HALKAN KA AKHRI Oo Ka DAAWO: Nuxurka Khudbad Saddex Qoddob Ka Kooban Oo Guddoomiyaha 8aad ee SONYO Ka Jeediyey Madashii Shalay Lagu Doortay

0
30

 

Hargreysa (Hubaal)- “sharaf weyn bay ii tahay inaad ii doorataan inaan saddexda sanno ee soo socda aan hoggaamiyo dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO. run ahaanna maanta hadalkayga waxaan ku sookoobayaa saddex qoddob oo kala ah, mahad naq, dardaaran iyo hambalyo”. sidaas  waxaa yidhi  guddoomiyaha cusub ee dallada dhalinyada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax oo shalay lagu doortay gebogabadii shirweynihii siddeedaad ee dalladaas oo lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaallada Hargeysa. Guddoomiye Saalax oo noqonaya guddoomiyihii sideedaad ee soo mara hoggaaminta dalladan tan iyo markii la aasaasay waxaa madashii shirweynaha ee loogu coddeeyey kula tartamay xilkan Musharrax Cabdicasiis Xirsi Warsame, kaasi oo saacado kooban ka hor codaynta isagu ka tanaasulay musharraxnimadiisa, intaasi ka dibna waxaa ay ergooyinka shirweynaha oo  ka kala socday dhammaan gobollada dalka somaliland ay cod duuduub ah ku meel mariyeen musharraxnimadda guddoomiyaha cusub ee dallada SONYO hoggaamin doona saddexda sanno ee soo socda.   Codayntii doorashada ka dib ayaa guddoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax uu madasha shirweynaha hadal kooban ka jeediyey kaasi qoddobo kala duwan uu kaga hadlay waxaana uuyidhi “Waxaan umahad naqayaa ergooyinka shirweynaha ee dhammaan ka kala yimi gobollada dalka, sidoo kale intii ila ololaysay ayaan u mahad celinayaa ee hankan igu dhiirigelisay. sidoo kale waxaan u mahad naqayaa Cabdicasiis Xirsi Warsame oo runtii tartan wanaagsani nasoo dhex maray, kaasi oo run ahaan aanu labadayda wax culays ahi na dhex oolin intii aanu wada shaqaynaynay. run ahaanna maanta  waxaan leeyahay waynu wada guulaysanay, waxaanan halkan ka ballan qaadaya in wada jirka iyo midnimada dallada aan ilaaliyo, maadaama oo aynu saddex iyo toban sanno soo ogayn doorashada SONYO  waxyaabaha uu ku dambayn jiray, waxaana farxad ii ah inaynu maanta mustaqbal ka duwan kuwaas hore aynu maanta abuurnay, waxaanan rajaynayaa inaynu samayn karo berri ka maalin waxyaabo badan oo ka duwan kuwaas hore, Sidaasi si lamid ahna waxaan hambalyaynayaa  in saaxiibkay Siyaad (Guddoomiyaha xilka ka degaya) uu ku guulaystay in uu qabto shirweynihii sideedaad ee dallada ee loo bixiyey Walaaleeye”. ayuu yidhi Guddoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax, waxaanu intaas ku daray oo uu hadalkiisa ku ladhay ballanqaadyada u qorsheysan in uu hirgelin doono muddo xileedkiisa inta lagu gudo jiro “Aniguna waxaan isku dayi doonaa inaan wax guddoomiyaha-cusub-ee-sonyohka qabto beylahda kale ee jira iyo inaan isu soodhaweeyo dhalinyarada  oo aan si isku mid ah dhammaantood u wada wado oo aan gacmaha isugu wada xidho”. Geesta kale guddoomiye Cabdicasiis waxaa uu sharraxay qoddobo ku suntanaa ololihiisii doorashada oo uu sheegay in uu lahaa sifooyin kala duwan “Ololahaygii dib ugu noqon maayo ee waxaan sheegayaa uun in uu lahaa anshax iyo ixtiraam lagu tixgelinayo qof kasta oo aan SONYO loo eegin inay garabyo u qayb san tahay balse cid kasta lagu qanciyo hadafka uu gobolkastaa wato iyo waxa uu doonayo. Ololahaygu waxaa ku ladhnaa su’aallo dhalinyarada dallada ku qancinaya ujeedadayda in lays weydiiyo maxaa gobolkeenu doonayaa, maxaa dantiisa guud tahay iyo maxaa mustaqbalkeena u dan ah, maxaase uu yahay mustaqbalka aynu doonaynaa nooca uu yahay ileyn dhalinyaradii Somaliland baa inna wada eegaysee”.  “Run ahaanna garashada noocaas ah Cabdicasiis [Musharraxa la loollamay] ayaa ka kow ahaa oo maanta shirka hortiisa ku qurxiyey, aniguna halkaas baan ka sii wadi doonaa”. ayuu yidhi guddoomiyeha cusub ee sONYO. Gebogabadii hadalkiisana waxaa uu Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax  ka warramay sooyaalka taariikheed ee dallada SONYO “Waa Saddex iyo toban sanno jir SONYO Maanta, runtiina waxaan odhan karaa mar walba rejada iyo caqabadu mar walba ways garab socdaan, waxaanna odhan karaa saddex iyo tobankaas sanno ee SONYO Cimrigeedu jiray waxaa aynu samaynay  dallada intaas le’eg oo aan odhan karo geeska afrika kamaba jirto mid la mid ah oo ka shaqaysa arrimaha dhalinyarada oo dimuqraadiyaduna halkaas ka gaadhay”. ayuu hadalkiisa ku soo koobay guddomiyaha cusub ee dallada SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax oo kamid ahaa aasaaseyaashii dalladan isaga oo ka soo jeeda gobolka SAAXIL oo ururrada ku bahoobay dallada ee gobolkaasna mid kamid ah oo layidhaahdo YUVENCO Madax ka ahaa.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here