“Aniga oo kursiga wali ku fadhiya oo uu xisbigu ii gartay inaan mar labaad isu soo taago musharaxa,, sax maaha inaad isku kay dul qabsataan….. xisbiguna waa DEMOCRACY lagu tartamayo”
Hargeysa (Hubaal) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay loolanka beryahan dambe ka taagnaa musharaxa xisbiga Kulmiye kaas oo u dhexeeyay masuuliyiin kamid ah golihiisa wasiirada iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye,kuwaas oo maalmihii u dambeeyay adeegsanayay salaadiinta iyo madax-dhaqameedyada reerahooda, islamarkaana kulamo qado sharaf ah oo gaar gaar ah oo ay ku shaacinayaan musharaxnimadooda ku qabanayay magaaladda Hargeysa taas oo bulshada ku dhaqan dalka Somaliland ay hadal-haynteeda ku foognaayeen muddooyinkii u dambeeyay oo haatan uu madaxweyne Siilaanyo soo afjaray murankaa siyaasadeed
Madaxweyne Siilaanyo ayaa carabka ku adkeeyay inuu yahay musharaxa xisbiga Kulmiye ee doorashadan soo socota u taagan,islamrkaana sheegay inuu xisbigu u gartay inuu mar labaad isu soo taago kursiga oo uu yahay ka u tartamaya doorashada madaxweynaha ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sannadkan aynu ku jirno.
Hadalkan ayaa madaxweyne Siilaanyo ka sheegay mar uu maanta ka hadlayay xaalada gobolka Awdal ee suldaanka buuraha galay ee iyo sidoo kale curashada sannadka cusub ee 2015 oo uu war-saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa aqalka madaxtooyada Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya loolanka ka taagan musharaxnimada xisbiga Kulmiye ayaa u soo jeediyay masuuliyiinta hirdanku ka dhexeeyo inaanay xisbiga khilaaf ka dhex samayn islmarkaana aanay ku loolamin kusriga uu haatan madaxweynuhu ku fadhiyo,waxaanu sheegay madaxweyne Siilaanyo inuu isagu yahay musharaxa sidaa daraadeedna aanay sax ahayn in la isku dul qabsado isga oo kursiga ku fadhiya,waxa kale oo madaxweyne Siilaanyo ka dhawaajiyay in xisbiga Kulmiye uu yahay xisbi dimuqraadi ah islamarkaana lagu tartami karo musharaxnimada oo aanu ahayn mid cid keli ah looga dambeenayo isaga oo madaxweyne Siilaanyo ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Waxaa muuqatay is-maandhaaf iyo hirdan kaadirkii Xisbiga Kulmiye qaar ka mid ahi ay maalmahan saxaafaddu soo bandhigaysay damacooda siyaasadeed ee ku wajahan kursigan aan ku fadhiya. Waxaan leeyahay Kursigan anigaa ku fadhiya oo xisbigu ii gartay mustaqbalkana waan sharraxanahay, saxna maaha in aad isku kay dul-qabsataan wixii iga dambeeya Ilaahay ha ina gaadhsiiyo, Xisbiguna waa Xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa, waxaana ina sugaya Xisbiyo kale oo inala tartamaya, walaalayaal yaynaan cidla ku xiiqin oo isku qabsan, yeynaan wax aan joogin isku colaadsan, kolay meel dad-joogo qalooc iyo qardoofo laga waayi maayo ee aan ilaalinno wada jirka Xisbiga iyo Midnimadiisa.” Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo
Mustafe Faro
Hubaalmedia.net
Hargeysa…..Somaliland