Hargeysa(Hubaal):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalada Boorama,Dila,Gorayo-cawl iyo deegaanada kale ee iyaguna ka tirsan Gobalka Awdal.
Waxaana ay dadwaynaha ku dhaqan Gobalada Galbeedku ay dhamaantood isagu soo baxeen wadooyinka iyaga oo ku salaamayey guddoomiyaha Xisbiga WADDANI caleemo qoyan oo ay ku muujinayeen sida ay u taageersan yihiin,waxaana ay sida oo kale ay kaga hor yimaadeen meel kaga horyimaadeen meel u jirta 4-KM magaalada Boorama.
Intaa kadib ayaa mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey Masuuliyiin,Siyaasiyiin,iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan ku waasi oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI.waxaana munaasibadaasi sida oo kale ka soo qayb galay Madaxda Sar sare ee ka tirsan hogaanka Xisbiga WADDANI,Masuuliyiinta,iyo Siyaasiyiinta ku soo biiray Xisbiga WADDANI.
Ugu horeyna waxaa munaasibadaasi ka hadlay guddoomiyaha gobalka ee Xisbiga WADDANI oo si balaadhan,waxaana uu sheegay in ay ka reer awdal ahaan ay si aada u soo dhawaynayaan waftiga uu hogaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaana uu sida oo kale uu sheegay in ay in ka gobal ahaan ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay u badali lahaayeen Xukuumada hada haysa talada dalka oo uu sheegay in ay ku fashilantay hogaaminta dalka.
Suldaan Oday Yuusuf oo ka mid ah madax dhaqameedka gobalka Awdal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaan halkan aan si balaadhan ugu soo dhawaynaynaa Madaxweynaha,waxaanan leenahay soo dhawaw soo dhawaw.waxaan imika Xisbiga WADDANI aan rajaynaynaa in maanta dhibta dalka haysata ee marnaba ee marnaba nin qabanaya aan jirin oo tuug tuug ma qabto ayaa jooga hada waxa la yidhaahdo ayey maanta Somaliland maanta maraysaa,waxaana aan Illaahay ka rajaynaynaa in aan isbadal cusub aan helno oo Madaxweyne haddii ay tahay caddaalada aan helno waan soo dhawaynaynaa waxaanan leenahay soo dhawaw,soo dhawaw guddoomiye waa gobalkaagiiyee”.
Dhanka kale waxaa iyaguna madashaasi ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo Hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI waxaana ay dhamaantoodba iska daba mareen in ay si aada uga mahad celinayaan dadka reer awdal sidii gobanimada lahayd ee ay u soo dhaweeyeen,waxaana uu sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan baayihaha kala duwan ee dadweynaha gobalka reer Awdal ay tabayaan.
Ugu danbayntiin waxaa munaasibadaasi soo gunaanaday guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro,waxaana uu sheegay in ay isna dhankiisa aad uga mahad celinaayo dad weynaha reer Awdal sidii balaadhnayd ee ay u soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI.
“Dhamaanba shacbiga reer Awdal gaar ahaan magaalada Boorama,waxaan si aada idiin ka mahad celinayaa soo dhawayntii aadka u wanaagsanayd ee ay nagu soo dhaweeyeen maanta aniga iyo waftigii aan hogaaminaayey,sida oo kale waxaan u mahad naqayaa dagmada dila iyo magaalooyinkii kale ee u dhaxeeyey Illaa Boorama sida aadka ah iyaguna noo soo dhaweeyey,waxaan aniga oo ku hadlaaya magacii Xisbiga soo dhawaynayaa Siyaasiyiintii cuscuslaa ee uu ka mid ahaa maayar ku xigeenkii hore ee Boorama,guddoomiye ku xigeenkii Xisiga Rays,hablihii iyo siyaasiyiintii kale iyo ururadii hore ee Siyaasiga ahaa ee Somaliland ka mid ahaa,ee maanta go’aansaday in ay iskood ugu soo biiraan Xisbiga WADDANI.waxaanan ku soo dhawaynayaa qalbi furan”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro