Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 27aad
Kol haddaan la Koreyn
Haddaad tahay guur-u-meer,
Garaabo adoon qub-qubin,
Adoon ummadda isku gubin,
Dadweynaha soo gab yidhi,
Waxaad ka gadayso mari,
Abaalkana waa gudnaa,
Waxaad noo gashee horiyo,
Gadaal waxaad maaggan tahay,
Bal noo sheeg waa golee,
Waxay dadku kaa guntaan,
Maansadii Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005tii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
7/10/2014ka, Hargeysa,
Qormada 4aad
Xaaji Cabdi Waraabe ayaa ka mid ahaa dadka kale ee meesha ka hadlay. Xikmaddiisii iyo mahadhooyinkiisii dhaxal-galka ahaa ayuu dadkii ku sooray, aadna dhegeha waa loogu raariciyay. Wuxu yidhi: “Dawladda Xamar danteeda ma taqaan, danteennana ma taqaan.” Xikmadda kale ee uu hadalkiisii dheeraa raaciyay wuxu ahaa: “Halkii dawladda Xamar badhasaabbo ka samayn lahayd ayay Madaxweynayaal gobol ka sameeyeen.” Hadal dhaxa-gal ah oo waano iyo tusaaleba isugu jiray oo odeynimo oo aan deel-qaaf ku jirin ayuu jeediyay.
Wasiirka Waxbarashada ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Makrifoonka. Madaxweynuhu khudbad dheer madasha kama jeedin. Khudbad yar oo gaaban ayuu warqad ka akhriyay. Halkudhegga khudbadduna wuxu ahaa in aanay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland gorgortan gelayn. Waxay ahayd dardaar-werin uu u jeedinayay Madaxweynaha Soomaaliya. Hambalyo. Waxaa se ka fiicnaan lahayd taas oo joogto ah oo ay xukuumaddiisuna si adag oo aan leex-leexad lahayn ugu wada dhaqanto oo aan haddana hadba wefdi odayaal Walla-weyn ah naloo keenin.
Intii ay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland furmeen, bishii Feeberweri 2012kiiba, madmadow badan ayaa meelo badan laga sheegayaa, iyaga iyo Allahood e’.
Xafladdu waxay ku dhammaatay iyada oo uu Madaxweynuhu shahaadooyinkii siiyay intii ardayda ugu sarreysay ee Kulliyadaha kala duwan ka socotay.
Xafladdaa quruxda badnayd waxay dhammaatay iyada oo aan waalidiintii madasha fadhiday ee barbaartaa ku soo tacabtay aan hadalka la siin qof waayeel ah oo afkooda ku hadla.
Waa guul iyo kulan danbe oo aynu ku kulanno xaflado caynkan ah oo ay carruurteennu ku qalin-jebinayso, iyada oo la hagaajiyay tayada waxbarashada iyo xirfadaha.
Gebegebada sheekada aan soo gunaanado:
Dhowr arrimood oo wax-ka-soo-qaad leh oo Hadal-haynta maalmahan ku jira:
Dilalka Saraakiisha:
Waa ifafaale ugub ah oo aynaan hore u arag. Ilaa maanta laba dhacdo oo dhagareed ayaa ina soo maray. Midi waxay ka dhacday Bariga Dhexe iyo Qori-lugud, ta labaadna waxay ka dhacday Galbeedka Dhexe iyo Gebilay. Labada dhacdaba saraakiil taliyayaal ah ayaa lagu dilay. Midi ciidanka Qaranka ayay ahayd. Midina ciidanka bilayska ayay ahayd. Labaduba toogasho ayay ahaayeen. Mid laba sarkaal ayaa si badheedh ah loogu khaarajiyay. Laba sarkaal oo taliye iyo Abbaanduule isu ahaa sida aan maqlay. Jiidda hore ee dagaalka ayay ahayd. Goob dagaal ayay ahayd oo heegan lagu jiro, cadowna la hor fadhiyo. Dhacdada dhagareed ee labaad waxa lagu dilay Taliye saldhig Bilays. Laakiin innaga waxaas oo dhami macno inooma ay samayn.
Waxa macno inoo sameeyay saraakiil reer hebel ah ayaa la dilay, waxaana dilay niman Reer hebel. Waa intaa inta aynu ilaa maalintaa wad-wadnaa. Haddii ay qarannimo jirto Reer Hebelba looma baahdeen. Markii qarannimadii la waayay, ayuu dadku Reer hebeloowe noqdaa.
Haddii uu qofku qarannimo iyo dawladnimo midnaba ku qiimaysnaan waayo, wax la yaab leh ma aha in uu qolo, qoys iyo naanayso kaleba u noqdaa. Dadkii markii ay qarannimadii waayeen ee waxa wax lagu cabbiraa qabiil noqday ayay qabyaaladdii iskaga noqdeen. Saraakiisha sida foosha xun loo toogtay haddii qarannimo loogu doodayo, cidina qabiil uma iilateen. Bal u fiirsada Xukuumaddii oo odayaal qabiil la xaajonaysa, halkii ay ka odhan lahayd qaran ayay ka dhinteen, arrinta baadhaya, ciddii lagu helana abaal-marinaya. Halka la inooga soo dhacay waa Xukuumaddan muraayadaha qabiilka xidhan ee aan cabbir kale aqoonnin. Bal ergooyinkii Shirweynihii Kulmiye dib u milicsada iyo qaabkii loo soo xulay xisbigiina ku riiqmay oo ilaa maanta soo kaban kari la’yahay, sidaana ku qabsan kari waayay kal-fadhigii Golaha Dhexe eek u muddaysnaa Shirweynaha bil dabadeed, sida aan bowsaday.
Waa dhacdooyin fool-xun oo qaran-dumis ah. Waa in ay xukuumaddu gacan-ku-dhiiglayaashii soo qabataa oo garsoorka la hor geeya. Haddii ay sheekadu mag iyo wax ka liita noqoto waa sidii loo yidhi oo :”Timir laf baa ku jirta.”
Go’aankii Golaha Wakiillada iyo hirgelintiisa:
Golaheenna Wakiilladu waxay go’aamiyeen in 26/6/2015ka mar la wada qabto doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada. Waxay go’aankaa qaadanayaan oo ay Xeerkaa jidaynayaan iyada oo aanay dhisnayn Guddidii Qaran Doorashooyinku. Intaas oo keliya ma aha ee waxay go’aankaa qaadanayaan iyaga oo aan ogeyn isla markaana garanayn goorta ay hawl-gelaysa Guddida Doorashooyinka qaranku. Miyaanay waalli sideeda ah ahayn in waqti loo cayimo doorashooyin ciddii qabanqaabadeeda lahaydba aanay dhisnayn.
Waxa wax walba ka horreeya in marka hore la hawl-geliyo Guddidii qaranka ee Doorashooyinka. Ka dib waa in ay wada fadhiistaan saddexda xisbi qaran oo ay wada dejiyaan iskuna raacaan Jadwalka Hawsha (timeline ama Road Map). Laga bilaabo hadda ilaa doorashada maxaa la qabanayaa? Yaa qabanaya? Muddadee lagu qabanayaa? Iyo su’aalo la mid ah waa in laga jawaabaa oo ay mas’uuliyaddu xaddidnaataa si aan hadhow loo garan waayin cidda xilkeedii ka baaqsatay.
Marti-qaadka cashooyinka ah:
Madaxtooyadu waa ay muujisay deeqsinnimadeeda ee yaanay is-biyo-dhiijin. Casho-sharafeed dhowr kun oo arday ah oo midkiiba u dhexayso 15$ ilaa 20$ ayaa baxday. Waa adduun shilis oo wax casho ka badan lagu qaban kari lahaa. Caqligu ha taliyo oo lacagtaa cashada ku baxaysa wax madhax dhaama ha lagu bixiyo. Waa adduun aan yarayn oo baabuur, laabab, dhismayaal iyo meheradaba goyn karaya. Madaxtooyada sharafta lihi iyada oo mahadsan, waxaan u soo jeedin in ay lacagtaas wax-tarkeeda si kale uga fekerto.
(Dhammaad, wa Billaahi towfiiq. Khamiistan soo socota waa fasax ee ogaada)