Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa si toos ah shaaca uga qaaday natiijada doorashadii shiweynahii 7aad ee muranka dhalisay ee hogaanka dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.
Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo iyadu dhex-dhexaadinaysay garabyadii muranku u dhexeeyay ee labada hogaan kala doortay ayaa waxay soo saartay go’aanmo ay ku shaacinayso natiijada saxda ah ee doorashadii hoggaanka dalladda SONYO,wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa waxa ay go’aankan ay soo saartay ku xustay islamarkaana ay u cuskatay dastuurka dalladda u yaala,gaar ahaan qodobada khuseeya qabsoomida shirweynaha dalladda iyo doorashada hoggaanka cusub ee dhaca labadii sannaba hal mar
Go’aankan ay soo saartay wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland ayaa lagu sheegay in hogaanka rasmiga ah ee muddada labada sanno ee soo socda ay noqonayaan xubnihii xubnihii lagu doortay xarunta dhexe ee dalladda SONYO kuwaas oo kala ahaa Siyaad Cumar Cali oo loo doortay guddoomiyaha dalladda iyo Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo xubnii golaha sare ee fadhi deg-deg ah yeeshay ku doortay inuu noqdo guddoomiye ku-xigeenka dalladda.
Sidoo kale waxay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaarahu soo saartay tallaabooyin ay sheegtay in laga qaadi doono cida ka hor timaada fulinta go’aanada ay soo saartay wasaaraddu
War-saxaafadeed uu ku sexeexan yahay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo ay soo saartay wasaaradda dh/iyo ciyaaraha ayaa u qornaa sidan:
Wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanku waxa ay qaranka Somaliland uga masuul tahay Dhammaan arrimaha khuseeya dhalinyarada JSL,horumarkooda iyo suggida jiritaanka hay’adaha dhalinyaro ee ka shaqeeya horumarka iyo dheeli-tirka waxtarka dhalinyarada,sidaas darteed,wasaarada dhalinyarada iyo cayaaruha Somaliland,
- Markay aragtay dastuurka dalladda guud ee dhalinyarada SONYO u yaala,gaar ahaan qoddobada khuseeya qabsoomida shirweynaha dalladda iyo doorashada hogaanka cusub ee dalladda ee dhaca labadii sano hal mar.
- Ka dib markii ay aragtay in dastuurka dalladda SONYO dhigayo in tirade guud ururada xubnaha ka ah dalladda SONYO ee xaqa u leh in ay ka qayb-galaan shirweynaha dalladda SONYO tahay 54 urur,kuwaas oo urur kastaa leeyahay laba cod,balse uu shirweynuhu marka hore ku furmi karo (Quorum) tiro ergo ah oo dhan 51%.
- Ka dib markii aanu aragnay,ku qanacnay,goob-joogna u ahayn in shirweynihii 7-aad ee dalladda SONYO loo soo xidhay si fosharci ah oo waafaqsan dastuurka iyo qawaaniinta dalladda SONYO u yaala ka dib markii shirweynuhu ku Dhammaan waayay muddadii labada cisho ahayd ee loogu talo galay.
- Ka dib markii ay wasaaraddu dib-u-falanqaysay marxaladihii uu maray shirweynihii 7aad ee dalladdu iyi sifihii uu markii dambe dib ugu furmay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee dalladda SONYO 30-kii December 2014-kii.
- Ka dib markii ay wasaaraddu hubisay,si buuxdana u xaqiijisay shirkaas kor ku xusan ee xarunta dalladda ka qabsoomay ay dhammaantood wateen kaadhadhka aqoonsi ee cadeynta u ahaa saxnaanta sharci ee ergaynimadooda.
Waxay wasaaraddu halkan ku shaacinaysaa iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda kaga beegan dhex-dhexaadinta iyo xalinta muranka ka dhashay shirweynihii 7aad ee SONYO,isla markaana tixgelinaysa sharciyada u dejisan dalladda SONYO iyo sidoo kale muhiimada ay leedahay in la xoojiyo lana joogteeyo dimuqraadiyadda-gudeedka (internal democracy) dalladda SONYO in:
- aqlibayadii ergadii shirweynaha dalladda SONYO ay soo saareen iyo go’aamo sharci ah oo waafaqsan nidaamka sharci ee dalladda taas oo ay doorteen hoggaan ka kooban ururada dalladda iyo Dhammaan gobolada dalka.
- golaha sare ee 7aad ee dalladda SONYO ee labada sanno ee soo socda ee saxda ahi uu yahay xubnihii lagu doortay xarunta dhexe ee dalladda guud 30-kii December 2014-kii kaas oo guddoomiye loo doortay Siyaad Cumar Cali iyo xubnop golaha sare ee 7-aad,kuwaas oo kal-fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen ku doortay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe inuu ahaado guddoomiye ku-xigeenka dalladda SONYO.
Go’aankani waa mid gunaanad rasmiya u ah dhex-dhexaadintii ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu muddo Saddex Usbuuc ah ku soo gudo-jirtay,sidaas daraadeed,wasaaradda dhalinyaradu waxay Dhammaan daneeyayaasha arrimaha dhalinyarada la socodsiinaysaa in maanta oo ay taariikhdu tahay 25 bisha January 2015 in go’aankani yahay gunaanadka rasmiga ah ee soo gebo-gebaynaya murankii ka dhashay doorashada hoggaanka dalladda SONYO,sidaas daraadeed natiijo kasta oo ka duwan ta halkan ku cad,waa waxba kama jiraan,cid kasta oo ka hor timaada fulinta go’aanadan waxa loo aqoonsanayaa fidmo-wade,waxaana laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon,isla markaana waxaa lala tiigsan doonaa sharciga iyo caddaalada.
MMC
Hubaalmedia.net
Hargeysa Somaliland