HALKAN KA AKHRI: Khudbadii Uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ka jeediyay Munaasibad Dhoola-tus ah oo Xisbiga KULMIYE Ugu Jawaabay Weedhihii Mucaaridka

0
22

Hargeysa (Hubaal) Munaasibaddan oo si heersare ah loosoo agaasimay, ayaa waxa kasoo qaybgalay Kumanaan kamid ah taageerayaasha Xisbiga, Hoggaanka Sare ee Xisbigaas, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Marwada Koowaad ee Qaranka iyo Marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana Halkaas khudbado ka jeediyey saraakiisha xisbiga iyo Xukuumaddaba ugu sarreeya oo jawaabo ka bixiyey hadalllo dhawaan kasoo yeedhay mucaaridka Dalka oo ka dayrinayey Xaaladda Dalka wixii ka dambeeya Muddada doorashooyinku qorshaysan yihiin.

sayliciMadaxweyne-kuxigaanka Somaliland Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, halkaas hadal kasoo jeediyey in laga dheeraado shakhsi weerarka iyo  dhaawaca loo geysto Hoggaanka Dalka,

“maanta wax inaga xumaanayaa ma jirto Dawladda Maanta jirta ee Xisbigga Kulmiye ka dhisani  Dawladda ugu dhego nugul Mucaaridka weeye, Waxase Reeban umad islaam ah baynu nahay oo qaranka in loo tudho ayaa loo baahan yahay, waxana inaga reeban in qofka sharaftiisa, maalkiisa iyo cirdigiisa la dhawro, Xisbiyada Mucaaridka ahi inay sidaynu ognahay u hadlaan mid nashaxa ka baxsan ma aha,” ayuu yidhi Mudane Saylici, waxana uu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaas ku daray,

“nin weyn o siyaasi ah baa yidhi Madaxweynaha SSoamliland Mushaharkiisu waa 32-kun oo dollar, buugagayagay ku qorantahayoo  in laga beensheego ma ahee waa $1100-kun oo dollar madaxweyne-kuxigeenkuna waa $7500 weeye waana xaaraan in wax aan jirin umadda loo sheego.”

Mudane Saylici waxa uu hoosta ka xariiqay in axsaabta mucaaridka ahi xaq u leeyihiin inay talada qaranka wax ku yeeshaan, waxase uu intaas raaciyey inaanay Haboonayn inay Dad aan sharci ahayn  hoosta soo gashadaan sida uu hadalka u dhigay, waxana uu yidhi,

“Labada xisbi mucaarid ee sharciga ahi xaq bay u leeyihiin inay talo nasii yaan oo na toosiyaan, cidda kale ee sii daba fadhidaa waxay muujinaysaa garsoorka inaanay aqoon u lahayn Sharicyadana kuma jirto, dalkuna saddex sibi qaran buu leeyahay, Doorasho haddii ay dib udhacdo iyo Hadii kaleba cidda aanu la fadhiisanaynaa, ama talo ka weydiinaynaa waa labada xisbi-qaran iyo Golayaasha Qaranka.”

Ugu dambayntii Mudane Saylici waxa uu sheegay inuu dibudhaca Doorashada eedeedda leeyahay Guddoomiye Cirro, waxana uu yidhi, “Anigu taas dibu dhaca wixii ka yimaadda waxanu saaraynaa inay  ka timi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, isla-markaana ah Guddoomiyaha Barlanaanka.”

Xubno kale oo ay kamid ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Saraakiil kale oo Xisbiga ka tirsan, ayaa dhamaantood ku dheeraaday inay diyaar uyihiin inay dhawraan nabadda iyo deganaanshaha waddanka, waxana ay  shacabka u sheegeen inay ku kalsoonaadaan  Talada katimi Guddida Doorashooyinka Qaranka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here