“Gabadh kale oo waxa jirta ay Dhakhtarka wayn ka shaqayn jirtay oo ay 21 Nin kufsadeen oo hadda Maskixiyan wax u gaadheen, cid wax u qabanaysaana ma jirto..” Guddoomiyaha Horn Human Right Axmed Yuusuf Xuseen
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Horn Human Right Axmed Yuusuf Xuseen, ayaa ka dayriyey dhibaatooyinka Kufsiga sida Wadarta ah loogu geysto Haweenka iyo Carruurta da’doodu aadka u yartahay, isla markaana waxa uu cambaareeyey qaabka ay dawladda Somaliland Sirdoonka Jabuuti ugu wareejisay Muwaaddiniin dalka u dhashay oo aan Maxkamad xukuntay jirin, dembi lagu caddeeyey-na jirin.
Axmed Yuusuf Xuseen, waxa uu sidoo kale si kulul u cambaareeyey xadhigga iyo xayiraadda Warbaahinta Haatuf, Hubaal iyo Telefeshinka UNIVERSAL Xafiiskiisii Somaliland, kuwaasoo ay dhammaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xayirtay Xarumohoodii iyo shaqadoodii, halka Haatuf ay Maxkamadda gobolka Hargeysa sheegtay inay kala noqotay Ruqsadda, kuna xukuntay konton Maylan oo lacagta dalka ah iyo xadhigga afar illaa saddex sano ah ee Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Haatuf.
“Annagu horta goobta lagu wareejiyey maannaan joogin, hadallo badan oo is-burinayana waannu ka maqalnay, laakiin in qof la dhiibayo, waxay ku xidhan tahay dembiga uu galay nooca uu yahay, waxay ku xidhan tahay xidhiidhka labada dal inuu yahay mid illaa heerkaas, haddii xidhiidhkaasi jiro oo uu qofku dalkaas dembi ka galay waa loo gudbin karayayaa. Laakiin, dembigu noocee uu yahay, Maxkamadi miyey caddaysay, Garsoor Madax-bannaan miyuu helay, Looyar miyuu helay, waxaas oo dhan baa la is-weydiinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Yuusuf Xuseen.
Axmed Yuusuf Xuseen oo sii wata hadalkiisa waxa uu tilmaamay inaanay tallaabada noocan ahi waafaqsanayn qaabka shuruucda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah toona, waxaanu yidhi; “Markaa, anigu waxaan u arkayaa inay mid iska cuno-duub ah ahayd, Xuquuqdii ay dadkaasi ay lahaayeen-na aan la siinnin. Meesha maannu joojin, laakiin sidaannu warbixinta ku helnay waxa la yidhi; ‘dadkaasi waxay ahaayeen dad xagga Jabuuti laga soo dalbaday oo aan halkan wax sharci ah laga marin ee sidaas loogu dhiibay. Taasina shuruucda caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah midna ma waafaqsana.”
Waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Horn Human Right, ayaa sheegay in heerka Kufsiga Somaliland marayo meel aad looga naxo, isla markaana kiisaskii ugu dambeeyey ee ay Hay’ad ahaan dhex galaan ay ka mid ahaayeen dhawr kiis oo uu sheegay inuu ka mid yahay Haweenay 15 Nin wada kufsadeen, Haweenay kale oo ku dhawaad labaatan nin kufsadeen Maxkamadaha iyo Hay’adaha Sharcigu toona waxba u qabannin, ee ay Maxkamaduhu siiddaayeen, isla markaana ay mid ka mid ahi Maskaxiyan wax u noqotay, Hooyadeedna dhimmirka ka xanuunsantay.
“Tii ugu dambaysay ee aannu hadda Kiiskeeda galnay waxay ahayd Gabadh ay dhawr iyo toban Wiil Kufsadeen oo Hooyadeed Dhimirka ka xanuunsanayso, Aabbeheedna Faalug ku dhacay oo runtii aad u tacaddi ah oo innamada kufsaday qaarkood ay si shaqsiyan ah u garanaysay, ayay Maxkamaddi siidaysay, markaa waxani maalinba maalinta ka dambaysa waxa uu u sii badanayaa waxa weeye Garsoor adag oo sugaya Caddaaladda ayaan jirin.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Yuusuf Xuseen.
Difaacyahankan Xuquuqada Aadamaha Mr. Axmed oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray; “Markaa, marka ka hore la siidaayo ka dambana wuu ku dayanayaa, midba midka uu ka dambeeyo wuu ku dhiirranayaa, illaa la helayo Garsoor adag oo caddaaladda suga wax qabsoomaya maaha, tallaabooyinka la samaynayaana way sii kordhinayaan ee waxba ma dhimayaan, waana tallaabooyin aannu aad uga xunnahay.”
Axmed Yuusuf Xuseen oo ka warbixinaya Gabadh kale oo ay 21 Wiil wada-jir u kufsadeen iyo saamaynta ay nolosheeda ku yeelatay tallaabadaasi, waxa uu yidhi; “Gabadh kale oo waxa jirta ay Dhakhtarka wayn ka shaqayn jirtay oo ay 21 Nin kufsadeen oo hadda Maskixiyan wax u gaadheen, cid wax u qabanaysaana ma jirto, Garsoorkina wuxu ku yidhi iyadoo garanaysa qaar ka mid ah; ‘Sharci maaha’! labadaa Kufsi ee aan kuu sheegayana Dhakhaatiirtii baa caddaysay. Markaa, waxaan ILLAAHAY ka rejaynaynaa inuu xaqa waafajiyo dadka Garsoorka fadhiya si ay waajibaadkooda shaqo ugu gutaan sidii loogu talo-galay.”
Axmed waxa uu sidan ku sheegay Waraysi uu siiyey Radio Hilaac, kaasoo uu dhinacyadan kala duwan kaga warbixiyey, waxaanu intaas ku daray inaanu sida uu wax u ogyahay, isla markaana dadka dhibaatada loogu geystay Kufsiga ee uu arkay ay ka mid yihiin Carruur yar-yar oo Hablo ah oo ay ka mid yihiin Gabadh uu sheegay inay lix bilood jirtay, Gabadh labaad oo uu sheegay inay sannad iyo afar bilood iyo mid sannad iyo lix bilood jirtay oo dhammaantood uu sheegay in Kufsi Rag waawayni u geysteen ku nafwaayeen oo ay ku dhinteen oo Mag lagu kala qaatay sida uu isagu caddeeyey.
Waxa uu soo jeediyey Axmed Yuusuf Xuseen in wada-jir looga soo horjeesto, Garsoorkana Caddaaladda lagu soo dabbaalo, si wax looga qaban karo dhibaatooyinka iyo tacaddiyada xadhkaha goostay ee Kufsiga oo uu xusay inuu ugu badan yahay Kufsi-wadareedka ay sida wada-jirka ah Hal Gabadh ugu wada geysteen Wiilal is-urursaday oo ay 21 illaa dhawr iyo toban inta u dhaxaysa, taasina ay sii socon doonto oo ay bulshada dhibaato baahsan ku keeni karto, haddii aan maanta wada-jir wax looga qabannin.