HALKAN KA AKHRI: Safaaradda Maraykanku Ku Leeyahay Jabuuti Oo U Digtay Shaqaaleheeda Iyo Muwaadiniinteeda Dalkaas

0
36

Djibouti (Hubaal) –Safaaradda Maraykanku ku leeyaay dalka Jabuuti, ayaa shalay digniin u dirtay muwaadiniinteedda ku sugan Jabuuti inay booqan goobo ka mid ah degmooyinka Jabuuti oo ay sheegeen inay iska hor imaad ka jiro kooxo aan la aqoonsan iyo ciidamadda Jabuuti.

JABUUTISafaaradda ayaa sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed ay ka soo saartay shalay taas oo ay kaga hadlayso goobaha ay tilmaameen in muwaadiniinteeddu tagi Karin, waxaana goobaha ka mid ahBankuale/ Randa ee waqooyi galbeed ka xigta xeerada cidamada Militeriga Djibouti ee gobolka Tidjourah.

Waxa kale oo ay ku sheegtay  inay jiraan iska hor imaad u dhexeeya ciidanka Jabuuti iyo koox hubaysan oo aan wali la cadeyn waxay yihiin, isla markaana ay dhici karto inay dhibaatooyin ka soo gaadheen degmooyinkaasi ay tilmaameen.

“ waxa jira iska hor imaad u dhexeeya ciidanka Militariga Jabuuti iyo koox hubaysan oo aan la garanayn, kuwaas oo ku sugan degmoyinka gobolka Tidjourah”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi, waxaana la sheegay in iska hor imaadkaasi dhacay bishan 11-keeddii,

Iska hor imaadkaasi ayaa lagu sheegay  inay ku dhaawacmeen dhawr askari oo Jabuutiyaan ah, taasina waxay keentay in shaqaalaha iyo muwaadiniinta kaleba lagu wargaliyo inay safaro ugu kicitimaan goboladaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here