…..Hebel Iyo Hebel Iyaga Cidbaa Igala Hadashay!!!!
“Godadlaysan maayoo
Tashiga waan Gudoonsadaye
Waxba yaan Indhaha La igu Gubin
Gaabsi ma aqaane”
2010kii bishii jun 26keedii ayay doorashadii labaad madaxwaynuhu dalkan ka qabsoontay waxaana doorashadaasi ku kuulaystay xisbiga hada talada haya ee kulmiye oo boqolkiiba konton inkudhaw helay cododkii la bixiyay waxay ahayd mucjiso marna waxay ahayd guul kasokow somaliland usoo hoyatay qaarada afrika.
marna waxay ku ahayd naxdin anfariir lama arag iyo uqaadan waa cidkastoo necbayd jiritaanka qarankan iyo horumarkiisa markii madaxweynihii talada hayay md daahir riyaale kaahin u hanbalyeey hogaamiyihii kaga guulaystay doorashada ee md axmed maxamed maxamuud siilaanyo munaasibad ilyartu is qabatayna ugula kala wareegeen xilkii labadii madaxweyne
May ahayn arin looga bartay qaaradan in doorashadii mucaarid ku guulaysto islamarkaana ka guulaysto xukuumadii talada haysay ay xukuumadiina si dhibyar oo lexejeclo iyo kalsooniyi ka muuqato ugu wareejiso xilka somaliland horteed may dhicin hadaanay fara ku tiris ahayn waxaaanay noqotay arin marqudha soo jeedisa dareenkii iyo indhihii caalamka.
Waa cajiib bal hada akhriste caqabadii oo xaqiiqo ah oo sida sawirka aad uga dheehankarto inay tahay mid inala hadhay aan eegno oo judhiiba ku bilaabantay markii hogaanka loo doortay xukuumada uu maanta gadhwadeenka kayahay madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo taasiyoo mudo kooban gudeheedna saamayn toosa ku yeelatay.
28kii bishii july 2010kii isla maalin ka dib markii xilka loo dhaariyay ayuu ku dhawaaqay xukuumadiisii waxay ahayd xukuumad kooban oo ka koobnayd 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen taasiyoo ka turjumaysay balan qaadkiisii ahaa xukuumad kooban iyo wax qabad la taaban karo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) waxa uu sidoo kale maalintaasi ka jeediyay madasha khudbad balaadhan oo dhinacyo badan taabanaysa taasiyoo ku salaysnayd xaqiinjinta balan qaad yadiisii iyo ka midho dhalintooda shirkaa jaraaid oo aan goob joog ka ahaa anigoo wakhtigaasi ka socday idaacadii Radio Horyaal markii uu dhamaaday waxaanu u soo baxnay debeda waxaan xasuustaa maalintaas iyo maalmihii ku xigayba siday dadku u soo dhaweynaynayeen uguna farax sanaayeen xukuumada kooban ee uu madaxweynuhu ku dhawaaqay.
Sadexdii biloode ugu hereeyayba madaxweyne Siilanyo iyo xukuumadiisii cusbayd waxay fuliyeen talaabooyinkii ugu mudnaa balanqaadyadoodii xiligii kaanbaynka ee ku xusnaa buuguu barnaamijkooda siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye dalka ku dhiqi doonaan ku qorayd kuwaasiyoo ahaa kordhinta mushahaarooyinkii ciidamada iyo shaqaalaha dawlada iyo sidoo kale bixinta afar bilood oo mushahara oo ka maqnaa shaqaalaha dawlada waxaanay noqotay talaaabo nayaayir iyo farxadba galisay guud ahaanba bulshada qaybeheeda kala duwan isla markaana rajo iyo yididiilo galisay guud ahaanba shaqaalihii dawalada iyo ciidamadii qalabka sidayba
Maxaa qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Kolba qodob layaab liyo
Mahadhooyin qoraya,(maansadii Quduro ee hadraawi)
Waxay ahayd markii ugu horeeaysay ee aan noqdo shaqaale dawladeed horaantii bishii sagaalaad 2010kii laba bilood oo kaliya ayay markaasi jirtay xukuumada maanta talada dalka haysa ee uu madaxweyne siilaanyo gadhwadeenka kayahay waliba waxaanu nasiib u yeelanay inaanu lakawsano rajada iyo yididiilada shaqaalihii dawladu ka heleen xukuumada.
Sideen ku noqday shaqaale dawladeed ama ku imi wasaarada war faafinta dhaqanka iyo wacyi galintu waa suaal iswaydiinteeda mudan,
Balse caqabadii caado dhaaftay ee necbayd horumarku waxaynu sheegnay inay saamayn ku yeelatay bar bilawgii hogaanka maanta jira oo jeclaa islamarkaana ay ka go’nayd kamidho dhalinta rajada iyo hiigsiga somaliland una arkayay in dawlad kooban oo ka xora qolo qabiil iyo nin jeclaysi intaba inay ku jirto danta somaliland waxa se taasi midho dhal ka dhigiwaayay rabi tankii dadka oo si khaldan looga faa idaystay waxaana khasab ku noqotay hogaankii awooda shacbiga iyo rabi taankooda ku yimi inuu u dabco rabitaankii dadka taasiyoo keentay in si kala danbaysay korodh ugu yimaado golihii fulinta iyadoo ay kordheen afar wasaaradood wasiiir ku xigeeno iyo wasiiru dawlayaal intaba,
Korodka wasaaraadkaasi oo midkastaaba culayskeeda miisaniyadeed iyo mushahar intaba watay hadan aragtidayda culayskaasi kamuu hor istaagin horumarkii u qorshaysnaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waxaanay iila muuqataa ama tahayba in xuukamadani inta taag teeda ah horumar balaadhan oo lataaban karo qabatay.
Idaacadii horyaal ee aanu ka shaqayn jiray sadex bilood markay jirtay xukuumadu way xidhantay.
Aniga iyo kooxdii aan kamidka ahaa ee ka hawlgali jirtay idaacadii horyaal oo na hor ka cayay nimaan calfan qadarka eebe dartiis, isalamarkaana markii aanu nimi wasaarada warfaafinta anagoon jooginba wax labaatan maalmood gaadhayaba geeriyooday, wuxuu ahaa Marxuum C/risaaq Mxamed Dubad,
23kii bishii tobnaad 2010kii ayuu geeriyooday marxuumku, wuxuu ahaa nin karti, dulqaad, deeqsimo, illaahay u dhaliyay, wuxuu ahaa hal abuur ku xeel dheeraa arimaha saxaafada, wuxuu ahaa nin hal adag oo taageera wanaaga, wuxuu ahaa nin neceb qabyaalada iyo nin jeclaysiga.
Alle ha u naxariisto Marxuum C/risaaq Maxamed Dubad wuxuu geeriyooday isagoo diyaariyay qoraalo iyo qorshayaal farabadan oo waxbadan ka tari lahaa macnaha dhabta ah ee warbaahintadawlada, isagoon ka midho dhalin ayuuna geeriyooday, allaa qadaray 24/10/2010kiina waxaanu ku aasnay xabaalaha boqol jire ee magaalada hargaysa geeriyihii iigu naxdinta badnaa ee isoo mara ayay ka mid ahayd geeridiisu.
hami iyo xiise badan oo aan u qabay ka shaqaynta warbaahinta dawlada oo aan hada ka shaqeeyana runtii waxaan qabaa inuu la god galay, umara faataxada akhriste wuxuu ahaa geesiyada ka baxay saxaafada somaliland e.
Lasoco Qeybta 3aad ee Qormadan Taxanaha Ah
Qalinkii: Weriye Xasan Ismaaciil Maxamed (Xasan-Shaah)
Hargeysa, Somaliland
+252 2 63 4470837
xasanshaah@gmail.com