Qalinka Ogaal iyo qormada falanqaynta siyaasada
Shalay: Rayaale, Maanta: Siilaanyo
Shalay: Dhaxal laga dhintay
Maanta: Dhaxal aan laga dhiman
Shalay: Musuq, Maanta: Musuq iyo maasuq
Shalay: Muddo kordhin, Maanta: Muddo kordhin
Hargeysa(Aftahannews):- Ma muuqato aragti fog oo hilaadin karta meel durugsan. Ma muuqato wax la hogaamiyahala dheer yahay. Shuruucdu waxay u eg yihiin khad madow oo aan dib loo eegin warqadii lagu qoray.
AAMINA-WARIS, SIILAANYO, RAYAALE IYO HUDA
Baalli boodh fuula mooyee aan aad loogu baahan ayaa loo arkaa. Sharciga waxa looga yaqaan halkan, hadba wax uu doonayo qofka talada hayaa. Sidaasay soo ahayd, welina tahay.
Xaqa iyo caddaaladu waa la mid oo sida madaxweynuhu sheego ayaa run ah, xaq ah, cadaalad ah. hadda sax maaha oo waa baadil, laakiin xaqa ma arkayaashu sidaasay u arkaan. Iyaga laftoodu in hadliye ka hadliyo iyo maslaxadoodu sidaa ku jirtaba way leeyihiin.
Waa dhaqan gunnimo oo aan qof iyo laba ku koobnayn ee baahsan. Way qayb ka mid tabaalaha doorsoonka umadda ku dhacay oo bedelay qiyamkii wanaagsanaa. Qoom aan lahayn xeerar ay isku maamulaan dunida ma jiro.
Diintooda ha isku maamulaan ama dastuur iyo shuruuc kale oo ay dhigteen ha isku maamulaan, cid waliba wax ay ku kala baxdo ayay leedahay. Mar haddii wax lagu kala baxo oo dhaqan gal ah oo dadka ka sareeyaa jiraanna muran ma dhaco.
Laaakiin halkan waxa loogu yeedhi karaa, meel labadaaba ka maarantay. Waxa la isticmaalaa waa in yar oo guud oo aan ka taganayn, waa Madaxweyne, waa la doortay, waa xildhibaan, mar baa la doortay, wixii kale waa siduu doonuu yeeli karaa.
“Wax waliba way khaldan yihiin,hadana, way iska socdaan”, xikmadle aragti dheer ayaa seben hore laga reebay odhaahdaa. Xaqiiqdii waxaad moodaa inay maanta taagan tahay. Haday shalay sidaa ahayd, maantana way ka sii daran tahay, laakiin waxa iswaydiin ah, khaladku ma sidaasuu isaga socon doonnaa weligii, mise cimri bu leeyahay?.
Laysma waydiiyo taas, keliya waxay buunbuuninayaan dulmi falayaashu musuq iyo maasuq. Kaasay ka dhigayaan horumar iyo talaabo hore loo qaaday oo ay iclaamka ka baahiyaan intay shaadhadh kale u xidheen.inta waxqabadka ah ee la sameeyayna waxa hafiya khaladaadka iyo wax is daba marinta.
Qalooca hiddaha nolosha umaddan ku jira waa loo wada jeedaa, hadana, laysma yidhaahdo aan toosino. Mid kastaaba markuu dibada joogo xaqa wuu arkaa, qawlkiisuna wuu toosan yahay, balse markuu kursiga ku fadhiisto ayuu carabkiisu dalab yeeshaa.
Qaloocii buu sii tarmiyaa, waa buu uga sii daraa. Waa layskala qabsaday, sharba looma arko oo haatan wanaag baa loo yaqaan, wanaagiina xumaan baa loo arkaa. Erayga iyo ficilku ismay bedelin oo waa sidoodii, laakiin maskaxdii dadkay dooriyeen oo siday maalin walba fal xun u daawanayeen, ayay markii danbe wax kastaba u yidhaahdeen waa “CAADI”, oo ka dhigan xumaani ma jirto.
Inta wanaagu xishoonayo ee xumaantu hormood tahayna isbedel macne la naawili maayo. Inaad hesho waxaad ku noollaato, adoon garanayn waxaad u nooshahay, waxa dhaanta adoo garanaya waxaad u nooshahay, oo aan haysan waxaad ku noollaato. Laakiin shilintu waxay doonaysaa dhiig ay cabto, waayo, ma garanayso waxay u nooshahay.
Way jiraan rag iyo haween garaad, garasho iyo aqoonba leh, oo gudaha talada iyo dibadaba joogaa. Way badan yihiin, hase ahaatee, ka gudaha ku jirana dhibaataa ku haysata oo ma dhegaystayaal aan tooda dhaafin oo isku xidhan ayay wadaag ku yihiin hawsha , ka kalena hadalkiisaba daa.
Somaliland
Haatan Somaliland waa 23 jir. Ha iska dalab badnaadee intaa taayirku isma taagin, marba xawaare uu ku socdayba. Calafka iyo nasiibka waqtigu dadka uma simin oo qofba waa intii Eebbe ka siiyay. Sidaa aawadeed, qofba marxaladuu ku beegmaa, way ka qiime duwan tahay ta uu ka kale helay. Sidaasay shalay oo Rayaale joogay iyo maanta oo Siilaanyo joogaa u kala duwan yihiin xili ahaan.
Mushkiladihii shalay iyo kuwa maantase wax ay wadaagaan oo labadaba gooroodba jiray iyo wax ay ku kala gedisan yihiinba way leeyihiin. Qalinka wargeyska Ogaal Markuu ka duulo falanqaynta dadka siyaasada axadha, maamulkii hore wuxuu ekaa, nidaam ahaan iyo maamuus ahaanba unug keliya, kana waxa loo nisbeeyaa qaybsanaan iyo kooxaysi, habka kala danbayntana(protocol) uu aad ugu liito. Maamulkii hore taladu gacan keliya bay ku jirtay, kan maantana waxa loogu yeedhaa, maamulkii u horeeyay ee gacmaha badani talinayeen.
Madaxweyne Siilaanyo taa wuu ka dhiidhiyaa oo ma qirsana, balse hadana, waxa la sheegaa inay tahay mid aan qarsoonayn, oo xitaa saaxiibada Somaliland ee dunidu og yihiin.
Maamulkii hore wuxuu la kulmay mucaarid surin kasta ka qaylin jiray oo aan waxba u dhaafi jirin, ka maantana waxa ku beegmay mucaarid aan mara ku dheg ahayn oo dawlada tabantaabiya wax kastana aan ficil raacin, balse waxay dheer tahay is ficishiga dhexdeeda oo koox aanay tii hore lahayn oo khatar ahi ay sababto, hadana hiil ku hesho.
Maamulkii hore wuxuu la shaqeeyay saxaafad xuduudka birma geydada dhaafta, oo dhan kastaba u jiidhay, hadana, qof la xidho oo la soo daayo mooyee, xafiis warbaahineed lama xidhin.
Kan maantana ma jirto saxaafad dhaliilaha jira siday shalay u waynaynayeen u faafiya, meelihii la gaadhsiiyay wax ka sheega Daahir Rayaalena lama gaadhsiin Axmed Siilaanyo, hadana, waxa lagu naanaysaa xukuumad tiradii ugu badnayd ee weriyayaal xidha, isla markaana afka ooda ka saarta xafiisyo warfaafineed oo qaarkood weli xidhan yihiin.
Maamulkii hore dul buu u lahaa dhaliisha mucaaridka iyo saxaafada, oo labadaba wax sheegoodu ka xanaf iyo xanuun badnaa kuwa maanta. Xukuumadda maantana waxa loo yaqaanaa dulyar aan xamil badan u lahayn dhaliilaha.
Maamulkii hore iskumay qasnayn talada iyo qoysku, dhawr goor oo ay bidhaanteeda yara muujisay marwada madaxweynihii horena, cirka dab kaa raac iyo in xubin xubin wax looga sheego ayay gaadhay. Kan maantana waxa loo yaqaanaa, maamulkii u horeeyay ee talada iyo qoysku isku qasmaan, hadana, soo qufida iyo soo bandhigida wixii jira laga warwareego, marka wax laga yara sheegana, loogu jawaabo duullaan iyo xadhig.
Maamulkii hore musuq maasuqu wixii ugu waynaa ee lagu eedayn jiray buu ahaa, hase yeeshee, waxa la tilmaamaa in musuqmaasuqa maanta jiraa uu meesha ka saaray xusuustii kaa hore, isla markaana loo arko mid xadhkaha goostay oo maraya heerkii Lingax leefka. Sidoo kalena, uu ka khidada badan yahay kana midabo badan yahay kii shalay, aduunka dalka soo galayna uu toban laab ka badan yahay kii dawladii Rayaale.
Dawladii Rayaale waxa lagu majeeran jiray ilaalinta balamaha iyo axdiyada ay la gasho caalamka ay Somaliland saaxiibka yihiin, deriska yihiin iyo kuwa gacan ahaan gargaaraba.
Waxa kale oo tilmaamaheeda ka mid ahaa, fiiro aan degdeg ku jirin oo talaabo loo baahnaa in dhaqso looga jawaabana, hore ugumay dhiiran jirin, mid aan loo baahnayn in dhaqso loo xaliyana kumay ordi jirin.
Xukuumadda maantana waxa la sheegayaa inay ku liidato fulinta axdiyada ay caalamka la gasho. lama laha taasi waa dhaliil wasiiradda jagadaa qabtay ama hayaa ay leeyihiin, waayo, wasiirkii hore iyo kan eegaba waa rag aqoon iyo waaya aragnimoba leh, hase yeeshee waxa la tuhunsan yahay in wax kastaba ay gacmo kale bedelaan, taasina ay badanaa tahay dhibaato haysta wasiir kasta oo jagadaa loo dhiibo. Go,aan qaadashada waxay la wadaagtaa tii hore oo guddiyo badan baa loogu yidhaa, balse fudayd iyo is difaac degdeg ah ayaa loo aaneeyaa.
Intaa iyo in kale oo badan oo isugu jira wax ay wadaagaan iyo wax ay ku kala gedisan yihiin ayaa jira. Hase yeeshee, Madaxweyne Siilaanyo inkastoo waayuhu wax saarkiisa leeyahay, hadana lama filayn wax badan oo maanta taladiisa hoosteeda ka dhacaa, inay dhici doonaan. Wixii uu ka qaylin jiray ee uu Rayaale ku dhaliili jirayna, weli waxba iskama bedelin.
Gunaanad
Dhaliilaha iyo tawsta waqtigan barnaamijyada danbe ayaynu qodob qodob ugu eegi doonaa, balse wuxuu qalinka wargeyska Ogaal qormadan guud marka ah ku soo afmeerayaa, isla markaana ka sii dardaar werinayaa ka warwareega doorashada, taasoo haday sidii loogu talagalay u dhici waydo, mustaqbalka Somaliland mid fool xun ka dhigi karta. Sidaa aawadeed Madaxweynaha waxa la gudboon, inuu degdeg u damiyo khilaafka , isla markaana aan laga leexan dariiqa doorashada.