Xog Uu Bixiyay Sarkaal Ka Mid Ahaa Al-Qaacida Oo Isku Bedalay Sirdoon (Qaybtii-3aad)
Rasmi: waxaan ka soo iibin jirnay Turkiga, Suuqyada waddanka gudihiisa iyo qaar ka mid ah waddamada reer Yurub.
Alhayat: Markaa sidee ay caqliga u geli kartaa in aanay Sirdoonka Yurub iyo Raashiya ogeyn dhaqdhaqaaqiinaas?
Rasmi: KGB xilligaas waxay ku sugnayd xaalad fowdo ah iyo isku dhex-daadsanaan xilligii Yalsin
Alhayat: sidee ayuu ahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Alqaa’ida iyo dagaalyahannadii Jeejniya xilligaas?
Rasmi: intii aanu Binlaadin ka tagin Suudaan , waxaa nagu soo booqday Aserbajaan Ayman Dawaahiri bishii 6 aad ee sannadii 1996. Dawaahiri waxa uu rabay in uu tago Jeejniya, tani waxay ahayd xilligii ugu horaysay ee aan kulano Ayman Dawaahiri, run ahaantiina ima cajab galin shakhsiyaddiisu, waxa uu ahaa shakhsi kadsoon. Martabada uu ku lahaa awgeed “Alqaa’ida” waxaan diyaar gareynay kulan sare oo ay ku kulmaan Dawaahiri oo Alqaa’ida ka socday iyo Khadaab oo hoggaamiye u ahaa Mujaahidiintii Jeejniya, laakiin Khaddaab wax xammaasad ah uma qabin kulanka Ayman Al dawaahiri, waayo waxaa jiray dareen biyo hoostood la iska hirdiyay oo ka dhaxeeyay Mujaahidiinta Masar iyo Kuwa Sucuudiyaanka ah. Dhinac kale, Waxaa jiray wiil reer Aserbajaan ah oo dhalinyaro ah oo waday gaadhigii siday Ayman Dawaahiri oo aan u dhiibnay lacag wadda maris ah oo lagu laaluusho Kaantarooladda Aserbajaan markii aan diyaarinaynay kulankii Ayman Dawaahiri iyo Khaddaab. Laakiin, arrintii ma suurtagalin oo waa nala qabsaday oo laaluushkii waa ay naga diideen, waxaana markii danbe xabsiga lagula hadhay Ayman Dawaahiri oo kali ah oo halkaas muddo ku xidhnaa.
Al-hayaad: Oo maxay ula hadheen, ma miisaankiisa ayay ogaayeen?
Rasmi: May may garanayn, annaguna wax badan oo qiimo ah maanaan siin si aanay u dareemin mansabkiisa iyo waxa uu yahay toona, haddii aan u bandhigno in aan ku soo dayno lacag farabadan waa adkaan lahayd. In kasta oo soo siidayntiisa markii danbe lafteeda aanu ku bixinay lacag laaluush ah oo gaadhaysa $ 40,000, mudadii uu xabsiga ku jirayna waxaa Binlaadin uu tagay Afgaanistaan isaga oo ka tagay Suudaan. Waxaa la sheegaa in mudadii uu Ayman Dawaahiri uu ku jiray xabsiyadii Aserbajaan uu calaaqaad weyn la samaystay Maafiyadii Ruushka, halkaas oo la sheego in uu ka abuuray heshiis uu kaga iibsaday saddex madax oo Nuclear ah, kuwaas oo markii danbe loo soo tahriibshay Afgaanistaan sida la sheego.
Alhayat: Bin laadin ma taageeray dagaalkii labaad ee Jeejniya?
Rasmi; haa oo waxaa halkaas joogay shakhsi ka wakiil ahaa Bin Laadin oo isku xidh la samaynayay Khaddaab, waxaana magaciisa la odhan jiray Sayfuddiin Alqaamadi. Dagaalkii kowaad ee Jeejniya waxa uu ahaa 1994-1996, waxaana uu ku dhamaaday heshiiskii dhexmaray madaxwayne Salma Khan Yandar Baasayeef iyo Boris Yalsinkii Ruushka kaas oo ahaa in Jejniya ay hesho xukun hoosaad xoog badan, intaas ka bacdi waa tii la qaban qaabshay doorashooyin uu ku guulaysatay Aslaan Maskhadoof. Khaddaab oo asalkiisu Sacuudiyaan ahaa waxa markaas uu dagay Jeejniya, waxaana uu calaaqaad wanaagsan la lahaa Baasayeeef madaxwaynihii hore.
Khaddaab waxa uu bilaabay in uu dagaalyahano u tababaro Daagistaan isaga oo isticmaalaya dhulka Jeejniya, arintaas oo Ruushku u arkeen in ay ahayd ballan ka bax iyo daandaansi, waxaana meeshaas ka abuurantay qaacida/saldhig dagaalyahannada Daagistaan ee Mujaahidiinta ahi ay Ruushka ka weeraraan. Marka Ruushka ay soo jabshaan Daagistaaniyiinta waxa ay u soo carari jireen gudaha Jeejniya, laakiin ma soo gali jirin ciidamada Ruushku gudaha Jeejniya iyaga oo ka cabsi qabay dagaal kale oo Jeejniya ah.
Dhammaadkii sannadkii 1997, waxaa dhacay dagaal xoog badan oo dhexmaray Ruushanka iyo dagaalyahannadii Daagistaan, kaas oo uu ka qayb galay Khaddaab, waxaana dagaalkaas lagu qabsaday saldhig ciidan oo Ruushanku lahaayeen, kaas oo lagu gubay 60 taangi, waxaana meeshaas ka dhacay dagaal faraha ay kaga gubteen labada dhinacba, khasaarihii Ruushka waxaa saldhigaas lagaga dilay 100 askari. Ruushanku waxa ay Basayeef madaxweynihii Jejniya mar kasta caddaadis ku saarayeen in uu ka hor istaago Jeejniyiinta in ay gacan siiyaan Dagastaaniyiinta, dhabtiina Madaxwaynaha Jeejniya Basayeef arintaas amar ayuu ka soo saaray in aan Ruushka la weerarin. Waxaana meeshaas ka bilaamay xidhiidhkii dhexmaray Alqaa’ida iyo Khaddaab maxaa yeelay Bin ladin waxa uu rabay in Ruushka Jiho dagaal oo kale lagaga furo Daagistaan si Ruushanka loogu mashquuliyo dhanka waqooyi. Waxa kale oo uu doonayay Bin laadin in imaaradda islaamka ee Afgaanistaan ay gaadho Daagistaan iyo Osbagistaan, saas ayaana Qaamidi loogu soo diray Jeejniya.
Waxaa dhacay qaraxyo waawayn oo lagu beegsaday gudaha Caasimada Raashiya taas oo la aaminsanaa in sirdoonka Ruushku uu diyaargareeyay sida uu sheegay xilli danbe nin Ruushiyaan sirdoon ah oo u dhintay xanuun qarsoon kaas oo sheegay in uu Buutin rabay in uu cududaar u helo si uu u soo ceshado mar labaad Jeejniya, shan bilood ka bacdina waxaa dhammaaday dagaalkii Jeejniya waxayna gacanta u gashay Ruushanka dhammaadkii 1999, markaas ka bacdi anigu waxaan tagay London halkaas oo aan ku kulanay Abu qataata, waxaanan iska waraysanay dagaalkii Jeejniya ,waxaana Abuu qataata noo sheegay in ay iyagu “Alqaa’ida” oo kaashanaysa Basayeef madaxwaynihii hore iyo Khaddaab ay fuliyeen qaraxyadii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay Moosko kuwaas oo ay Ruushanku cududaar uga dhigteen in ay mar labaad qabsadaan Jeejniya, laakiin aanu arrinkaas wax war ah kala socon Maskhadoof madaxwaynihii xilligaas, taas oo muujinaysa in Jamhuuriyad dhan la bur-burshay iyadoo mas’uulkeedii u sareeyay oo Madaxwayne ahi aanu la socon waxa dhacaya .
Alhayat: dagaalka Shiishaan sidee kuula muuqday adiga?
Rasmi: waxaan aaminsanahay in dagaalkii koowaad uu ahaa mid xaq ah, laakiin arinku waxa uu is waydaartay markii danbe oo waddanka la gashay dagaal aan la iskaga raalli ahayn oo aanu madaxwaynuhu ogayn, dagaalkaas danbe waxaa lagu dilay labadii madaxwayne ee Shiishaan soo maray, xittaa Khaddaab qudhiisa waa lagu dilay, mujaahidiintii waa kala jajabeen, madaxwaynaha hadda haysta oo ka mid ahaa isagu raggii mujaahidiinta markii Aabihiis oo madaxwayne ahaa ay ku qarxiyeen Khaddaab iyo raggiisa ayuu isna xukunka dhanka kale ka soo galay, waxa ay galeen khaladaad fara badan, haba ugu darnaadee markii ay Ruushanka daan daansadeed isagoo mar kasta raadinayay cududaar kale oo uu Jeejniya marlabaad ku qabsado.
Alhayat: masii joogtay adigu Aserbajaan?
Rasmi: May waan ku tagay markii aan ku qanci waayay sida ay wax ku dhammaadeen, waxaanan dib ugu soo laabtay Afgaanistaan….la soco