“Xisbiga Kulmiye Waxa Uu Umadda U Caddaynayaa Inuu Diyaar U Yahay Wadahadalka” HALKAN KA AKHRI: Hoggaanka Sare Ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo Ka Hadlay shir Saddex Geesood Ah Oo Mucaaridku Sheegay In Xukuumadda Iyo Xisbigeedu Ka Baxeen
Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo maanta qaar ka tirsan warbaahinta kula hadlayay Magaalada hargaysa ayaa sheegay In Way hadal la furi doonaan Asxaabta Mucaaradka Kana jawaabay Eedo ay Xukuumada Huwiyeen.
Maxamed Kaahin Waxa uu sheegay Xisbiga Kulmiye isaga oo tix galinaya Wada Hadaladii u socday Asxaabta Mucaaradka iyo Daneyayaasha Doorashooyinka Inaanay ka bixin Wada hadaladii U socday Labada xisbi Mucaaradka,waxaana uu sheegay in ay Markasta Diyaar u yihiin Wada Hadal in ay la furan Labada xisbi mucaarad waxaana uu yidhi”
Waxa uu jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha somaliland cali maxamed waran Cade oo odhanayay In Xisbiga kulmiye ka baxay Wada hadalkii ay Xukuumada la furtay Asxaabta mucaaradka“Waxaa jirtay Inay Shalay Galabtii nala soo xidhiidheen Xisbiyada Mucaaradka oo ay Ballan noo qabteen laakiin, anagu waxaanu u soo jeedinay inay arintu deg-deg tahay sidaas darteedna aanu Xisbi ahaan iska arkayno,islamaanu meel dhigin Ajandaha Shirka iyo goobta lagu kulmayo midna,waxay xalay soo saareen Eedayn ah inaanu kaga baxnay Ballan” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.
Gudoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “ Xisbiga Kulmiye waxa uu Umadda u caddaynayaa inuu diyaar u yahay Wada hadalka.waxa uu Kulmiye isagoo danaynaya Maslaxadda Umadda, In Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo iyo In Asxaabta taladoodu isku dhamaato in wada hadal lagu dhameeyo wixii jira”
Dhinaca Kale Maxamed Kaahin Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye waxa kale oo ka hadlay Diwaan galinta Madaniga ah ee Labada xisbi Mucaarad ee ucid iyo wadani qaadaceen waxaana uu yidhi”
“Xisbiyada mucaaradka ayaa waxa ay soo saareen Go’aan ay ku qaadaceen diwaan galinta Madaniga ah,Kaasina waxa uu ahaa Go’aan ay asxaabta mucaaradku iyaga u gooni ah, oo ay kaligood qaadaceen.
Waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay Maxamed Kaahin Hadal kasoo yeedhay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed waran Cade oo shalay sheegay in ay wada hadalkaas ka baxeen Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye waxaana uu yidhi”
“Anagu Manaan Ogayn,Kamanaan Qayb galina Wada hadalkii hore ee ay la yesheen Labada xisbi mucaarada,Waxaanan anigu arintaas u aragnaa in wixii dan uun laga wada kulmi karo,Anagu shalay Balan kamanaan bixin balan hore noomay soo sheegin,Marka ay shalay Nala soo hadleena waxaanu u sheegnay in ay nagu dag-dag tahay arintaas ay noo soo sheegeen,Lakiin xisbiga kulmiye Markasta diyaar ayuu u yahay inuu la kulmo Labada xisbi mucaaradka la kulmaan.