Mousil (Hubaal)-Haweenay dhallinyaro ahayd oo u dhalatay Qoomiyadda Kurdishka eek u dhaqan dalal katirsan Bariga dhexe, ayaa isku dhex qarxisay Xoogagga Islaamiyiinta ah ee Daacish.
Haweeneydan oo Qaraxyo isku soo rakibtay ayaa galaafatay nafsada maleeshiyaad badan oo (IS) ama Daacish ka tirsan kuna sii jeeday furinta dagaalka oo ay doonayeen inay ku shahiidaan.
Waa markii ugu horeysay oo ruux naftiis hure ah uu isku qarxiyo ciidamo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish maadaama xiliyadii hore dadka is qarxiya ay ahaan jireen isla maleeshiyaadka ururka Daacish.
Haweeneyda is qarxisay ayaa waxa ay ka tirsaned ururka Kurdiga ah ee (YPG), waxana ayQisadani ayaa waxa ay ka dhacday Kobane oo ku dhaw magalaada Ain al-Arab oo ku taala xuduuda u dhaxeysa wadamada Siiriya iyo Turkiga .
Ma aha wax la yaab leh in la arko qof dumar ah oo is qarxiyay hase ahaatee waxaa la hadal hayaa qofkan dumarka ah ee is qarxisay, iyadoo waliba kasoo horjeeday Kooxo caan ku ah isqarxinta iyo Naf Hurnimada.
Ilaa iyo Haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxana xadiddan in la helo wararka sugan, maadaama Goobahaasi Yihiin Meelo aan warkooda La Heli Karin.