“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’
Gud-gude, Hadraawi, 1990kii
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com, www.dharaaro.com
16/10/2014ka, Hargeysa
Qormadii: 6aad
Taariikh-nololeedkii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)
Maxamed Xaashi Diiriye oo loo yaqaannay Lixle, wuxu ka mid yahay geesiyada ugu caansan ama ugu magaca dheer SNM. Qof ahaan markii noloshayda ugu horreysay ee aan arkaa ama la kulmaa waxay ahayd intii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee SNM, gaar ahaan bishii Juun sannadkii 1983kii ee uu soo tallaabay ee uu sida tooska ah ugu soo biiray halgankii hubeysnaa ee ka socday tallowga xuduudda aynu Itoobiya wadaagno. Intii muddadaa ka horreysay si qarsoodiya ayuu uga hawl-geli jiray dalka gudihiisa.
Maqal ahaan waxa iigu horreysay xilliyadii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii oo uu deggenaa magaalada Gebilay isaga oo Taliye ka ahaa Teknikadii iyo Taangiyadii dagaalkaa ka qayb-qaadanayay.
Waxaan jeclahay in aan anna culayska iska rido oo aan fursaddan Xuska 30-Guurada uga faa’iidaysto in aan wax aan sidaa u sii badnayn ka idhaahdo saaxiibkaygii aanu halgan-wadaagta ahyn ee aanu muddada aan badnayn ku wada sugnayn goobihii uu ka socday halgankii hubeysnaa ee SNM.
Inta aanu goobaha ku wada sugnayn waxay ahayd oo keliya Bishii Juun 1983kii ilaa maalintaa uu shahiiday ee 17/10/1984kii. Intaas oo keliya ayay noo ahaydba, haddana sannadkaasi waqti badan ayuu la macne ahaa marka aad qiimayso kaalintii ma-guuraanka ahayd iyo tii hoggaamineed ee uu halgankaa ummadeed ku lahaa. Sidaa ay tahay waqtigaa gaaban ee aanu SNM ku wada sugnayn haddana mar walba isku meel ma aanu joogin.
Wuxu ahaa nin dhererkiisu dhex-dhexaad yahay. Ma buurnayn sidaana weyd uma ahayn. Timihiisu inta badan waa ay gaabnaayeen waanay yara adkaayeen. Debinta hoose ayaa waxoogaa diirku ka qaadmay oo aad moodaysay in ay soo caddaanayso. Ma hadal badnayn. Ma qosol badnayn. Inta yar ee uu hadlayo murti iyo wax kaa qosliyaba wuu ku hadli jiray. Erey-bixin badan oo SNM-tu lahayd isaga ayaa loo aaneeyaa. Waxa ereyadaa ka mid ahaa ”Faqash” iyo ”Jaxafkii”.
Inta badan wuxu qaadan jiray isku joog ’Jeans’ ah ama ’Shiingee’ qofba sida uu u yaqaanno. Waa intii u nala joogay sidaan ku arki jiray. Kabaha wuxu ka qaadan jiray kabo aan xadhig lahayn isla markaana ilaa kuraanta ku jooga oo aan ku adkayn ee ka yar badan oo haddii uu u baahdo marka uu iska saarayo isaga oo aan siibadda furi jirin ee uu iska dhillin jiray. Socodka iyo jimicsiga aad iyo aad ayuu u jeclaa. Waxaad arki jirtay buur Diri-dhabe galbeedka ka xigtay isaga oo subaxda hore fananaya marna ka soo degaya oo ku jimicsanaya, in kasta oo uu ahaa suufi Qaad-qamac ah. Nin salaad sax ah oo aan salaad salaad ku darin ayuu ahaa. Wuxu halhays u lahaa marka uu arko wax ka yaabiya: ”Cidhibtaada ama cidhibtiinna Alle goo.”
Intan kooban ee aan ka qorayo saaxiibkay Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, waxaan tix-raac ka dhigan doonaa wareysi uu Cabdillaahi Cukuse ka qaaday Ciise Curaagte oo ay isku fil ahaayeen Lixle, 1997kii iyo qoraallo aan ka soo minguuriyay Mareegta Farshaxan oo qoraal dheer ka samaysay noloshii iyo himilooyinkii Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle.
Mareegta farshaxan waxaan ka soo xigtay:
”Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle ku caan-baxay wuxu ku dhashay tuulada Go’da-weyn sannadku markii uu ahaa 1945kii. Hooyadii waa ahayd Ardo Diiriye Madar. Maxamed Xaashi Diiriye wuxu ugu yaraa shan carruur ah oo ay walaalo ahaayeen. Ilaa shan jirkiisii ayaa aabbihii oo Burco deggenaa loo geeyay, halkaas oo uu yaraantiisii ka bilaabay malcaamad-quraantii. Lixle waxa loo bixiyay intii uu malcaamad Quraantaa ku jiray sida laga soo xigtay hooyadii mar ay u warramaysay wargeyska maalinlaha ah ee Ogaal. Waxay sheegtay in macallinkii malcaamaddu u bixiyay Lixle maalin ay lix is-laayeen oo uu intiiba iska celiyay. Ciise Curaagte oo ay Dugsigii Hoose wada bilaabeen wuxu is-na sheegay in yaraantiisii la odhan jiray Lixle-daacuun oo uu ahaa wiil ka soo hoyday ciyaalkii ay isku gedaha ahaayeen.”
Bal immikana aan magansado xusuusta Ciise Curaagte oo ka sheekeeyay sidii uu u yaqaannay Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, waxaanu yidhi:
“Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, Ilaahay ha u naxariisto e’, waxaanu is-barannay sannadkii 1952kii. Waa sannadkii aanu soo wada gallay Dugsiga Hoose ee Burco. Waxa lagu naanaysi jiray Lixle. Isaga oo yar oo ahayd beryihii uu malcaamad Quraanka ku jiray ayuu maalin lix koob oo shah ah cabbay oo mar is-raaciyay. Markaas ayay ciyaalkii malcaamadda la dhiganayay Lixle u bixiyeen. Maxamed Xaashi Diiriye, waxa beryahaa anu yarayn loo yaqaannay oo kale Lixle-daacuun. Wuxu ahaa inan yar oo shidaad badan oo ciyaalka laaya. Qof la iska eegi jiray ayuu ahaa.
Dugsigaa Hoose ee Burco markii uu ka soo baxay wuxu ku soo biiray Dugsiga Dhexe ee Sheekh. 1959kii ayuu dhammaystay Dugsigiisii Dhexe. Waxa loo beddelay Dugsiga Sare ee Cammuud, 1960kii markii Dusgsiga Sare ee Sheekh la dhammeeyayna wuxu u soo wareegay Sheekh. Dugsiga Sare ee Sheekh wuxu dhammaystay 1963kii. Xagga tacliinta wuxu ka mid ahaa innammada ugu roon.”
Haddii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, muxuu ku danbeeyay Maxamed Xaashi Diiriye oo Lixle loo yaqaannay. Aan ka gurno ama ka rasaynaba Mujaahid korneyl Ciise Curaagte Xuseen oo ay shahiidka saaxiib ahaayeen isla markaana ay wada shaqayn jireen. Wuxu intii hor ku daray:
“Markii uu dhammaystay tacliintiisii Dugsiga Sare, wuxu tegay magaalada Muqdisho. 1964kii ayuu ka mid noqday xooggii dalka Soomaaliyeed ama millaterigii. Isla sannadkaas waxa loo diray Akaademiyada Taangiyada iyo Gawaadhida Gaashaaman oo loo yaqaannay ‘Boroolitaangavaya’. Waxa uu soo dhammaystay isaga oo Laba-xiddigle ahaa 1969kii, waqtigii Af-weyne dalka Inqilaabka ku qabsaday wax yar ka hor.”
Bal immikana aan ka boganno taariikhdiisii shaqo iyada oo uu inooga dhici doono saaxiibkii Ciise Curaagte, waxaanu yidhi:
(La soco maalinta sabtida haddii Eebbe idmo)