HALKAN KA AKHRI: Safiirka Somaliland ee Dalka Ingiriiska oo Beeniyey War Been Abuur ah oo laga Baayiyey Wasiirka Arrimaha Dibada.

0
33

wasiirLondon(Waaheen) Wakiilka Somaliland u qaabilsan  Somaliland waddanka UK Ali A Awale  ayaa beeniyey War laga baahiyey Wasiirka Arrimaha dibada oo sheegay in Bogga Twitterka ee wasiirka lagu baahiyey xaalada Caafimad ee Madaxweynaha, waxanu sheegay in warkaasi aanu sal iyo raadtoona lahayn.

wakiilka somaliland

Sidaasi waxa uu ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Facebook, Waxanu yidhi. “Qoraal been abuur ah oo lala xidhiidhiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Waxa jiray qoraal facebook la soo dhigay xalay oo sheegaya inu Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland mudane Maxamed Bixi Yonis bog uu ku leeyahay twitter-ka soo dhigay farriin ka hadlaysa caafimaadka Madaxweynaha Somaliland. Haddaba waxan mar dhoweyd la xidhiidhay Wasiirka oo aan weydiiyey arrintaas waxanu Wasiirku ii xaqiijieyey inaanay jirin wax farriin ah oo uu diray, isla markaana aanu lahayn Twitter account-ka la leeyahay waa lagu soo qoray warkan aan sal iyo raad toona lahayn.

Waa bil soone dembi dhaaf ALLA aynu ka barino.

Wa billaahi Tawfiiq,

Ali A Awale

Wakiilka Somaliland ee UK

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here