Burco (Hubaal) Suldaan maxamed muuse cune iyo Odayaal Kale Oo Ka Soo Jeeda Gobalka Togdheer Oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Burco sulaadintan iyo wax garadkani waxay ka hadaleen arin ka dhan ah wasaarada waxbarashada somalilnad oo ay ku tilmaameen mid xad gudub ku samaysay shaqaalihii iyo madaxdii wasaarada qaar kamida waxaan suldan cune faarax dayr hadaladiisii ka mida ahaa “waxan manta shirkan jaraaid uqabtay inaan ka hadlo cadaalad daro ay samaysay wasiirada wasaarada waxbarashada marwo samsam cabdi aadan oo ay ku samaysay masuuliyiin ka tirsanayd wasaarada waxbarashada oo qaar ka mida ay eriday qaar ka midana ay geeryoodeen waxaan masuuliyiintan ay qaar ka mida udhiibtay masuuliyadii ay hayeen dad aan ku haboonayn iyagiina way eriday “
Waxa kale oo suldanku isaga oo hadalkiisa sii wata soo qatay gudoomiyihii wasaarada waxbarashada ee gobalka togdheer marxuum cabdi axmed siciid oo uusheegay inay booskiisii qofkale uwado taasinay ay meelka dhac kutahay saami qaybsiga beelaha walaalaha ah ee wada daga gobalka iyo somalilnad ba “wasiiradu waxay iminka gacan xoogan kula jirta booskii uuka geeryooday cabdi axmed siciid oo ahaa gudoomiyaha waxbarashada gobalka togdheer alle haw naxariistee taasina waxay noqonaysaa inay iska horyimaadan bulshadii ku dhaqnayd gobalka togdheer waana arin xasarad abuuraysa”suldanku waxa kale oo uu intaa ku daray baaq uu udauray madaxwaynahay Jamuuriyada somalilnad mudane axmed maxamed siilanayo oo uu cod dheer ugu baaqqay uguna sheegay cadaalada darada ka jirtay wasarada wax barashada “madaxwayne waxan kuu sheegayna cadaalad daro wayn ayaa ka jirta wasaaradii waxbarasha waana meel godoonka aha maamulkaaga waxaanay wasiirada aad uxlsaaratay gacan saar la leedahay garabka muuse biixi oo ay toos had aula safato madaxwayne umadan sidan lagu smaynayaa waa ku wii ku soo doortee ka qabo dadkan magaacaga ku ciyaaraya ee waxyeelada ku hay hadh iyo habeen “
Waxgaradkii kale ee iyguna halkaa ka hadaly ayaa sheegay inay suldaanka ku taageersanyihiin shirkiisan jaraa’id
Waxaanay ku soo gaba gabeeyeen xigmad soomaaliyeed oo odhan jirtay : Baadida ninbaa kula daydayoo daalna kaa badan oo aan doonahayn inaad hesho daa’in abidkaa dadkuna moodi duul wada dhashoo wax u dahsoonayne “
Taas waxaan uga jeednaa madaxwayne qaar kamida wasiiradaadu daacad kama aha inay shacabka si cadaalada ugu adeegaan .
Magacyada dadka qabtay shirka jaraaid
1.suldaan maxamed muuse cune
2.caaqil cumar xeef maxamuud
3.oday xasan saleebaan cadhood
4.oday dhaqameed cismaan warsame cawad