HALKAN KA AKHRI: Maxkamad burisay go’aan Wasiir Caddaaladeed ku joojiyey Qoys Soomaali ah oo Midoobayey

0
42

Dublin, (Hubaal)- Maxkamadda Sare ee dalka Ireland, ayaa burisay go’aan Wasiirka Caddaaladda dalkaasi ku hor-istaagay dalab Nin Soomaali ahi ku doonayey in loogu keeno Ehelkiisa, sida go’aanka Maxkamadda lagu sheegay.

Sida shalay lagu baahiyey Wargeyska IrishTimes, ninkan Soomaaliga ah ayaa codsigii uu ku doonayey in qoyskiisa loogu keeno uu hor-isaatagy Wasiirka Caddaalada Ireland, maaddaama oo ay culays dhaqaale ku keenayaan dalkiisa, balse go’aanka Maxkamadda sare, ayaa lagu sheegay in qodobka dhaqaalaha ee diidmada lagu saleeyey ka baxsan yahay go’aammada Wasiirka Caddaaladdu keli u gaadhi karo.

Frank Clarke oo Garsoore ka ah Maxkamadda Sare ee dalka Ireland, ayaa deedifeeyey dalab Racfaan Wasiirka Caddaaladdu u soo qortay Maxkamadda inaanay burin go’aankiisii diidmada ah. Hase-yeeshee, Maxkamadda sare, ayaa sheegtay inaanay helin caddeymo muujinaya in qoyska midoobaya loo diido inay ku tiirsanaan doonaan dhaqaalaha dalka.

garsoorNinkan Soomaaliga ah oo sannadkii 2007 qaxootinimo loogu aqoonsaday dalkaas, ayaa doonaya in loo soo kaxeeyo Qoyskiisa oo ka kooban Xaaskiisa, Caruurtiisa, Hooyadii iyo Afar ay Walaalo yihiin, waxaana go’aankan Maxkamadda sare ku burisay diidmadii hore ee Wasiirka Caddaaladdu muujinayaa in dalabkiisu guul ku dhaw yahay hadda.

Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here