“ Reer Awdal waa Hoyga Aqoonta Iyo Tiirka Nabad”- Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi- Gudoomiyaha Ururka Maamuus
Sida aynu wada ogsoonahay gobolka awdal waa xarunta aqoonta iyo aasaaska waxbarashada geyiga Somaliland geesta kalena waa saldhiga iyo unuga nabada waana tiirka iyo tusmada wanaaga iyadoo ay sidaas tahay hadana waxa maalmahan ugu dambeeyay ka taagnaa xaalado aan sidaa u badanay balse ugub ku ah Somaliland isla markaana ah kuwo aan marnaba laga filayn gobolka awdal ee koobsaday astaan wanaaga Somaliland haday tahay aqoon, xadaarad, nabad, daganaansho looga bartay bulshada boorama guud ahaanteed yar iyo weyn, caruur iyo ciroole, ragg iyo haweenba.
Waxaanan ku boorinayaa xukuumada iyo bulshada gobolka awdalba inay si mug iyo miisaan leh uga arrinsadaan nabada iyo inaan marnaba gorgortan la galinin qaranimada Somaliland.
Waxaanan kula Talinayaa Bulshada Gobalka Awdal
Waxaad caan ku tihiin wanaag iyo waxyaabo badan oo aad kaga soocan tihiin gobolada kale ee dalka isla markaana aan tilmaan ugu tihiin, waxana lagama maarmaan ah si aad doorkaa wanagsan ee la idinku tilmaansado aanu dhaawac u soo gaadhin inaad meel uga soo wada jeedsataan cid kasta oo wax u dhimi karta ama dhaawici karta astaantiina
Waxaan idinku dhiiri galinayaa in sidii hufanayd aad u soo bandhigteen tabashadii iyo baahiyihii ku lamaanaa gobolka iyo bulshadaba aad ku taagnaataan inaad u soo gudbisaan mar walba taas oo ah talaabo wanagsan in wxii la tabanayo la soo bandhigo ceeb la,aan
Waxaan idinku boorinayaa inaad ka feejignaataan cid kasta oo leh ujeedo ka baxsan tabashada gobolku qabo inaanay ka faa,iidaysan oo any ka dhiganin salaan ay u maraan fawdada iyo fidnada
Salaadiinta dhaqanka gobolka waxaan kula talin lahaa inay talaabo haboon ka qaadaan cid kasta oo bahda dhaqanka ah isla markaana magacooga iyo ka gobolkaba meel kaga dhacaysa isla markaana ay iska bari yeelaan si hufan
Waxaan kula talinayaa dhalinyarada gobolka awdal oo ah labeenta aqoonta Somaliland inay ka digtoonaadaan damacyada dadka kale la maagan yihiin oo ay noqdaan kuwo aqoontooda iyo aragtidooda ku jiheeya bulshada gobolka iyo guud ahaanba geyiga
Xukuumada waxaan kula Talinayaa
Inay si cad oo aan gabasho lahayn ugu jawaabto baahiyaha gobolka iyo dalkaba
Inay door firfircoon ka qaadato adkaynta iyo taabo galinta nabada
Inay xoojiso xidhiidhka bulshada gobolada iyo guud ahaan dalka
Inay iska dhawrto talaabo kasta oo bulshadu si qaldan u fahmi karto
Inay toos ula xidhiidho cid kasta oo la majaro habaabiyo isla markaana ay wanaaga ugu baaqdo iyada oo kaashanaysa bulshada kale ee ku hareeraysan
Madaxweyne ku xigeenka qaranka waxaan u soo jeedinayaa inuu qaato doorkiisa ku aadan gobolka awadal
Xisbiyada Mucaaridka waxaan kula Talinayaa
Ina aanay ka dayin kaambayn ama olole dhacdooyinka dalka ee la xidhiidha nabada
In meel uga soo wada jeestaan wixii nabada wax u dhimi kara
In ay ka daayaan weedhaha naxafta leh ciidamada qaranka ee ku shaqeeya duruufaha qalafsan
In ka shaqeeyaan isla markaana soo bandhigaan xaaladaha nolosha bulshada asaasiga u ah oo ay xogogaal noqdaan
Saxaafada Guud ahaan waxaan kula Talinayaa
Maadaama ay saxaafadu tahay haayadaha ugu mihiimsan inay ka digtoonaadaan wixii bulshada kala fogayn kara
Inay ilaaliyaan jiritaanka iyo qaranimada dalka
Inay ka shaqeeyaan baahiyaha bulshada iyo dhibaatooyinka haysta iyagoon cidna uga habrayna
Inay xoojiyaan isku xidhka bulsada iyo is dhexgalka dadka
inay wax walba ka horaysiiyaan danta dalka iyo danta dadka
Wa Billaahi Tawfiiq
Gudoomiyaha Ururka Wadaniyadda Iyo Wad Jirka Ee Maamuus
Mudane: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi