HALKAN KA AKHRI: Itoobiya Oo Dalkeeda Ka Fogeysay in Cudurka Ebola soo gaadhay iyo Mudane Guurtida ka tirsan Oo ku dooday inay jirto Sir ay Qarinayso Dawladda Addis Ababa

0
29

“Haddii Airport-ka la xidho oo dekedaha dalka la xidho oo maciishadaha dalka oo dhan la xidho, hal shay oo aan la xidhi karin oo saamayntiisa leh baa jira” – Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan

Addis Ababa/Hargeysa (Hubaal)- Dawladda Itoobiya, ayaa shaaca ka qaadday in aanay jirin kiisas cudurka Ebola ah oo la arkay ama laga shakisan yahay oo ka jira dalkeeda, in kasta oo dedaallo lagaga hortagayo cudurkaasi inuu waddankaas gaadho laga bilaabay madaarrada caasimadda Addis Ababa iyo xuduudaha Itoobiya la wadaagto waddamada Bariga iyo badhtamaha Afrika.

Wasiirka Caafimaadka ee Itoobiya, Dr. Kesetebirhan Admasu, ayaa sheegay inaanay wakhtigan jirin kiisas la xidhiidha cudurka Ebola oo ka jira dalka Itoobiya, balse waxa uu xusay hawlo lagaga hortago cudurkaas oo dawladda bilowday, kuwaas oo uu ka mid yahay xarun shaybaadh iyo shaqaale loo tabobaray ka-hortagga cudurka Ebola oo todobaadkan laga hawl-galiyey caasimadda Addis Ababa si baadhitaanno loogu sameeyo dadka ka soo degaya garoonka diyaaradaha ee Bole International ee magaalada Addis Ababa. Wasiirka Caafimaadka Itoobiya, waxa uu sheegay inay hawl-galiyeen mashiin loogu talo-galay baadhitaanka Ebola, kaas oo awood u leh inuu saacaddiiba baadhi karo kun qof.

Ethio_Som

Wasiirka Caafimaadka Itoobiya oo shalay saxaafadda kula hadlayey xarunta wasaaraddiisa, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan ku kharash-gareeyeen adduun dhan 3 milyan oo Dollar adeegyada caafimaad ee Gurmadka deg-degga ah, wakhtiganna ay ku gudo-jiraan dedaallo lagu abuurayo guddi farsamo oo laga hawl-galinayo gobollada waddankaas si looga hortago in cudurka waddankooda soo galo.

 

Guddoomiyaha Guddiga heer Qaran ee ka hortagga cudurka Ebola ee dalka Itoobiya, Dr Daddi Gimma, ayaa isaguna sheegay in shaqaalaha caafimaadku ay 24-ka saacadood heegan u yihiin baadhitaannada dadka lagu samaynayo.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurti Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan, ayaa ka dayriyey saamaynta xannuunkani ku yeelan karo iyo qaabka ugu soo gudbiyo karo bulshada Somaliland oo uu ku dooday in xidhiidhka ganacsi ee labada waddan u dhexeeya qayb ka mid ahi door weyn ka geysan karto faafitaankiisa.

 

Xildhibaanku waxa uu bulshada iyo hay’adaha dawladda ee ku-shaqada leh ku boorriyey in si xooggan looga taxadarro halista ka soo fool leh xanuunkan oo si fudud lagu kala qaadi karo.

 

“Sirbaa jirta ah in xanuunkaasi uu Ethiopia soo gaadhay, laakiin dhaqaalaha Ethiopia iyo wuxu ku xidhan yahay haddii sirtaasi Baxdo inuu dhaqaalaheedu hoos u dhacayo, sidaas darteed in badan waxa la saadaalinayaa inay qarinayso,” sidaas waxa yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo shalay warbaahinta kula hadlayey Hargeysa.

 

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii ay Ethiopia noqotoy halka uu cudurkani uga soo gudbi karo Afrika Bari, maxay tahay xidhiidhka Ethipia la leedahay Somaliland? Waxa jira oo Somaliland kasoo qaadataa Ethiopia waxyaabo badan, inagase khatarta ugu badan ee ina haysataa waa dhinaca Ethiopia, waayo waxaynu leenahay xidhiidh ganacsi oo aad u qoto dheer.”

 

Xildhibaanku waxa uu aragtidiisa ku iftiimiyey qaabka ugu fudud ee cudurkani ugu soo gudbi karo Somaliland haddii cudurkaasi soo gaadho dalka Itoobiya, waxaanu yidhi, “Haddii Airport-ka la xidho oo dekedaha dalka la xidho oo maciishadaha dalka oo dhan la xidho, Hal shay oo aan la xidhin oo saamayntiisa leh baa jira, mana dacaayadaynayee waxaan bulshada Somaliland ku baraarujinayaa inay inaga inooga soo gudbi karto Qaadka.”

xigasho: wargeyka Himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here