HALKAN KA AKHRI: Golaha Wakiillada oo ansixiyey wax-ka-bedel Muddo kordhin jidaynaya oo Guurtidu ku samaysay Xeerka Diwaan-gelinta

0
27

Hargeysa(Hubaal)-Golaha Wakiillada ayaa maanta cod ku ansixiyey Wax-ka-bedel Guurtidu ku samaysay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo codbixiyeyaasha oo ay hore aqlabiyad ugu ansixiyeen.

Wax ka bedelka Golaha guurtidu ku sameeyeen Xeerkan, waxa ugu muhiimsan laba qodob oo khuseeya qabashada Doorashada iyo ku dhawaaqista wakhtiga ay dhacayso.

Golaha guurtida ay soo soo jeedin ku ansixiyay in Diwaan-gelinta Mawaadiniinta iyo codbixiyeyaasha la diyaariyo lix bilood ka hor Wakhtiga Doorashada, halka Golaha Wakiilladu markii hore ku ansixiyeen in lix bilood gudahood Doorashada ka hor la qabto Diwaan-gelinta Medeniyiinta iyo Codbixiyeyaasha.

golahaIsbedelka qodobkan Guurtidu ku samaysay ayaa ku soo beegmaya iyadoo aanay fari ka qodnayn Diwaan-gelinaha la doonayo inay Doorashada horteed la sameeyo, iyadoo xilligii Doorashada Madaxweynaha ay ka hadhsanyihiin 6 Bilood oo qudha, kuna eegyahay muddo xileedka Xukuumadda talada haysaa 26 Bisha June ee sanadka 2015-ka.

Sidoo kale Golaha Guurtida ayaa qodobka ku dhawaaqista Wakhtiga Doorashada ama cidda rasmiyan cayimaysa xilligeeda awood u siiyey Madaxweynaha, halka uu markii hore Xeerku awooddaas siinayay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Labadan qodob ayaa ah kuwo xukuumadda fursad u siinaya wakhti dherer iyo inay toos u maamusho Doorashada. Maxaa yeelay ku dhawaaqista xilliga Doorashada ayaa noqonaysa mid Madaxweynaha laga sugayo markay soo jeedin Komishanku ugu soo gudbiyaan, taasoo uu isaguna wakhti badan sii haysan karo.

Sidoo kale, qodobka labaad ee odhanaya waa in Diwaan-gelinta dhamaystiraa lix bilood ka hor Maalinta Doorashada, ayaa gabi ahaanba iminka jabaya, maadaama oo aanay wali fari ka qodnayn Diwaan-gelintii Medeniga ahayd, tii cod-bixiyeyaashana aan wali la bilaabin.

Dadka ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Doorashooyinka Somaliland ayaa si toos ah farta ugu fiiqaya inay labadan qodob ee Guurtidu wax ka bedelka ku samaysay Xeerka Muranka badan dhaliyey ee Diwaan-gelintu, ay si cad dariiqa ugu xaadhayaan Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda, taasoo ay dhinaca Mucaaridkuna si weyn uga wallaacsanyihiin iyadoo aanay wali bilaabmin faadhumaysigeedu.

Golaha Wakiillada oo sugayay in mar kale uu soo maro jaanis ay wax kaga bedelaan labadan qodob oo markii hore mucaaridku dhaafsiiyey, ayaa maanta duuduub iyo dood la’aan ku meel-mariyey Xeerkaasi.

Gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here