Falanqayn iyo Faallo Uu qorey Weriye Cumar M Faarax
Halkan Ka Akhri: Qeybo Ka Mid Ah Miisaanniyada Sanadka Cusub Ee 2017-ka Oo Ay Ka Dhex Muuqdaan Mashaariic Daruuri Ahi
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa golaha Wakiiladda u gudbinaysa toddobaadkan miisaaniyad sanadeedka qaranka ee sanadka 2017-ka. Kadib markii fadhigii golaha Wasiirrada ee khamiistii doraad laga ansixiyay odoraska miisaaniyadda qaranka oo xadigeedu dhammaa 2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah, una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.
Miisaaniyad sannadeedka 2017-ku waxay ka badan tahay tii sanadkii hore 27.5%. Miisaaniyaddani oo ah tii 25-aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho, waxaanay ka kooban tahay shanta waaxood ee hoos ku qoran:-
No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337
2 Hay’adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482
Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393
Miisaaniyadan waxa ku jira mushahar kordhin 10% ah oo xukuumaddu u sameysay shaqaalaha iyo ciidammada dawladda. Waxa kaloo ku jira lacag loogu tallogalay in lagaga gaashaanto abaaraha soo noqnoqday ee saameeyay hal milyan iyo badh qof oo ka mid ah bulshadda ku dhaqan gobollada bariga Somaliland.
Waxa kaloo miisaaniyadan ku jira kharash lagu hirgelinayo guryo loo dhisayo macalimiinta dugsiyadda dalka.Sidoo kale waxa miisaaniyadan ka muuqda mashaariic xarumo dab-damis oo casri ah lagaga hirgelinayo magaalooyinka Burco, Boorame iyo Wajaalle. Adeegyadda bulshadda waxaa ka mid ah xarumo caafimaad oo balaadhin iyo casriyayn lagu samaynayo oo ku kala yaalla gobollada dalka.
Dhinaca balaadhinta adeega biyaha waxaa ugu jira miisaaniyadan ceelal badan oo laga qodayo degmooyinka dalka ee biyo yaraantu ka jirto.Waana miisaaniyadii ugu badnayd ee dalku yeesho rubuc qarnigii Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya. Waxaanay noqonaysaa guul siyaasiya oo u soo hoyatay qaranka taasoo ammaanteeda ka sekow madaxweynaha ay magaceeda leeyihiin masuuliyinta iyo hawl-wadeenada wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Qalinkii: Cumar Maxamed Faarax
Tifaftiraha guud ahna guddoomiye ku xigeenka Wargeyska DAWAN