Soomaaliya oo la wareegaysa Maamulka Hawada, Saxeexdayna inay Shell iyo Exxon Mobil Shidaal ka soo saaraan goobo ka mid ah Xeebaha Somaliland iyo Xukuumadda oo Afka ka xidhatay
Montréal, (Hubaal/Himilo)- Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Heshiisyo kala duwan oo ku saabsan la wareegidda Maamulka Hawada sare iyo Sii-wadista heshiis dawladdii burburtay ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Marxuum Maxamed Siyaad Barre ay kula jireen Shirkadaha Sahaminta iyo Shidaal soo saarista ee Shell iyo Exxon Mobil ‘Eager oo hadda isku ah hal Shirkad la gashay Shirkadahaas iyo Hay’adda Hawada Soomaaliya maamulaysay 20-kii sano ee u dambeeyey ee ICAO.
ICAO (1)Heshiisyadan waxaa dawladda Soomaaliya u saxeexay Wasiirka Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Montréal ee waddanka Canada iyo Wasiirka Baadroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar oo isaguna ku sugan magaalada Hague ee dalka Netherland ama Holland loo yaqaan, waxaanay heshiisyadaasi saamaynayaan Somaliland oo qayb ku leh Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya iyo sidoo kale illaa shan goobood oo ay Shirkadaas Shell iyo Exxon Mobil ay ka baadhi doonaan Shidaal oo qaar ka mid ah goobahaasi ku yaallaan Xeebaha Somaliland oo wakhtiga goobahaas inay shidaal ka soo saaraan lagula heshsiiyey shirkadahaas ay ka mid ahayd dalkaas la isku odhan jiray Soomaaliya.
Aynu ku horreynee Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada Sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Montréal ee waddanka Canada, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen Masuuliyiinta sarsare ee Hay’adda Maamulka Hawada ee caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ICAO.
“Safarkaannu u nimi dhinacan Canada wuxu ahaa runtii hawl, waxaannu u nimi arrinta Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ka jirto muddo aad u badan oo labaatankii sano ee u dambeeyey ah inay ka maqan tahay ummadda Soomaaliyeed, taasoo ku timi dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya markii uu sii xoogaystay 1994-kii, ay Qaramada Midoobay la wareegeen oo ay ku wareejiyeen dhinacaas iyo Kenya, illaa haddana ay gacanteenna ka maqnayd.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Qoorsheel oo ka jawaabayey su’aalo kala duwan oo lagu weydiiyey Waraysi ay la yeelatay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-du.
Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada Sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi; “Markaa, wixii ku saabsan Duulista hawada waxa laga maamulaa waa magaalada Montréal ee dalka Canada, markaa waxay noqotay hawshaasi markay socon wayday ee dhinacna u dhaqaaqi weyday ee ballan-ka ballan uun ay noqotay inaannu go’aansannay Masuuliyiinta ugu sarraysa ee qaabbilsan hawlahan inaannu iska aragno oo is horfadhiisanno oo go’aanka ugu dambeeya aannu kala qaadanno.”
Wasiir Qoorsheel waxa uu sheegay inay la kulmeen Xoghayaha Guud iyo Madaxweynaha ICAO oo fadhigoodu yahay magaalada Montreal ee dalka Canada, kuwaasoo amar ku bixiyey in Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka hawada dalkeeda, waxaanu yidhi; “Masuuliyiintii ugu sarraysay ICAO oo ah Xoghayaha guud iyo Madaxweynehooda waan is-aragnay, laba maalmood buu shirkayagu socday, waxaa Illaahay mahaddiis ah in aan meel isla dhignay oo codsigayagii aannu gudbinnay in ummadda Soomaaliyeed ay Hawadoodi ka maqan tahay, meel ay ku maqan tahayna aannaan garanayn, Nairobi waxay u taallo ee looga maamulana annagu aannaan garanayn, markaa aannu u baahannahay in waxayagii naloo soo celiyo, aakhirkii go’aan baa halkaa lagu gaadhay in ummadda Soomaaliyeed loo celiyo hawadeedii maamulkeeda intaan sannadkani dhammaannin.”
“Markaa, awal waxay ahayd bisha January (1-aad) ee sannadka soo socda shir in la isugu yimaaddo oo la falanqeeyo sida Soomaaliya loogu wareejin karo maamulka hawadeeda, markaa markaannu arrintaa diidnay, ee wax socda aannu weynay, oo ballamo badan oo hore ay qaadeen qolada Nairobi joogtaa, aannu markaa dalbannay inaannu is-aragno Madaxda sare, Shirkayaganna waxa ka soo baxay go’aanno fiican, go’aannadaasina waxay noqdeen in amar lagu bixiiyey in Saadaasha Hawada iyo wixii duullimaad ku saabsan iyo Cirka Sare ee Hawada Soomaaliya, in ummadda Soomaaliyeed loo daayo oo Soomaaliya lagu celiyo, runtii waa guul aad u ballaadhan waanan filaynay inay sidaas u dhacdo,” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada Sare ee Soomaaliya.
Mar uu Wasiir Qoorsheel ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay ugu diyaar-garoobeen la wareegista Maamulka Hawada, waxa uu yidhi; “Waxay ku marmarsoon jireen ummadda Soomaaliyeed uma diyaar ah inay maamulaan hawadooda, in dad loo tabobbaro ayay rabaan in qalab loo soo iibiyo ayey rabaan. Markaa, waxaannu annagu tusaalaynay dadkan Soomaalida ah ee ay 20 sano ku hayaan Nairobi ee khibradda fiican leh ee dadka kale ka mushaharka yar waa maxay sababta Soomaaliya loo geyn waayey? Waxaannu codsannay in dadkaas Soomaaliya la geeyo, haddii cid kale oo dheeraad ah loo baahdana waannu helaynaa oo dadkii Soomaaliyeed ee ka shaqayn jiray weligood ee khibradda fiican u leh ayaannu soo ururinnay. Markaa, diyaar baa loo yahay arrintaas, iyaguna waa og yihiin, dadkii ka shaqayn lahaana waan heynaa, wax aannu hadda iyaga ka sugayno oo aannu leenahay waxaas noo qabtana ma jiro.”
Waxa uu Wasiir Qoorsheel intaa ku sii daray oo yidhi; “Waxa jiray qalab loogu talo-galay marka hore in lagu rakibo Nairobi, markaa waannu tusnay oo waxaannu nidhi haddii waxan aannu annagu leenahay oo Maamulkii hawadana Soomaaliya lagu sii wado, maxay tahay sababta Nairobi loogu rakibayaa, taasna waa la joojiyey, qalabkaasina wuxu yaallaa Talyaaniga, waxaana loo wareejiyey Soomaaliya oo lagu rakibayaa, amar baa lagu joojiyey Arbacadii (dorraato-/ tii ka horreysay).”
Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo la weydiiyey inay Soomaaliya maanta ka jiraan maammullo badan oo ay ka mid yihiini Maamullada Somaliya ee Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo kuwo kale iyo sida ay u maamulayaan dawlad federaal ahaan, waxa uu yidhi; “Hawada Soomaaliya waa mid meel kasta halla geeyo, meelkasta hallaga maamulo, illaa iyo dhinacaa Hindiya laga gaadhayo, dhinaca Yemen, inta laga gaadhayo dhinaca Itoobiya, dhinaca Kenya, waana waxa la diiddan yahay-ba waxaas oo dhan, waa waxa la doonayo ee la leeyahay in Soomaaliya lala maamulo ayay ahayd, annaguna waan diidnay, awalba waan maamuli jirinay haddana dib baan u maamulaynaa, waana baaxad ballaadhan mar haddii hawada sare illaa Hintiya ay tahay oo diyaaradaha illaa halkaas laga kaantarroolayo.”
Waxaanu Wasiirka Duulista oo jawaabtiisa sii wataa yidhi; “Markaa, ummadda Soomaaliyeed iyadaa wexeeda leh. Laakiin, horta gacanta Soomaaliyeed hallagu soo celiyo oo dibedda hallaga soo celiyo, markaa wax cudur ah oo ku jiraa ma jiraan, wax socda oo laga wadahadlayo oo socota weeye, laakiin Hawada Soomaaliya waa mid, waana mid aannu marar badan ka wadahadalnay oo aannu shirar kaga hadalnay.”
Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada Sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Somaliland ma ku jirtaa meelahaas, waxa uu yidhi; “Waa ku jirtaa, Soomaaliya waxba hakala qaadin, anigu siyaasiyin Soomaaliya hal baan u arkaa. Markaannu hadda isugu tegnay Istanbul (Turkiga), dad Soomaaliyeed baannu nahay, meeshii la geynayaba, iyaga laftooda heshiiskii aannu wada saxeexannay waxa ka mid ah in waxooda loo soo celiyo dalka Soomaaliya, arrintaa markaa meel baannu wada saarnay, waanay noo muuqataa intay dibed u wareegi lahayd in bal Soomaaliya gudeheeda meelkasta ha noqotee lagu soo celiyo.”
Sidoo kale, Magaalada Hague ee dalka Netherland, waxaa heshiis ku kala saxeexday Khamiistii Shirkadda Shidaalka ee caalamiga ah ee Shell iyo dawladda Soomaaliya, kuwaasoo wada-jir u sheegay inay soo nooleeyeen heshiisyadii ay Shirkaddaasi kula jirtay Soomaaliya burburkii ka hor. Isla markaana, ay Shirkadda Shell si dhaqso ah u bilaabi doonto soo saarista iyo sahaminta shidaalka. Waxay labada dhiniacba sheegeen inay ku rejo wayn yihiin inay dhawaan Soomaaliya heli doonto shidaal ku filan oo dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya qayb wayn ka qaadan doona.
Wasiirka Baadroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar, ayaa sheegay inay ku dhiirrigelinayaan Shirkadda Shell shaqada ay hayso iyo hawlaha Shidaal qodista ee ay ka bilaabi doonto Xeebaha waddanka Soomaaliya. “Waxaan rejaynaynaa xilli dhaw inaan bilawno arimaha la xidhiidha Shidaal soo saarista ee dalka Soomaaliya iyo sidii aannu tallaabadii u horreysay qaadi lahayn, waxaan rejaynayaa inay Shirkadda Shel booqasho ku timaaddo dhawaan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Baadroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar.
Ku-xigeenka Madaxa Shirkadda SHELL ee Afrika u qaabilsan soo-saarista Shidaalka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu soo dhawaynayo heshiiska dhex-maray Soomaaliya iyo SHELL, isla markaana ay ku aqoonsatay goobihii hore ee Xukuumadihii hore ee Soomaaliya ay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ‘Eager ku lahaayeen Soomaaliya wixii ka horreeyey burburkii dawladdii Soomaaliyeed 1990-kii, goobahaas oo sida warka lagu sheegay illaa shan goobood oo la sahamiyey ah.
Shirkadda Shell oo ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee dunida ka shaqeeya iyo Shirkadda Exxon Mobil ‘Eager oo iyaduna ka mid ahayd shirkadaha waa wayn ee dhinaca Shidaal qodista iyo sahaminta ee caalamiga ah, ayaa hadda isku ah hal Shirkad ka dib markii ay sannadkii hore midoobeen labadaas shirkadood. Hase-yeeshee, dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa iyadu oggolaatay inay halkoodii ka sii socdaan heshiisyadii ay labadaas Shirkadood Soomaaliya la gashay intii aanay midoobin ka hor sannadkii 1991-kii. Waxaana goobahaas qaarkood ku yaallaan Somaliland oo wakhtigaas heshiisku dhacay ka mid ahayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid tahay goobo ku yaallaha Somaliland iyo weliba Xeebaha dalkaas oo kuwa Somaliland ka mid ahaayeen wakhtigaas.
Wasiirrada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Macdanta iyo Biyaha dawladda Somaliland oo aannu isku daynay inaannu wax ka weydiinno warkan oo mid walba dhinac ka khuseeya Wasaaraddiisu shaqada ay Qaranka masuulka uga tahay, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii ay naga qaban waayeen Taleefannadooda gacanta oo aannu marar badan ka wacnay, markii dambena ay xidheen.
Himilomedia.com