Xisbiyada oo rajo ka muujiyey hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ka hor doorashada soo socota
Hargeysa (Hubaal)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo madaxda axsaabta siyaasadda, ayaa kulanka ay yeesheen kaga wadahadlay hawlaha u diyaargarowga diiwaangelinta codbixiyayaasha dalka ee la doonayo in lagu galo doorashooyinka soo socda ee ku eeg badhtamaha sannadka dambe.
xisbiyo
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo markii uu dhammaaday kulankaasi warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in Komishanka Doorashooyinku siiyeen warbixin ku saabsan qabashada diiwaangelinta codbixiyayaasha oo tijaabo laga qaadayo la qabanayo bishan gudaheeda, isagoo rajo fiican ka muujiyey in lagu guulaystay dhammaystirka diiwaangelinta ka hor doorashada madaxtinimada ee soo socota.
Isagoo arrintaa ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Komishanka waxay na siinayeen warbixinta shaqada diiwaangelinta codbixiyayaashu halkay marayso, way mahadsan yihiin oo shaqo fiican ayey qabteen, meel fiicana way noo maraysaa, waxaannu isku diidnayna ma jirto warbixintii ay nasiiyeen, waxaana noo muuqata in aynu aad iyo aad ugu dhawnahay in ay inoo qabsoonto diiwaangalintii. Sida qorshuhu yahay bisha 21-keeda waxa la galayaa diiwaangelin tijaabo ah oo laga galayo magaalada Baki iyo Hargeysa oo goob ah, 300 qof ayaa lagu tijaabinayaa oo 200 qof la doonayo inay ku celceliyaan si u kasa si loo arko bahalku (qalabku) inuu shaqaynayo iyo in kale. Markaa warbixintaas ayey na siiyeen hawsha ay qabteen, waanuna isku afgaranay oo wax naga xumaaday ma jiraan.”
“Dadkeenu waa dad yar, waqtiga diiwaangelintu waxa uu qaataa ugu badnaan afar bilood, markaa waxaannu jecelnahay in sannadkan gudihiisa ay noo qabsoonto diiwaangalin wanaagsan oo aan khalkhal ina gelin ee xaq ah,” ayuu yidhi Eng. Faysal.
Guddoomiye Faysal oo wax laga waydiiyey rajada ay ka qabaan in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto iyo in kale, waxa uu ku dooday in muddada sannadka ah ee hadhay wax walba lagu qaban karo haddii wadashaqayn la yeesho, “Doorashooyinkii hada weli lama gaadhin ee waxaannu hadda ka adlaynaa diiwaangelintii codbiyeyaasha, sannad wax badan baa la qaban karaa haddii la wada shaqeeyo, hadda saddexda xisbi way wada shaqaynayaan oo waxaannu ku kala duwannahayn ma jirto, Komishanka iyo Wasaaradda Daakhiligu way nala shaqaynayaan, markaa waxay ila tahay mar haddii aynu si u wadashaqaynayno inay hawshu inoo hawl yaraan doonto,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe.