HALKAN KA AKHRI: Qeybtii 2aad Ee   Fasiraya Dhagaro Ay Hogaamiyeyaashii Jarmalka Bari iyo Cuba U Maleegeen Soomaaliya 1977-kii. Turjumaadii: Maxamed Haaruun Biixi (mbiixi@gmail.com) 

0
65

Saraakiisha ciidamada, iyo saraakiil-xigeen shaqada ka fadhiyay ayaa haatan wadanka caynaanka u haya. Hogaanka wadan ku waxay ka fikiraayeen sidii ay xisbi u samayn lahaayeen. Meeshaas waxa ka jira halgan daran oo u dhexeeya dabaqadaha danyaar ta ah, iyo dhiigmiiratada (dhul-goosi ga) wadanka. Koox yar oo ah dabaqadda burjuwaasiyiinta ayaa doonaaya in ay kacaanka dadka ka hor keenaan. Jabhad gooni u goosi ah oo xoogan baa dhinaca Ereteriya ka jirta. Halis muuqata ayaa dhinaca Suudaan ka ga furan, halka Soomaaliya na ay sheeganayso ka la badh dhulka Itoobiya ka mid ah. Muddo ku siman ilaa shan boqol oo sano, ayaa gobol kaas ay ka jireen dagaalo ku salaysan dhulka. Mingisto wuxu I ga ga yaabiyay in uu yahay nin degen, daacad ah, oo aan dheeldheelaynin,  aaminsan na quwadda dadwaynaha. Waa shakhsiyad garaad badan, xikmadiisa na wuxu muujiyay saddex dii Febraayo. Kooxaha Midig ta (Hanti-goosi ga) ayaa qorsheeyay in ay ka takhalusaan kooxda Bidix da (Hanti-wadaagga). Qorshahan waxa bilaw u ahaa khudbad xooggan oo Madaxwaynuhu (Tafari Bantay) uu jeediyay, oo uu ka ga hadlay wadaniyadda. Mingisto wuxu ka ga hor tagay afgambi gaas, isaga oo isugu yeedhay shir ay ku kulmaan golihii kacaanku, kaas oo dhacay saacad ka hor xiligii loo qorsheeyay. Kulanka dhexdiisii, Mingisto wuxu xidhxidhay kooxihii Midig ta, waanu wada toogtay.

Maalintaas (3dii Febraayo, 1977) Itoobiya waxa ka hirgalay go’aan leh saamayn xoogan. Khariiraddii siyaasadda ee wadan ka ayaa is bedeshay, waxaana la qaaday talaabooyin aan suurtagal ahayn ka hor 3dii Febraayo. Awal hore kooxaha Bidix da (Hanti-goosiga) si dadban uun baan u taageeri karaynay, laakiin hadda si toos ah, oo aan wax xanibaad ah lahayn baan u saacidi karnaa. Mingisto waxan waydiiyay in uu diyaar u yahay in uu magaalada Cadan Siyaad Barre ku la kulmo iyo in kale, waanan isla ogolaanay. Markii wada xaajoodku noo dhamaaday ba, waxan u duulay dhanka Cadan. Subaxnimadii ba Siyaad Barre wuu soo gaadhay Cadan. Mingisto ma imaanin ilaa galabnimadii dambe. Waxan la sheekaystay Siyaad Barre, waxaanu la baxay cidiyahiisa. Wuxu I gu yidhi – hadii uu Mingisto yahay Kacaanyahan dhab ah, waa in u sameeyaa sidii Lenin oo kale, ka na baxaa dhulkayga. Mawqif aad u adag buu istaagay. Waxan ku idhi – ma waxad dareensantahay in aanu Itoobiya kacaan dhab ahi ka curanin, isla markaana Mingisto aanu ahayn hogaamiye hanti-wadaag ah oo dhab ah? Wuxu I gu yidhi – haa, Itoobiya wax Kacaan ahi ka ma curanin. Markii aan Muqdisho la joogay, Siyaad Barre waxa uu I tusay khariirad muujinaysa dhulka Soomaali-wayn, oo ay ku jirto nus dhulka Itoobiya ka mid ahi. Ka dib hadaladii aan Siyaad Barre la yeeshay, waxan la kulmay Mingisto, waxaanan u ga waramay hab-dhaqan ka Siyaad Barre, aniga oo ka codsaday in uu degenaan muujiyo.

Dhab ahaan waan ka xumaaday in aan Mingisto Cadan ku marti qaaday, xili amuuro qaydhini ay ka jiraan wadankiisa, iyo xaaladaha sidaas u murugsan, in uu dhagaysto doodda Soomaaliya ee dhul doon ka ah. Waxan la soo qaaday xaaladda ciidamada Itoobiya, waxaanu ii sheegay, in kasta oo ay dhibatooyin iska jiraan, hadana in ayna u muuqanin halis inqilaab oo taagani. Siyaad Barre ayaa durbadiiba hadalka qaatay kolkii uu shir ku furmay. Siyaad Barre waa Janan (General) wax bartay xiligii isticmaarka. Hogaanka Kacaanka Soomaaliya waa jananno (generals) awood badan yeeshay xiliyadii gumaysiga. Anigu fikradda aan Siyaad Barre ka qaatay markaas ba way ii cadayd. Wax kale ma aha ee waa uun qof ‘qab-bilaash’ ahi ka dhaadhacsanyahay. Qab-bilaashnimadu waa xaqiiqada ugu muhiimsan ee Siyaad Barre. Hanti-wadaagnimadu waa qolof sare oo uu u ga jeedo uun in uu dadka ku soo jiito. Wadamada Hanti-wadaagga ah ayaa hub ku taageeray, isagu na hanti-wadaagnimada mabdd’a ahaan u ma haysto, dadwaynaha uun buu ku maaweeliyaa. Xisbi gu na waxa kaliya ee uu u jiraa waa in uu awoodiisa shakhsi ga ah ku ilaashado. Xukunka Siyaad Barre marka la eego, waxa isku jira is-dhalyo aan dabiici ahayn oo ka timid isku darka niman askar ah oo soo maray iskuuladii gumaystaha, iyo is muujin hanti-wadaagnimo. Isku soo wada duuboo, Siyaad Barre wax ka mid ah Hanti-wadaagnimada ayaa soo jiitay, waxa se wadanka si wayn u ga jira ka la sed-roonaan iyo cadaalad darro. Guud ahaan na, fikradaha dhabta ah ee Siyaad Barre waxay ku qotomaan waa wadaniyad iyo qab-bilaash ah, ma aha Hanti-wadaag.

Erich Honecker iyo Fidel CastroHadaf kiisu waxa uu yahay waa uun Siyaasad duugowday: saaxiibtinimo iyo ereyo macaan. Siyaad Barre wuxu u hadlaa sida nin xikmaawi ah oo kale; kaliya wuu hadlaa uun. Hogaamiyayaal siyaasadeed oo badan, oo aan aqaano aad buu u ga duwanyahay. Hogaamiyayaasha Masar (Anwar Sadat), Aljeeriya (Houari Boumedienne), Mozambique (Samora Machel), Angola (Agostinho Neto) iyo kuwo kale oo badani ba waa shakhsiyado adag. Sidaas oo ay tahay, hadana way ku dhagaysan karaan, ma na aha kuwo qandhadh ah oo mar kasta isla quman. Dhamaantood waa kuwo la la hadli karo. Siyaad Barre wuxu isu qabaa in uu gaadhay figtii ama heerkii u gu sareeyay ee xikmadda. Ilaa iyo imika arimuhu si toosan bay u gu socdaan. Talyaani ga iyo Ingiriis ka ayaa janan (General) ka dhigay. Kacaankii isla daqiiqaddii ba wuu hirgalay, iyada oo aan xataa hal xabad na la ridin. Waji Hanti-wadaag buu soo gashaday, caawimo dhaqaale iyo hub na Soofiyeed ka (Soviet Union) ayuu ka helay. Wadankiisu waa mid muhiimad saraysa leh, isagu na wuxu jecelyahay mudnaanta. Barre aad buu isu gu khushuucsanyahay. Hadalkiisa ku saabsan Hanti-wadaaggu ma aha mid la xamili karo. Waa hanti-wadaag ga ugu wayn; toban erey ma odhan karo isaga oo aan hanti-wadaagnimada soo qaadin.

Qaab-hadal kiisa noocaas ah ayuu shirka dhexdiisii Mingisto ku la hadlay. Wuxu bilaabay in uu bixiyo cashar ku saabsan Itoobiya, Mingisto na ka dalbaday in uu yeelo tabtii uu Lenin sameeyay oo kale – ka takhalus Boqortooyada Itoobiyaanka – buu yidhi. Mingisto daganan buu muujiyay, waxaanu yidhi: anaku xal waanu doonaynaa, diyaar na waanu u nahay, waxaana loo baahanyahay in talaabooyin kii u gu horeeyay oo muuqda la qaado si labada dhinac ay is faham u gaadhaan. Siyaad Barre si jeesjees ah buu hadalkaas ka ga jawaab-celiyay, waxaanu sheegay in uu ka niyad jabay Mingisto, hogaanka kacaanka Itoobiya na ay la yimaadeen caqliyaddii Xayle Salaase oo kale uun. Kulan ku wuxu soo bilaabmay 11 kii habeenimo, wax xal ahi na ma soo muuqanin haba yaraatee. Halkaas markii la maraayay, ayuu Mr Carlos Rafael Rodriguez (Madaxwayne ku Xigihii Kuuba) soo jeediyay talo ah in la sameeyo gudi joogto ah, oo xal raadisa, xubno na ay ka yihiin wakiilo ka socda Itoobiya, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadii Dadwaynaha ee Yemen. Anaku na (Kuuba) in aanu gudigaas joogtada ah ka mid noqono waxa na gu khasbay gabi ahaan ba qaybihii ka la duwanaa ee shirka ka soo qayb galay. Siyaad Barre wuxu sii waday in uu jilo door kiisii ahaa nin wayn oo xikmad leh, ah na hantiwadaaga u gu wayn iyo, shuuci ga u gu wayn. Isla goobtii, wuxu u hadlay si af-miishaarnimo ah, isaga oo sheegay in waftiga Soomaalidu ay yihin koox talo wadaag ah, kalsooni na ka haysta xafiiska siyaasadda, ayna tahay in uu tashi ku la noqdo marba hadii uu yahay uun qof kaliya oo ka mid ah kooxda.

Nasasho gaaban oo waftigiisa uu gooni u gu soo arkay ka dib na, wuxu soo jeediyay wada hadal fool-ka-fool ah oo ay isaga iyo Mingisto wada yeeshaan. Mingisto oo hadaladii hore ee Siyaad Barre awgeed dareemay meel-ka-dhac iyo kalsooni darro, wuxu sheegay in uu kulan ka noocaas ah ogolyahay, laakiin hadda aanu diyaar u ahayn. Waa in la isla meel dhigo arintii gudiga joogtada  ah. Iyada oo kulankii sii socdo, saacaddu na 3:15 habeenimo ay marayso, ayuu Siyaad Barre keenay qoraal uu soo diyaariyay, kaas oo uu ku ogolaaday dhismihii gudiga joogtada ah, laakiin shaqadeeda koobaad uu ka dhigay in ay noqoto xalinta arinta xuduudaha. Taasu waxay ka dhignayd, in shaqada gudigu ay bilawga ba ku dhaqaaqdo arinta dhulka. Maxaa la filan karaa in ay Itoobiya ka ga jawaab-celiso qaabkaas daandaansi ga ah. Intii la gu jiray nasashada, waxan la hadlay Mingisto, ma nuu qarsanin sida uu Siyaad Barre u diidanyahay. Sidoo kale, waxan la kulmay Siyaad Barre, waxaanan waydiiyay in uu dhab ahaan doonaayo in xal la gaadho iyo in kale. Wuxu I gu yidhi – su’aashaas waa in uu Mingisto ka jawaabo. Wuxu sii waday qaab-hadal kiisii kacaanyahanimada ahaa, isaga oo yidhi – qof ay dhab ka tahay hanti-wadaagnimada, kacaanyahanimada iyo shuucinimadu ma aha in uu indhaha ka qarsado waaqica hortiisa yaala. Wuxu yidhi – dhab ahaan Mingisto waa nin adag, talaabooyin adag na wuu qaaday, maxay tahay sababta uu sidaas oo kale go’aan adag oo sax ah u gu qaadan waayay goobtan iyo goortan aynu joogno, ee uu u xalin waayay xaajada meesha taala?

Jawiga noocaas ah, waxa I la soo gudboonaatay xaalad adag, oo ay tahay in aan laba uun midkood yeelo – in aan iska aamuso, iyo in aan ka hadlo sida aan u arko mawqif ka Siyaad Barre. Sidaas darted, waxan go’aansaday in aan badheedho sababaha soo socda awgood:

  1. In aan afka xidho waxay ka dhignaan lahayd, taageero aan u muujinaayo siyaasadaha Soomaaliya ee ku dhisan qab ka bilaash ka ah, iyo wixii natiijooyin ah ee ka dhalan kara ba. Sidoo kale, aamus kaasu wuxu taageero u noqon lahaa kooxaha dib-u-socod ka ah ee Soomaaliya dhexdeeda.
  2. In aanan Siyaad Barre u jawaabin waxay ka dhignaan lahayd, in wax kasta oo hadda ka dib ay wadamada hanti-wadaagga ahi ku caawiyaan Itoobiya, si kasta oo taageeradaasu u yartahay ba, in uu Siyaad Barre ku tilmaamo khiyaamo dhabar-jabin ah.
  3. Duruufta noocaas oo kale ahi, Jamhuuriyadda Yaman xaalad caynkee ah bay galin lahayd hadii ay Itoobiya ku taageeraan taangiyo, gaadiid iyo madaafiic, oo la gu daabulo maraakiibta Soofiyeed ka?

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here