HALKAN KA AKHRI: Qalalaase ka Dhashay Dhacdadii Ferguson Ee Dalka Maraykanka

0
56

Rabshadaha ayaa ka dambeeyay markii Askarigii dilay wiilka Madow lagu waayay dambi

Washington (VOA/Hubaal) Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa Xeer-beegtidii loo saaray dilka wiil madow ah oo uu dilay Askri caddaan ah, ayaa ku dhawaaqay inaanu askarigaasi wax dambi ah lahayn.

Xukunkan ay gaadheen Xeer-beegtidu ayaa dhaliyay rabashado badan iyo boob ka dilaacay magaalada u falkan ka dhacay ee Ferguson.

Dacwad-oogaha degmada St. Louis County, Robert McCulloch, ayaa ku dhawaaqay go’aanka ay soo saareen xeer-beegtidu, isaga oo sheegay in askariga oo lagu magacaabo Darren Wilson aan loo raaci Karin wax dambi ah oo la xidhiidha dilka Michael Brown oo ahaa wiil dhalinyara ah oo madow ah oo aan hubaysnayn xiligii dilkiisu dhacayay.

rabshadoBanaanbaxyo ayaa isla markiiba bilaabmay, qaar ka mid ah dibad baxayaasha ayaa dhac iyo bililqo u gaystay goobo ganacsi, waxaanay dhagax ku tureen ciidamada Booliska.

Booliska ayaa ku jawaabay qiiqa dadka kaga ilmaysiiya.

Saacado ka dib Booliska St. Louis County ayaa sheegay in ugu yaraan 12 dhisme dab la qabadsiiyay, waxaana taliyaha booliskaasi uu sheegay inaanay boolisku xabad ridi, laakin waxaa uu xusay inuu maqlayay 150 rasaas ah oo la riday.

Ma jiraan ilaa imika cid ku dhawaacantay falalkaasi.

Banaanbaxayada ayaa saameeyay magaalooyin kale oo dalka Maraykanka sida New York , Oakland iyo Chicago.

xigasho: idaacadda VOA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here