Hargeysa (Hubaal )- Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo U gudbiyey Golaha Wakiillada si ay waajibkooda distooriga ah uga gutaan ayaa noo suurto gashay inaanu helno hayb ahaan jufooyinka ama ardaayada ay kasoo kala jeedaan.
Xubnahan oo Haddii ay golaha wakiilladu Ansixiyaan, beddelaya dhigooda hore ugu fadhiyeyey kuraasta Hay’adda u sarraysa ee doorashooyinka dalka Masuulka ka ah ayaa Saddex ka mid ah waxaa soo magacaabay Madaxweynaha, Laba Xubnoodna waxaa soo magacaabay Guddoomiyaha golaha Guurtida, halka labada xubnood ee baaqiga ahna ay soo kala xuleen Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI.