HALKAN KA AKHRI: “Haddii dadka la laayo waxa aan nabadgelayn Culimada, Wasiirka, Ninka Lacagta haysta iyo Madaxweyne, waxana arrintaas lagu joojin karayaa Qofka dila Qof oo la dilo”

0
29

 ” wadaadka,wasiirka,Suldaanka Iyo Baayac-mushtariga Lacagta Haysta Ayaa Dadka Boobaya” sheekh Aadan Siiro

Sheekh Aadan-siiro oo ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu wax ka qabto maxkamadaha dalka, ummaddana caddaalad lagu maamulo

“Haddii dadka la laayo waxa aan nabadgelayn Culimada, Wasiirka, Ninka Lacagta haysta iyo Madaxweyne, waxana arrintaas lagu joojin karayaa Qofka dila Qof oo la dilo”

“Agoontii iyo kuwii jilicsanaa way ooyayaan, dalkiinna dabaqado ayaa ka samaysay. Ragna seledoodu dhawr boqol oo dollar ayey maalintii maraysaa, dadna way soo ooteen”

aadan siiro

Hargeysa (Hubaal)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay waddanka iyo dadka ku dhaqdo caddaalad iyo sinnaan, si simanna looga faa’iidaysto khayraadka Ilaahay ku mannaystay dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sheekh Aadan oo khudbad ka jeediyey garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa salaaddii Ciidal-odxa ee shalay, waxa uu ishaaray in la gaadhi doono maalin caddaaladdu sugmi doonto, Ilaahayna (SWT) dunida u kala xaqsoori doono, isagoo ummadda reer Somaliland ugu duceeyey inay caddaalad helaan, Eebbena abaal-marin wanaagsan ka helaan maalintaas.

“Xukuumadda waxaaannu kula talinaynaa caddaalad. Waar dalkan boobka ha laga joojiyo. Wadaadkii ayaa dadka boobaya, wasiirkii ayaa dadka boobaya, suldaankii ayaa dadka boobaya, kii baayac-mushtariga ahaa ee lacagta haystay ayaa dadka boobaya. Dal dhan oo intii hoggaanka u ahayd boob u dhaqaaqday oo aan ku kalsoonayn waxa yar ee Ilaahay siiyey dhibaatadeeda ayey leedahay. Ummad waxay ka hagaagtaa hoggaanka, hoggaankuna ma aha boqol iyo kontonka (150) nin ee dalka u taliya ee golayaasha ah maaha. Hoggaanku waxa weeye culimada, tujaarta, aqoonyahanka, salaadiinta iyo inta hormuudka ummadda ah oo dadweynuhu ugu horreeyo. Waxaan leeyahay dalka ha loo gurmado oo hantidiisa iyo dhulkiisa hala ilaaliyo, hana la sugu caddaaladda. Waxa ina deeqaya waa caddaalad.”

Sheekh Aadan-siiro waxa kaloo uu ka hadlay shaqo la’aanta baahsan ee haysatada dhallinyarada waxbartay ee reer Somaliland, “Toddobaatan kun (70,000) arday oo ka baxay jaamacadaha ayaa Hargeysa dhex jooga, haddii aan da’yartaas waddo loo raadinna dhibaatadeeda ayey leedahay, awooddaasina waxay keeni doontaa inuu dalka waxyeello u gaysto, iyaguna ay waxyeelo isku gaystaan, waana mustaqbalkii ummadda, waana kuwaas tahriibaya maanta, waxaanna ku filan in caqligooda iyo aqoonta laga shaqaysiiyo. Dalka Japan la yidhaa waa jasiirado iyo buuro, maantana waa dalalka ugu dhaqaalaha badan adduunka. Ilaahay ha u naxariistee Prof. Ibraahim Maygaag Samatar mar aan ka ka waraystay waa maxay khayraadka dalka Japan horumarka ku gaadhay waadiga jaamacadooda profesoorka ka ahe’? Waxa uu iigu jawaabay; ‘dalkan iyo dadkiisu (Japan) waxay keeneen dhako.’ Macnaha caqliga iyo aqoontooda ayey isu geeyeen. Waxaan leeyahay waddankeennu waa mid qani ah oo hanti badan ayuu leeyahay, laakiin wuxuu u baahan yahay caqli iyo xigmad la isku geeyo oo dalka lagu hoggaamiyo.”

Sheekh Aadan ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu wax ka qabto Maxkamadaha Somaliland, isagoo arrintaas faahfaahinayeyna waxa uu yidhi; “Madaxweynaha waxaannu leenahay wax ka qabo maxkamadaha, markii ay wax walba soo dhaafeen ayey labadii walaalaha ahaa iska horkeeneen, oo ay dadkii guryaha lahaa ku haystaan dhaxalkii, kadibna la dhaxlayaan guryahoodii, taasoo keentay in guri kasta lagu murmo oo ay 10 sanno ilaa 15 sanno ay laba wiil oo walaalo ah dhul isku haystaan, guri isku haysta, dhaxal isku haysta, iyadoo ay ku sugnayd in 30 daqiiqo gudahood lagu kala saaro inta kitaabka Ilaahay loo eego dhaxalka. Waxaan leeyahay wax ha laga qabto maxkamadaha. Agoontii way ooyeysaa, kuwii jilicsanaa way ooyayaan, dalkiinna dabaqado ayaa ka samaysay oo waa la kala tagay. Ragna seledoodu dhawr boqol oo doolar ayey maalintii maraysaa, dadna way soo ooteen magaaladii Hargeysa, arrinkaasna dib ha loogu noqdo oo waxa yar ee aynnu wada haysanno gacanta hala wada geliyo. Qof kelidii isku filan ma jiro, koox kelideed isku filan ma jirto, degaan kelidii isku filan ma jiro. Dalku wuu innaga ballaadhan yahay, waynuna wada leenahay oo caddaalad ayaa dadka dhaqda.”

“Waxa aannu raadinaynaa in la abuuro dal la yidhaa Somaliland oo ummad afar milyan ah wada leedahay oo caddaalad, midnimo iyo wax-wada-lahaansho ku dhasha, kuna dhisan, taas ayaannu doonaynaa in dalkan laga dhigo. Halgan dheer ayey ummaddu soo gashay, waxana dulmi ka galay boqol iyo dhawr iyo sagaashanka dawladood ee dunida haysa oo xaqoodii qiri la’. Waxa dulmiyey kuwa jaarka ah oo runtii aan qirin dhibkii ku dhacay dadkan. Waxa dulmiyey kuwa muslimiinta sheegta ee magacyada badan la baxay oo iyagu ilaa maanta wax u weydiinaya kuwii iyaga dumiyey, taasina waa ayaan-darro,” ayuu yidhi Sheekhu.

Waxa intaa sii raaciyey, “Dalkan Somaliland iyo dadkiisu way jirayaan, wayna jiri doonaan, caddaalad ayeyna ku jiri doonaan, Ilaahayna waxaan ka baryeyaa haddii aynu innagu gaadhi weyno in carruurteennu gaadho.”

Waxa kaloo uu sheegay in marka xukuumadda canaan loo jeediyo aan cid gaar ah waxba lagaga doonayn, balse ujeeddadu tahay sixitaan iyo toosin si dalka iyo dadkuba horumar u gaadhaan.

“Heshiisyada xukuumaddu gelayso ha noqdaan heshiisyo dalka iyo dadka anfaca oo mustaqbalkiisa ilaalinaya ayaa loo baahan yahay ee yaan lagu mashquulin niman dillaaliin ah oo dibadaha wareegaya, waxana loo baahan yahay in la jaheeyo dhallinyarada wax bartay,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay dilalka ku badanaya Somaliland, isagoo si gaar ah u soo qaatay falalkii lagu khaarajiyey saarakiishii ciidammada ee ka kala dhacay degaannada Quru-lugud iyo Gabiley.

“Dilalkaas dhacay aad ayaannu uga xunnahay, xukuumaddana waxaannu leenahay dadka sida u kaska ah ee badheedhka ah dadka u dila hala laayo. Haddii dadka la laayo waxa aan nabadgelayn culimada, wasiirka, ninka lacagta haysta iyo madaxweyne, nin walbana halkiisa ayaa lagu dili doonaa, waxana arrintaas lagu joojin karayaa qofka dila qof oo la dilo, haddii waliga ama waalidka qofka la dilay uu cafiyo ka wax dilay waa halkiisa oo xaq ayuu u leeyahay, haddiise uu yidhaa ha la ii dilo waa in qisaasta la fuliyo, danteenna ayaanna ku jirta. Xukuumadda waxaannu leenahay dadka dilka ku xukuman dadka hortooda ku dila si kuwa dambe ugu waano qaataan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here