HALKAN Ka Akhri: Nin Meyd Ah Oo Laga Soo Saaray Ceel Ku Yaalla Degmadda Arabsiyo

0
39

Arabsiyo (Hubaal)- Allaha u naxariistee waxa Ceel beerood ku yaallay magaaladda Arabsiyo shalay ku geeriyooday hal qof oo kamid ahaa shaqaalihii Beertaasi.
Marxuumkan shalay ceel waraabkaasi ku geeriyooday ayaa la odhan jiray Cabdirashiid Maxamuud Aadan oo da’diisana lagu sheegay dhawr iyo labaatan jir, waxaana la sheegay inuu ka yimid Itoobiya isla markaana ka soo jeedday beesha Akashe.
dooxa arabsiyo Photo file ku qorMaxamed Ibraahim Maxamud Good oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday marxuumkan ee ka soo saaray ceelka ayaa markii falkani dhacay wariye ka tirsan Saxafi kula kulmay magaaladda Arabsiyo, waxaanu uga waramay siday wax u dhaceen. “Marxuumkan waxa la odhan jiray Cabdirashiid Maxamuud Aadan oo inta aanu beertan usoo wareegin beertayada ayuu ka shaqayn jiray, waxaana aniga maanta igu soo wargaliyey ninkii Beertan lahaa ka dib markii uu waayey, waxaana gudaha u galay ceelkan oo sodan mitir hoos u qodan, inkastoon biyo badani ku jirin, waxaana maydkisii aanu keenay saldhiga Arabsiyo”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim oo isagu ceelka ka soo saaray. “Waxa loo malaynayaa inuu saaka (Shalay) illaa sagaalkii subaxnimo ku dhacay, waxaana la tabay ilaaa duhurkii markii uu xaafadii iman waayey, haseyeeshee waxaanu maydkiisa ka soo saaranay labaddii oo wax la’”ayuu raaciyey ninkii ka soo saaray Ceelka, haseyeeshee waxa markiiba lagu wargaliyey Habaryartii oo deegaanka ku nool.
Maxamed Good oo reer Arabsiyo ah ayaa sheegay in muddo aanu badnayn dalka joogay, isla markaana beertan si kadis ah ceelka uga dhacay, iyadoo la waayey, haseyeeshee markii dambe ceelka laga dhex helay maydkiisa, iyadoo loo malaynayo inuu aroortii ku dhacay taas oo saacado badan ku jiray.
Marxuumkan ayaa loo gudbiyey saldhiga Gabiley si loo baadho qaabka uu udhintay iyo sida uu ugu dhacay ceelka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here