HALKAN KA AKHRI: Qeybta 2aad Ee Qormadii Hal ku dheggeedu Ahaa: Xog Uu Bixiyay Sarkaal Ka Mid Ahaan Jiray  Shabakadda  Al-Qaacida Oo Isku Bedalay Sirdoon Reer Galbeed Ah

0
63

Xudduudka Bosnia markaas waxaa naga xigay safar 45 daqiiqo ah oo bas lagu galo, laakiin arrinta oo markaas adkayd awgeed waxaan isku qayb qaybinay afar afar qof, si aan uga  gudubno xudduudka maalinkiiba.

Dhanka kale ee xudduudka waxaa gacanta ku hayay Kurwaatiyiinta oo gacan saar la lahaa Seerbiyiinta, Muslimiintana cadaawad u hayay, laakiin magaalada la yidhaahdo Riniistasaa oo dawladda Bosnia gacanta ku haysay, waxay ahayd meel xarun u ah dadka Mujaahidiinta ah ee gacanta siinayay muslimiinta la dhibaateeyay, aadna waa looga soo dhawaynayay, waxaa ku yaalay dhisme ay hore u lahaan jirtay wasaaradda xaddiidka iyo warshadaha.  Balse, hadda laga dhigay xarun wayn oo mujaahidiinta lagu soo dhaweeyo, waxa uu qaadi karay qolkiiba 400 qof. Halkaas waxaa mujaahidiinta qaabilayay nin la odhan jiray Abuu Ciisaa kaas oo kala saarayay jihaadiyiinta, kuwa khibradda leh iyo kuwa aan lahayn. Abuu Ciisaa waxa uu noo sheegay in tiradda mujaahidiinta Carabta iyo kuwa Turkidu ay hadda aad u yartahay, aanayna dhaafsiisanyn 380, balse uu filayo in ay aad  u soo kordhi doonaan marka la gaadho xilliga xagaaga, xilligaas oo dhalinyaro badan oo Carbeed ay u suurto gali doonto in ay soo galaan waddanka iyagoo ku soo dhuumanaya dalxiis.

sirdoonkaAbuu Ciise waxa uu qof kastaa waydiinayay khibraddiisa dagaal, qofkii sheegtana khibradda dagaal waxaa markiiba loo dirayay safafka hore ee dagaalku ka socdo, waxa uu I waydiiyay in aan sii diyaarsaday warqaddaydii dar daaranka haddii aan ku shahiido dagaalka si loo gaadhsiiyo qaraabadayda, waxaase uu igula kafatamay in hadda aanan tagi  doonin goobaha dagaalka da’dayda iyo khibraddayda dagaal oo yar awgeed.

Alhayat: sidee ayay noloshu halkaas ahayd?

Ramsi: noloshu aad ayay u adkayd, waxaan cuni jirnay baasto iyo basal la isku jar jaray, ragga meeshaas aan tababarka ku wada qaadan jirnay waxaa ka mid ahaa rag markii danbe noqday madaxdii Alqaaida ee Sucuudiga sida Yuusuf Alcayiiri, Cabdicasiis Muqaran iyo Saalax Alcowfii, waxaan halkaas tababar ku qaadanay buuraha Bosnia 45 casho. 5 klmeter ayaan maalin kasta buuraha ordi jirnay, waxaa kaloo jiray cilmi xalaqaat aan bacdal casakii gali jirnay oo uu jeedin jiray Sheekh Sucuudiyaan ah oo la odhan jiray Abuu ayuub Shamraani, waxaanu aad u baran jiray sida loo isticmaalo lidka diyaaradaha. Dhulku waxa uu ahaa dhul aad u cagaaran, muuqaalkiisuna aad u soo jiidasho badanaa, dadkuna aad ayay noo soo dhawayn jireen.

Ramsi waxa uu qaybtan kaga waramayaa aaditaankiisii Jejniya.

Nin ka mid ah saaxiibaday oo la yidhaahdo Salaaxu diin Al-maqrabi ayaa waxaa uu ii soo bandhigay in aan tagno Jeejniya markii aan ka soo noqday Bosnia, dagaalkii halkaas ka jirayna u dhammaaday sannadii 1996. Halkaas ayaan u safray aniga oo u sii maray Aserbajaan. Aserbajan xilligaas waxa ay ahayd dawlad gabi ahaanba fashilantay oo aan wax nidaam ahi ka jirin, halkaas waxaa nagu soo dhaweeyay nin magiciisa la odhan jiray ( Abu Anas Al tuunisii). laakiin jidka loo maro Jejniya oo xilligaas xidhnaa waxa ay kooxdii Abu Anas ii soo bandhigeen in aan ka mid noqdo iyagoo rabay in ay aad uga faa’iidaystaan khibradihii maamul ee aan lahaa. Halkaas markaa waxa joogtay hay’addii gargaarka ee la odhan jiray Al-xaramayn taas oo saddex shaqaale ah oo kali ahi ay halkaas u joogeen oo uu Anis Altuunisina uu ka midka ahaa.

Alhayat: Maxay ahayd shaqada hay’adda Alxaramayn xilligaas?

Ramsi: Waxaan qaybin jirnay oo aan gaadhsiin jirnay muslimiintii markaas ku noolaa waddamada Qowqaaska ee xilli dhow waagaas ka soo xoroobay Raashiya kutub, qalabka isgaadhsiinta, raashin, buugaag diini ah oo turjuman iyo waxyaalo kale. Wakiilka markaas xafiiska waddamada Qowqaaska la isku odhanjiray u fadhiyay waxa la odhan jiray Abu Xamsa oo dhalashaddiisu Urduni ahayd. Xilligaas dagaal yahannadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayay Abu Khadaab waxa ay hubka ka soo iibsan jireen Ruushka oo iyana markaas musallif ahaa, mana aanay awoodi karayn in ay askariga Ruushiyaanka ah lacagtiisa bixiso oo ahayd 20 dollar oo kali ah bishii xilligii Boris Yalsin.

Ciidamada Ruushka oo markaas uu aad u liitay tababarkooda ciidan iyo niyaddooduba waxa ay isku soo dhiibi jireen ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Jeejiniya si ay lacag iyo cunno uga helaan. Waxaana loola macaamili jiray si insaaniyadi ku dheehantahay ciidamadda isa soo dhiiba, taas oo markii danbe dhiirigalisay in ay qaarkood isa soo dhiibaan qaarna iskaga tagaan dagaalka, xittaa qaarkooda isa soo dhiiba waxa ay ka bar bar dagaalami jireen Jejniyiinta iyagoo calooshood u shaqaystayaal ah. Xilligaas dagaalyahannadu waxa ay aad u jeclaan jireen waxayaalaha cunnooyinka ah ee aan qaybinayno in uu aad ugu badanyahay  burcadka la yidhaahdo Miyonayska.

Alhayat: oo sabab maxay Miyonayska u danaynayeen?

Ramsi: Khadaab waxa uu aaminsanaa in Miyonayska  uu aad ugu badan yahay Borootiinku, sidaas daraadeedna ay u wanaagsantahay mujaahidiinta in cuntada ay ku darsadaan si ay ugu dulqaataan nolosha adag ee buuraha iyo qabowga.

Alhayat: sidee bay ahayd xidhiidhkii aad la lahaydeen Asarbajaaniyiinta xilligaas?

Rasmi: aad ayuu markaas xidhiidhkayagu u wanaagsanaa, waxaa jiray laba mas’uul oo qaabilsanaa arrimaha ammaanka iyo siyaasadda, kuwaas oo mar kasta oo ay nagu soo booqdaan xafiiskayaga aanu u dhiibi jidhnay buqshado xidhan oo mid kastaa ay ku jirto Lacagi. waxayna dantayadu ahayd in ay indhaha ka laliyaan  arrimaha qarsoon ee aan ku dhexwadnay howshan khayriyada ah ee mujaahidiinta lagu taageeri jiray.

Alhayat: yay ahaayeen labadaas mas’uul?

Rasmi: mas’uulka qaabilsanaa arimaha siyaasadda waxa uu ahaa R.J, waxaana uu ahaa shakhsiyad aad muhiim ugu ah xagga dawladda waayo waxa  uu saaxiib dhow la ahaa madaxa sirdoonka Aserbajaan, waxa uu naga qaatay $30,000. Sidoo kale waxaan siin jirnay deeqda hay’adda Alxaramayn wax Alla wixii ay uga baahdaan, Hay’addaas oo albaabada la iskugu laabay 2004, iyadoo lagu eedeeyay in ay maalgalin jirtay argagixisada.

Alhayat: sidee markaa dhanka kale u maalgalin jirteen Mujaahidiinta, xaggee baadse ka soo heli jirteen waxaad ku maalgalin jirteen?

Rasmi: waxaan ka soo iibin jirnay Turkiga, Suuqyada waddanka gudihiisa iyo qaar ka mid ah waddamada reer  Yurub.

Alhayat: Markaa sidee ay caqliga u geli kartaa in aanay Sirdoonka Yurub iyo Raashiya ogeyn dhaqdhaqaaqiinaas?

La soco Qeybta 3aad ee Qormadan Oo Xiiso Badan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here