Halkan Ka Akhri: Nuxurka Baaq Kasoo Yeedhay Hoggaanka Sare Ee Dhalinyarada Beelaha Gar-xajis Oo Uu Ku Saxeexan Yahay Ugaas Axmed-Beer

0
52

Hargeysa (Hubaal)- Bayaan qoraal ah oo ay si wada jira noo soo gaadhsiiyeen ugaaska guud ee dhalinyarada beelaha garxajis Ugaas Axmed Xuseen Askar, (Axmed-Beer) Oo ay weheliyaan afhayeenka guud ee dhalinyarada garxajis buraale ibraahim afwaax , iyo afhayeenka dhalinyarada habaryoonis hassan ahmed hasan ( hasan assafe) iyo afhayeenka guud ee dhalinyarada cidagale barkhad dr sulub cali Waxa uu u dhignaa sidan; Waxaanu si wada jira anagoo ah hogaanka sare ee dhalinyarada beelaha garxajis (siciid ismaacil iyo daauud ismaacil) ixtiraamayna dastuurka iyo qawaaniinta dalka waxaanu xukumada uu gadh wadeenka ka yahay madaxweyne ahmed maxamed maxamuud ( siilanyo) waxaanu si adag u cambaraynaynaa una naqdiyayna falka waxshinimada ee ka reeban dhaqanka dawladnimo ee lagula kacay madax dhaqameedyada birmageydada ee huwan karaamada shacbiweynaha somaliland , madax dhaqmeedkaas oo kala ah Boqor raabi yuusuf cabdilaahi iyo suldaan mawliid sabayso , madax dhaqameedkan oo si ka baxsan milgaha iyo maamuska dhaqan ee ay jamhuriyada somaliland kusoo caano maashay , loona adeegsaday ciidamada la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaano RRU , una taxaaben xabsiga halkasoo aan sida sharci dhigayo aan la hor maxkamada muddo dhaaf sharci darro ah u xidhan , waxa cad oo marag ma doona in aanay jirin wax faldambiyeeda oo ay ka galeen qaranka kuna eedaysan yihiin keliya waxa xadhigooda loo aanaynayaa ka damqashada boobka hantida umadeed iyo sida badheedhka een geedna loogu gaban ee xukumada siilanyo ugu samaynayso sed bursiga , kootaynta ilaha dhaqaale ee eexda iyo qaraabo kiilka ku suntan ee ay dawladani caadada ka ugaasdhigatay, uguna dambaysay boobkii cadaa ee ay barlamaanku hor istaageen ee madaxweyne siilanyo digreeto ugu sexeexay hantidii qaranka gafaanayaal ganacsado sheeganaysa oo isku beela ah oo lagu naas nuujinaayo , waxan indhaha laga qarsan karin qofkaste oo muwadin reer somaliland ah oo damiir damqanaaya xaluufinta iyo xidhida seerayaal koox ganacsato ah lacago lagaga qaatay hoosna aan loo eegin dadka xoolo dhaqatada ah oo ah bulshada inta u badan , xooluhuna ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee somaliland , waxa wax laga yaq yaqsooda ah in boqor maxamud cisman buur madow oo ka mida madax dhaqameedka somaliland uu si ka baxsan milgaha dhaqan , ee ummadani leedahay ugu taageeray xukumada erayo deelqaafa oo uu u adeegsaday hadal aan ku haboonayn taariikhda somaliland kalana fogaynaysa shacbiga walaalaha ah ee somaliland , boqor buur madow wuxuu ku sifoobay qab qable dagaal oo beelaysan kana aradan dhaqanka soo jireenka ee samo kataliska ah ee ay ummadenu hida u lahayd , anagoo ummada somaliland ka tacsiyaynayna hadalada qaran dumiska ee kasoo yeedhay boqor buur madow (ANAGOO LEH SOMAALILANEY WAAKAA BUUR MADOW)
Ugu danbayntii hadaanu nahay hogaanka sare ee dhalinyarada beeelwaynta garxajis ugu baaqaynaa xukumada silaanyo in si deg dega oo bilaa shuruuda xoriyadoodii loogu soo celiyo, madax dhaqmeedkaas , hadii kale laga dhaxli doono cawaaqib xumo ku suntan nidam qabiil oo ay masuul ka tahay xukumada silaanyo,
Wabiilaahi tawfiiiq

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here