ah iska horkeenidda iyo rahamaadii khayraadka dalka oo raqqiis lagu xaraasho, iyo RRU-da oo ah qalabka keliya ee ay siyaasadahooda foosha xun ay u adeegsadaan.
Maadaama, madaxweynuhu, Axmed Maxamed Maxamuud, aanu ahayn sidii lagu yaqaanay iyo si u dhow toona, dadka ku dhow dhowina caafimaadkiisa ay ka dayrinayaan, waxaa halkaa ka cad in aanu madaxweynuhu xilkiisii sidii laga filaayey aanu u gudan Karin.  Arrintan caafimaad ee madaxweynaha soo wajahday waxay durba abuurtay xaalad khatar ku ah jiritaanka Somaliland iyo isku duubnaanta muwaadiniinteedda.  Somaliland maanta waxay yeelatay koox yar oo isku xidhan oo qorshe halis ku ah jiritaanka Somaliland wadata, fifth state.  Kooxadani waa isku mabda’ laakiin qaarba dano gaar ah ayey waataan oo isku ogolyihiin.  Qaar waa maal uruursi oo iyagu waa rag u tafa xaytay xoolihii qaranka iyo khayraadkii dalka.  Qolona damac siyaasadeed ayey leeyihiin oo kursiga ayaa u muuqda sidii ay ugu fadhiisan lahaayeenna, wax kastana way samaynayaan, Xamar ku darsona ha noqotee, kooxdani waxay u badan yihiin ururka qarsoodiga ah ee loo yaqaan Al-Islaax oo toos Xamar ugu xidhan.  Somaliland cidda ka talisaa waa raggaas, oo waxa ay leeyihiin dhaqanka Mafia-da.
Xukuumadani waxay ku caan baxday bililiqaysiga Distoorka Somaliland oo marba intii iyada anfacaysa ayey soo xigataa.  Hadaba maanta mar haddii ay caddahay in madaxweynuhu uu xilkiissi loo igmaday siidii looga fadhiyey iyo si u dhow toonaa aanu u gudan Karin, tamartiisuna ay aad u liidato, waxaa lagama maarmaan ah in Distoorka qaranka dib loogu noqdo oo Qodobkiisa 86-aad Farqiqa 2-aad si fiican oo, danta iyo badbaadada dalku ku jirto loo derso.  Xaqqa Madaxweyne Ku-Xigeenka ee Distoorku siinayo, mar haddii xaalada caafimaad ee Madaxweynu liidato, waa in la ixtiraamo oo aan muddo kordhin lugu duudsiyin.
Dhacdooyinka ugu danbeeyey ee la hadal hayo beryahan waxa ka mid ah, Shirkii London ee Maal gashiga Somaliland.  Shirkaasi wuxuu ahaa waxa loo yaaqaan “Clan gathering with a fancy name”.  Shirkan dadka reer Somaliland ee ka soo qayb galay waxay ahaayeen dad sooc ah oo beelaysan.  Shirkanna waxa ka danbeeyey kooxda aan kor ku soo sheegay.
Shirkan laba arrimood ayaa ka soo baxay:

waxaa si cad uga muuqatay in dabaqad maal qabeen ah oo beelaysan la rabo in mustaqabalka la sameeyo, iyada oo hantidda qaranka lagu maal gelinayo, shirkaddo ajaanib ahna la soo indho sarcaadaayo.
In shirakaddihii shidaalka, khaas ahaan Genel Energy, laga soo dhaadhiciyey beelaha shidaalka baadhista ka soo horjeedaa waa beelo yar yar (Minority clans) oo afar askari oo OPU ayaa ku filan, iyada oo runtii wixii si cadaalad ah loo maamulo aan cidina ka soo horjeesanayn.  Waxa la sheegay in reer Caynaba guryo loo dhisay oo ay mabsuud yihiin (Happy campers), in Oodweyne Dugsiyo (schools) laga dhisay ilaa iminkana degaannada shidaalka laga baadhayo ay ku baxday  $45 Milyan!!  Taa reer Caynaba iyo reer Oodweyne ha la weydiiyo oo iyaga ayaa inooka warrami doona.

Marka la isku soo duubo ee la derso sida ay wax u socdaan waxaa halkaa ka muuqata in koox yari wax weyn damacsantahay oo qorshe dheer oo beelaysan ay wataan iyaga oo Distoorka dalka aan tix gelinayn, in dalku Madaxweyne Ku-Xigeen leeyahayna iska indha-tiraya ama aan danka lahayn.
Reer Somalilandow, waxaynu ka war qabna in Gobolka Awdal ila 300 oo neef oo adhi ihi ku dhinteen dad badanina ay ku xanuusadeen dhulkii shirkada Shiinaha ahi (China) macdanta ka baadhaysay http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=140456.
Aduunka, khaas ahaan wadamada reer galbeedka, culuumta loo yaqaan Engineering-ka waxa lagu bartaa Shariciga Muhandisnimadda iyo Asluubteeda (Engineering Law & Ethics) hadaba Wasiirka macdanta maxaa kaga dhacay Sharcigii iyo Asluubtii Muhandisnimada, marka qoysas Somalilanders ah 300 neef oo adhi ahi kaga dhimanayaan isaguna uu dhowr kun oo doolar oo Xaqul Qalam ah ka faa’iidayo?
Shirakadahan badan ee Shidaalka iyo Macdanta baadhaya ee inta lacag Xaqul Qalam ah laga qaadoo dhulka lugu sii deeynaayo, halaag aan laga soo kaban ayaa ka imanaya haddhii aan laga tashan oo Wasiirkan, meel baa u muuqatee, la joojin xad gudubyada badan ee uu dadka reer guuraga ah uu ku hayo.
Maxamed Axmed Saxar
Atlanta, GA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here