HALKAN KA AKHRI: Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku hambabaray Mansab Masuul Hore Hayay Oo Uu U magacaabay Mid Cusub Iyadoon Kii Hore Wareegto Xil Ka Qaadis Ah Laga Soo Saarin

0
69

Hargeisa-(Hubaal)-Madaxweyne Siilanyo ayaa xilkii la-taliyenimo ka qaaday Diblomaasi sare Yuusuf Jaamac Buraale oo muddo sadex sanadood ku dhawaada ahaa la taliyaha madaxweyne Siilanyo xagga arimaha bulshada.

axmed Siilaanyo

Madaxweyne Siilanyo ayaa intaanu wareegtada xilka qaadista Ambsador Yuusuf Jaamac Buraale soo saarin ayaa wuxuu u magacaabay xilkaas la-taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Maxamed Iid Dhinbiil balse goor danbe ayuun baa loo sheegay in weli xilkaas uu hayo Yuusuf Jaamac Buraale markaasuu oday Siilanyo Hanbabaray oo warqada xilka qaadista degdeg u qoray taas oo haddii ay sidaa tahay muujinysa inaanu madaxweyne Siilanyo la-taliyayaashii iyo xubno doora oo ka tirsan xukumadiisa inaanu aqoon amaba ogeyn.

Si kastaba ha ahaatee Diblomasi sare Yuusuf Jaamac Buraale ayaa muddo dheer dawladii Somalia ee burburtay safiir uga ahaa wadamada Ruushka,Algeria iyo Siiriya ha yeeshee aakhirkii wuxuu yuusuf ka baxsadey xukumadii siyaad barre isagoo hayey xilka Agaasimaha guud ee wasaaradii boosta iyo Isgaadhsiinta Somalia kuna biiray Jabhadii SNM.

Ku darsoo Tan iyo intii Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay ayuu Ambsador Buraale qabtay xilal doora, isagoo mar wasiirka dibudejinta  ka noqday xukumadii Cigaal,sidoo kale ayuu xukumadii Daahir Rayaalena noqday wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya ,Ugu danbayntiina  wuxuu ka mid ahaa isbedeldoonkii ku biiray xisbiga kulmiye, halkaas oo uu la-Taliye u ahaa Siilanyo oo xilligaas ahaa Gudoomiyaha Kulmiye.Sanadkii 2011kii ayuu siilanyo Ambasador Buraale u magacaabay la-taliyahiisa xagga arimaha bulshada.

Geesta kalena Qoyska Madaxtooyada iyo wasiirada haysta dhegahooda ayaa beryahan danbe ka sifeynaayey Golaha xukumada Siilanyo cidii cillinkeeda la bixin waayo ama guulwadeyn weyda ee hanjabaad iyo cay ku af rogi weyda Hogaanka Axsaabta Mucaaradka (Waddani iyo Ucid) iyo siyaasiyiinta dhaliila xukumada ee ay isku beesha ka soo jeedaan,Waxaa kaloo golaha xukumada laga nadiifinaayey cidii lagu tuhmo inay xidhiidh la leedahay  xisbiga Waddani siiba waxaa xilalka laga xayuubinaayey amaba Albaabka Madaxtooyada laga celinaayey cidii loo arko inay isku hayb yihiin Hogaanka Xisbiga Waddani sida hadaba Yuusuf Jaamac Buraale loola badheedhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here