Yuu Matalaa? Yuu Wax Taraa? “mudane madaxweyne cod kuu keeni maayo Cukuse ee yaanu dabkiisu ku gubin”
Qormooyin taxane ah
Qaybtii 4aad
Qeybteenan waxa aan ku eegi doonaa fashilaada maamul ee dul hoganeysa wasaarada warfaafinta.
Hadaba marka aan si qoto dheer diirada u saarno hanaanka shaqo ee wasaarada warfaafinta, wacyigalinta iyo dhaqanka ee JSL. Waxa kuu soo baxaya burbur badan oo ku siman intii uu Cukuse wasiirka ka ahaa wasaaraddan.
Maamul xumada iyo aqoon darida maamul ee wasiirkan ayaa Waxa ay sababtay in warbaahintii qaranku noqoto mid fadhiid ah oo aan qiimo lahayn.
Taas oo aan ku ogaan karno marka aan dib u milicsano waqtigii uu madaxweynuhu u soo magacaabay in uu Cukuse noqdo wasiirka wasaarada warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka oo ku beegnayd badhtamihii sanadkii 2013.
Waxa dad badani soo dhaweeyeen in wasaarada warfaafinta oo habac badani ka muuqdo loo magacaabay masuul xirfadaas aqoon iyo waayo aragnimo u leh kana soo shaqeeyay.
Markaa bulshadu waxa ay ka filayeen in uu C/aahi Cukuse wax ka qaban doono mashaakilkii wasaarada.
Hasayeeshee riyadaasi waxa ay noqotay mid lagu hungoobay oo fashilantay.
Waxana niyadii fiicnayd iyo rajadiiba hal bacaad lagu lisay ka dhigay, markii uu wasiirkan oo runtii ah shaqsiyad aad u fudud shaqadiisii ku bilaabay khilaaf hor leh inuu ka dhex huriyo qeybihii wasaarada isagoo kooxeysi ka dhex abuuray meeshii uu isagu wasiirka u wada ahaa.
Waxa wasiirkani uu caan ku yahay balaayo alooska iyo xaalad abuurka mana aha nin dhisi kara institution muhiimadaa leh.
Waxana taa cadeyn u ah ilaa maanta muu qaadin tallaabooyin ka turjumaya dhisme, dardargalin iyo isbadal la taaban karo. Taasina waxa ay u baahan tahay in kolka hore qofka keenayaa isagu fahamsan yahay, leeyahayna awoodaas uu ku soo bandhigi karo qorshe qurux badan.
Fashilka maamul ee wasiirkan si fudud waxa kuugu filan inaad dib u eegto maalintii uu yimid meesha iyo maanta faraqa u dhexeyaa ma yahay kii aynu ka fileynay?
Horumar maku sameeyay shaqada, ma soo jiitay indhihii caalamka iyo kii bulshadeenaba, mise hoos ayey usii dhacday.
Waxa aan filayaa waa mid cad jawaabtaasi.
Cukus waxa uu ku dedaalay inuu xiisad iyo xaalad uun abuuro. Waxa uu shaqadii ka joojiyay xafiiskii Universal TV ee Somaliland kaas oo isagu u dhigay inay cadow yihiin. Balse waxa ay dad badani aaminsan yihiin inay tahay arrin shaqsi.
wuxuu xidhxidhay suxufiyiin, wuxuu qas ka dhex kiciyay oo haatan qarka u saaran burbur ururkii suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo mixnado kale oo fara badan.
Waxa kale oo aan ognahay in taariikhda markii ugu horeysay Somaliland magaalada Hargeysa laga dhex dhageystay idaacad aan tii qaranka ahayn oo sharci daro ah.
Waxaas oo dhami waxaan aaminsanahay inuu isagu aabo u yahay. Ayna ka mid yihiin hagardaamada iyo kala fogeynta xukuumada iyo qaybihii bulshada.
Marka aan intaas ka nimaadno waxa mudan inaan isweydiino Cukuse ma yahay shaqsi leh aragti siyaasadeed oo wax mideysa oo umad jihaysa oo dhaqan toosisa oo bulsho dhista oo dad kasbata oo fikir badasha mujtamacna soo jiidata.
Maadaama oo aanu tayadaasi lahayn waxa uu si khaldan u fahmay waajibaadkii xilka oo uu u qaatay in marfashyada lala joogo warbaahintana la istaago ama laga jawaab celiyo.
Waa hubaal hadii dadka waxqabad iyo shaqo lagu qiimeynayo in aanu masuulkani meesha joogeen ee taasi ayaan jirin.
Dhinaca kale waxaa jiray dad badan oo muhiim ahaa oo u hanweynaa doonayayna inay wax la qabtaan kana taageeraan dhismaha wasaarada iyo casriyaynta shaqadeeda kuwaas oo candhuuftooda dib u liqay markii ay saluugeen habdhaqankiisa unproffesional ka ah.
Markaa hogaamintu sideedaba waa xil culus oo u baahan degenaan oo u baahan miisaan oo u baahan dulqaad oo u baahan aragti inuu qofku leeyahay uu doonaayo inuu wax ku bedelo.
Cabdilaahi Cukise waa shaqsiga fudeyd dartii aan saacad xafiiskiisa fadhiyi karin waqtiyada shaqada.
Hogaamintu waa dhaqan lagaa rabo inaad adigu ku sifowdo oo fiican. Waana in masuulka wasaarada ugu sarreeyaa uu tusaale ay wax ka bartaan u noqdo inta kale.
Tusaale ahaan waxa haboon inuu qofka madaxda ahi shaqada si daacadnimo ah oo wadaninimo ah u soo galo waqtigana ilaaliyo laakiin ninkani isagoo aad is odhaneyso malaha qayilaadii unbuu kasoo kacay oo diiqadoonaya ayuu xafiiska soo fadhiistaa si uu dhawr qof ula dagaalamo oo uu iga cadheysiiyo. Marka uu in yar joogana wuu cararaa oo maba joogo, wey adag tahay inaad ugu timaado.
Ilaah baan kugu dhaariyee ma kaas ayaa mas’uul noqon kara?
waan hubaa inaanu maanta garaneyn wax qorsha ahna uga degsaneyn hawsha wasaaradiisa, aanu qiimayna karin heerka ay sumcada shaqadiisu mareyso.
Bani aadamku waxa uu ku hawlgalaa qorshe, kaasaana haga horumarka ay sameynayso hay’adaadu oo lagu qiimeeyaa waxa fulay iyo waxa dhiman isagaana ku tusa halka aad u socotid.laakiin hadii ayna jirin waxyaabihii shaqada aasaaska u ahaa sheekadu waa sheeko qaad iyo reer ba’ow yaa ku leh.
Qormooynka dambe waxa aanu ku eegi doonaa musuqmasuq foolxun oo uu wasiirkani ku boobay hantidii umadda….
Allaa mahad leh
La soco qeybaha dambe……
By: Sakaria Abdi Sulub
Senior journalist
Email: sekriasulub@gmail.com
Mob: +252 63-441-3932