Hargeysa (Hubaal)- Gabadha curad ee carruurta uu ka tagay Alle ha u naxariistii suxufigii iyo qoraagii caanka ahaa Maxamed Maxamuud Kastan (MM.Kastan), ayaa ka hadashay dareenkeeda ku wajahan geeridii naxdinta lahayd ee ku timi aabbaheed.
Amaal Maxamed Maxamuud (Kastan) oo ku sugan qurbaha, ayaa qoraal kooban oo ay khadka Internetka ugu soo dirtay warbaahinta maxalliga ah waxay kaga warrantay dareenkeeda la xidhiidha geeridii aabbaheed iyo doorkii warfidiyeennada Somaliland ka qaateen aaskii marxuumka.
Dhambaal isugu jira mahadnaq iyo dareenka geerida aabbaheed oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:
“Salaamu Calaykum;
Anigoo ah Amaal Maxamed Maxamuud Kastam oo ah curadda ubadka uu ka tagay Kastan, kuna hadlaya magaca dhamman qoyska reer Kastan, gaar ahaan xaaska iyo ubadka uu ka baxay waxaan mahadnaq ballaadhan u dirayaa dhammaan bahda warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ugu horreeyo Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo dhammaan saxaafadda kala duwan ee waddanka… aniga oo ah curadda marxuun MM Kastan waxaan leeyahay cid walba waad mahadsantihiin, ma ilaawi doono siday saxaafaddu aaska qaran ugu fidiyeen aabbahay. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaya marka labaad Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha dawladda ee gacanta ka gaystay aaska aabbahay.
Waa waqti murugo badan waxaan moodayey inuu aabbahay naga baxay annagoo keliya, laakiin waxaan dareemay inuu ka baxay dad iyo bulsho badan oo la wada ilmaysay geeridiisa, oo qaarkood anigu samirka aan ku dhaamay.
Inaalilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun, samir iyo iman Ilaahay ha inaga siiyo.”