Koox Loogu Yeedhay Guddida Fulinta Doorashooyinka Dadban Ee U Gaarka Ah Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Liis 31 Xubnood Ka Kooban Oo Ku Tartamaya 11 Kursi+Magacyadooda iyo Saamiga Gobollada
Muqdisho (Hubaal)-Dawladda Somaliya ayaa baahisay 31 xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse iyagoo aaminsan mabda’a federaalka ka qayb galaya tartanka doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya. Tartamayaashan ayaa waxaan ku jirin liiska gobalka Sool, waxaana 31-ka ruux laga doonayaa inay ka soo dhex baxaan 11 xubnood, ka dib marka ay tartanka codaynta galaan. Liiska waxa soo saaray Guddi ay dawladda Somaliya samaysay oo loogu yeedho guddiga fulinta doorashooyinka dadban ee u gaarka ah Somaliland.
31-ka xubnood ee tartamaya ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa kala ah:
Saddex xubnood oo iyagu kursiga koowaad ku metellaya gobolka Hargeysa ayaa magacyadoodu kala yihiin: Maxamuud Jirde Xuseen, Cabdi Xaashi cabdillahi, Axmed Mahad Cumar. Isla gobolka Hargeysa waxaa iyaguna Kursiga Labaad ku suntan Muxiyadiin Sheekh Cali, Maxamed Sheekh Ibraahim, sidoo kale Kursiga saddexaad ayaa ay ku qoran yihiin Mustafe Maxamed Qodax [Maareeye ku xigeenkii SLNTV ee dhawaan ka degey Muqdisho] iyo Layla Axmed ismaaciil.
Gobolka Togdheer waxaa Kursiga Koowaad galay Muuna Cumar Xasan iyo Deeqa Maxamed Saalax, halka Kursiga Labaad ay galeen Cabdirasaaq Axmed Cali, Cabdixakiim Ibrahim Nuur, sidoo kale Kursiga saddexaad waxaa ku tartamay Ibrahim Adan Maxamed, Cabdikariim Maxamed Xasan, Jaamac Axmed Rooble, Jaamac Axmed Rooble.
Gobolka Awdal Kursiga Koowaad: Xuseen Ceelaabe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi, Cabdillahi Max’ed Sacad. Kursiga Labaad Hodan Abuukar Xasan, Zainab Jaamac Rooble. Kursiga saddexaad: Faysal Xuseen Daahir iyo Ibraahim Maxamuud Xaddi. Gobolka Sanaag Kursiga Koowaad: Cumar Maxamed Adan (Qaadi), Saalax Axmed Jaamac, Maxamuud Axmed Ismaaciil, Nuura faarax Jaamac, Caasha Axmed cabdalla, Kursiga Labaad, Maxamed Cabdi Xayir (Maareye), Maryan Axmed Maxamed, Faarax Jaamac Guuleed. Cabdillahi Xayir Ducaale.