Hargeysa, , (Hubaal) – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa bilowday shalay dhagaysiga dacwad u dhaxaysa shirkadaha sahanka shidaalka ee Minsom Assets iyo Petrosome Somaliland LTD.
Wararka aanu helay waxaa ay tilmaamayaan in dacwaddani la xidhiidho khilaaf ka ooggan saamiyadda ama kala lahaanta Ardaaga lagu magacaabo Oodweyne ee Shidaalka (Oodweyne Block).
Labada hoggaamiye ee Shirkadahan ayaa kala ah Cabdiwahaab Axmed Yaasiin oo madax ka ah Minsom Assets iyo Petrosome Somaliland LTD oo uu leeyahay Maxamed Yuusuf, labadan masuul ayaa la wariyay in hore arrintoodda hanaan dhaqan ah loogu garnaqay, balse dib u soo laba kaclaysay mar kale.
Dhinaca kale, Maamulaha xafiiska Somaliland ee Shirkadda shidaalka Genel Energy Jamaal Aadan Diiriye ayaa shalay waqti kooban lagu xidhay saldhiga dhexe ee Booliska Somaliland, ka dib markii lagu eedeeyay inuu baabuur ku eryaday Eng, Cabdiwahaab Yaasiin Gabayxaddi.
Sida wararka aanu helay sheegayaan, Maamule Jamaal ayaa baabuurkiisa ka daba keenay Eng Cabdiwahaab, wakhti ay ka soo baxeen dacwad ka bilaabantay Maxkamada Gobolka Hargeysa oo la xidhiidha saamiyadda shirkadaha sahanka shidaalka ee Minsom Assets iyo Petrosome Somaliland LTD ee Ardaaga Oodweyne,(Oodweyne Block). Xogta aanu helay waxaa ay tilmaamaysaa in Jamaal ka mid yahay markhaatiyada arrintan la socda. Labadan sarkaal ayaa isula soo galay qaar ka mid ah ciidanka nabadgalyada Wadooyinka, kuwaasoo isku dhaafiyay Saldhiga dhexe. “Cabdiwahaab ayaa noo yimi oo yidhi Baabuurkan ayaa I eryanaya’e ila eega, markaanu baabuurkii weydiinayna waxaa ay qoladii daba socotay tidhi Sawir aanaan raali ka ahayn ayuu naga qaaday. Waxaana aan isu dhaafiyay Saldhiga Dhexe ee Booliska.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah ciidamada nabad-galyada wadooyinka oo aanu wax ka weydiinay arrintan. “Haa, saacado ayuu xidhnaa, markii danbe arrinta waxaa soo galay Odayaal, waana la sii daayay.” Sidaasna waxaa yidhi Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ee ka hawl-galla saldhiga dhexe ee Hargeysa oo Wargeyska Saxafi la xidhiidhay.