“Isaga (Madaxweynuhu) Oo Aan Haysan Ogolaanshaha Labada Gole, Xilka qaadistu waa qayrul distoori, maanta arrinta ay labada gole u codeeyeen waxay xalaaleeyeen sunne qaldan oo aan hore u jiri jirin…..Cabashooyinka Dadweynahana Waxaan Iskaga Difaacayaa”
Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) Xilka ka Xayuubiyey, ayaa sheegay in Xilka xayuubintiisa aanay madaxweynaha iyo golayaasha Baarlamaanka Somaliland dariiq Sax ah u soo marin isaga oo ku dooday in sifo sharciga baal barsan labadda dhinacba u mareen arintaasi.
Yuusuf Ismaaciil Cali , ayaa markii u horeysay Wareysii ay la yeelatay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaligu waxa uu ka hadlay arimaha cilka qaadistiisa oo uu ku dooday in aanu ku qancin qaabkii Madaxweynuhu xilka uga qaaday iyo nidaamka ay Baarlamaanka Somaliland ee Guurtidda iyo Wakiiladdu u meel mariyeen Xilka qaadistiisa, taasi oo uu tilmaamay inay qodobka 105 ee Distoorka Somaliland aanay waafaqsaneyn oo garab marsan tahay sidaasi darteed uu ka soo horjeedo oo xilka qaadistiisii ay sharci daro tahay.
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo faahfaahin ka bixinaayey ugu horeyn sida uu u arko xilkii madaxweynaha Somaliland ka qaaday waxa uu yidhi “Xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xil u magacaabistiisaba labaddaba waxa koobsanaaya Qodobka Distoorka ah ee Qod. 105aad ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland oo imika horteyda yaala, marka uu Madaxweynuhu doono in uu Xilka ka qaado guddoomiyaha Maxkamadda Sarre waxa uu xaq u leeyahay in uu u gudbiyo labadda Galle (Wakiilada iyo Guurtida) oo wada jir ah ,ka dibna fadhi iyo naaqishaad ka dib sababaha uu madaxweynuhu soo sheegay ka dib waxay awood u leeyihiin inay aqbalaan iyo in aanay aqbalin , arintan imika ee Xilka qadisteydana loo ma marin dariiqaasi oo qodobka 3aad waxa weeye Madaxweynuhu xilka waa uu ka qaadi kara Guddoomiyaha Maxkamadda sare isaga oo u baahan ogolaashaha golaha Wakiiladda iyo Guurtidda, waxaana horeysay xilka qaadistayda isaga oo aan la tashan labada golle isaga oo sida uu Digreetadda ku sheegay la tashaday guddida Cadaaladda oo aan la shaqeyn kari waayey ama ila shaqeyn kari waayey oo iga Cabatay”
Yuusuf Ismaaciil Cali oo sharci daro ku tilmaamay xilka laga qaaday iyo nidaamka golayaasha iyo madaxweynuhu u maray waxa uu yidhi “Laakiin arintaasi waa sharci darro oo guddida Caddaaladda waxa uu la tashanayaa (Madaxweynuhu) marka uu rabo in uu magacaabo guddoomiye cusub oo uu iyaga weydiin kara oo uu shuruudaha ku dhigan qodobka 105 cuskanayaa balse arinta Xilka qaadistu ma dhici karto oo waa qayrul distooru isaga oo aan haysan labada golle ogolaashahooda, maanta arrinta ay labada gole u codeeyeen waxaan filaayey Dikreetadda hortaalla Dariiqii sharci maydiinku timid mise idiinkuma imanin , anigu ka guddoomiye ahaan xilka qaranka umadda ayaa leh umaddana iyaga ayaa ka wakiil ahaa (Baarlamaanka Somaliland) , laakiin waxaan ka hadlay uun inay xalaaleeyeen sunne qaldan oo aan hore u jiri jirin oo aan distoorka inoogu qorneyn , Cabashooyinka dadweynahana waxaan iskaga difaacayaa Cabashadda dadweynuhu waxa loogu talo galay sida uu sharcigu qabo maxkamaddaha kala dambeeya go’aanadooda ayaa kala dambeeya Ambiilka oo dhami waa cabasho oo garta 1aad marka la qaado waxa ka soo baxa hadii lagu Qanci waayo waa in Ambiil laga qaadanaayo waa cabasho, Maxkamadda Racfaanka wixii ka soo baxa hadii lagu qanci waayo sida si la mid ah waxa laga qaadanayaa Racfaan oo Racfaanku Maxkamadda sare ayuu sidaasi ku imanayaa,Cabashaduna maaha mid Madaxtooyadda loo qoranaayo ama Cabashadda Madaxweynuhu kuma sababeyn karo Cabashadda dadweynaha”
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu intaasi ku daray “Anigu koleyba Dhakhtarna noqon maayo Engineerna noqon maayo ee mihnadii Qareenimo ee aan aqaanay ayuumbaan ku shaqeynayaa , Cabashadda Garsoorkana 50% ayaan odhan karaa inay tahay oo gar kasta oo la qaado qof ayaa cabanaaya oo ama ka xukunku ku dhacayna wuu kacanayaa kii wax loo xukumeyna wuu mahadnaqayaa oo in kasta oo ka mahadnaqaaya aan aad loo buunbuunin waxa la maqla ka wax laga xukumay ee in Ilaahay loo mahadnaqaana waa suurto gal”