HALKAN KA AKHRI: Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka Oo Dawladda Somaliland Ugu Baaqay Inay Ciidamadeeda Kala Baxdo Saax-dheer

0
25

Nicholas-Kaysaddexda ergay ee UN, EU iyo Maraykanka ayaa sheegay inay ka walwalsan yihiin xaaladda tuulada Saax Dheer.
War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen saddexda ergay ee UN, EU iyo Maraykanka ayaa waxay ku baaqeen in ciidammada hubaysan laga saaro halkaas islama markaana ay siideyso maxaabiista ay hayso

warsaxaafadeedkan ayaa loogu soo jeediyay in labada dhinacba waa sidey hadalka u dhigeene ay joojiyaan dagaal ka dhaca oo ay eegaan dedaalada ay caalamku ku doonayaan in nabad lagu soo dabaalo khilaafaadka jira.

Ciidamada Somaliland ayaa maalin ka hor qabsaday Saax Dheer, oo la filayay in lagu qabto xaflad lagu caleemi saari lahaa madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo dhawaan loo doortay madaxweynaha Khaatumo, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen tiro maxaabiis ah.

sikastaba ha ahaatee baaqyada ay soo deriyaan  midowga Yurub, dawladda Maraykanka iyo qaramada Midoobay ayaa noqonaysa tii Labaad ee sanadkan gudihiisa loogu soo jeediyo Somaliland

HALKAN HOOSE GUJI SI AAD UGA SII BOGOTO FAAHFAAHIN INTAA DHEER

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here