Halkan ka Akhri: Qeybtii 2aad Ee Taxanihii Ku Saabsanaa Qoysas Ilmo-yar Isku Qabsaday Iyo Sidii Loo Kala Saaray

0
100

Gaalkacayo, Somaliya, June 23, 2014, (Saxafi) – Laba qoys oo Soomaali ah oo wadda degan magaaladda Gaalkacayo ayaa Ilmo-yar isku qabtay, iyaddoo labada qoys midkood xoog ku afd-uubtay. Balse, arrintaas waxaa ka garnaday Maxkamad Ethiopia ah oo kaashatay dhakhaatiir heer sare ah oo kala saaray laba Aabo oo mid waliba sheeganayay Ilmaha-yar.

Sheekadda arrintan oo aad u dheerayd, islamarkaana qayb ka mid ah aanu ku soo tabinay cadadkii hore ee Wargeyska Saxafi. Waxaa ay taagnayd iyaddoo dhiig laga qaaday, Ilmihii iyo labadii waalid ee isku haystay. Islamarkaana loo qabtay muddo 18 cisho ah in lagu soo cadaynayo. Halkii ayaynu ka bilaabaynaa qaybtii labaad. “Jawaabtii la sugayey ayaa timid, Maxkamadu waxay isugu yeedhay wax garadkii iyo dadkii doodu ka dhexeysay, waxayna soo bandhigtay jawaabtii la sugayey. Waxaa Maxkamadu cadaynay in Cali Daahir Cismaan Yusuf uu dhalay wiilkaas.
Qaadigii wuxuu sheegay in ninka kale ee ku doodayey Wiilkaasi aanu dhalin. Waxayna ku xaqiijiyeen sida ku cad warqada DNA ga in Cali Daahir Cismaan iyo wiilkan ay iskaga mid ka yihiin 36 xubnood (Celcelis) oo jidhkiisa ka mid ah. Waxaa goobtaas ka bilaambay qudbado ay soo jeedinayaan mas’uuliyiinta meesha timid qaybahooda kala duwan. Waxaa kale oo goobtaas laga sheegay in kiiskani ciidii u baahata macmuulaadkiisa ama dood qabtaa, in maxkamdu ay faylkiisa hayn doonto mudo sanad ah.

Ilmihii la kala xadayHaddaba, halkaas waxaa ku soo dhamaaday maxkamadii wiilka la isku haystay oo cadaatay in labada qolo midkood uu xaq daro ku socday.
Waxaa xusid mudan dhowr qodob oo meesha ku cad,

1- Qoladii wiilka soo dhacaday oo afduubka sameeyey xaq daro ay ku socdeen.
2- Dhaartii ay mareen oo been ahayd.
Intaa kadib, taariikhdu markay ahayd 19/8/2013, Goor galab gaab ah, Cali Daahir iyo laba wiil oo maraya barxada gobolka magaalada Galkacyo, ama huteel Kamaal, ayaa waxaa laba baabuur oo yar yar kaga soo daatay 9 nin oo hubaysann. Nimankaasi waxay bilaabeen in ay raasaas aad u farabadan ridaan oo ay oo ay dadkii aaga ka ag dhawaa iska kala eryaan si ay fursad ugu helaan hadafkooda oo ahaa Cali Daahir Cismaan oo ah ninka loo xukumay inuu dhalay wiilka.
Weerarkii Cali Daahir lagu soo qaaday kadib, waxaa Cali Daahir u suurto gashay in uu gacanta ku dhigo mid ka mida ragii huseynaa oo xabada iskaga dhigo. Waxay isku dayeen in ay Cali Daahir iyo ninka uu haysaba gaadhi ku ritaan. Laakiin, waa u suurtoobi wayday. Markii xaalku halkaa marayo, waxaa falkaas ka xumaaday dadkii ka agdhawaa oo dablaydii rasaas kale ugu jawaabay.Kadibna dablaydii way ka baxsadeen goobtii.
Dadkii meesha ka agdhawaa ayaa Cali Daahir oo miyir daboolmay ula orday Cusbitaalka, waxaana la jiifiyay qaybta xaalada deg dega ah asagoo miyir la.
Dhibane Cali Dahir Cisman Yusuf waxaa soo gaadhay dhaawacyo, sida gacanta bidix iyo midig, madaxa, feedhaha, gacmaha, garabta midix iyo lugaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here