Sirdoonka qaranka oo xaruntooda Magaaladda Hargeysa uu ku xidhan yahay ninkan ayaa suaalo ka waydiinaya waxyaabaha looga shakiyay.
Hargeysa (Hubaal) – Sirdoonka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin ay muddo daba socdeen kaasoo la sheegay in uu ku jiray Hotelka Shaybe ee hergeysa.
Ninka la qabtay ayaa lagu waramayaa in uu yahay nin asalkiisu yahay Faransiis balse Hooyadii tahay Somalilander ka soo jeeda Gobolka Awdal.
Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay ka dib markii in muddo ah dabo gal ku hayeen ciidamada Wardoonka ee Somaliland.
Sirdoonka qaranka oo xaruntooda Magaaladda Hargeysa uu ku xidhan yahay ninkan ayaa su’aalo ka waydiinaya waxyaabaha looga shakiyay.
Warkan oo aanu ka soo xiganay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in ninkani uu marka hore dalka ku soo galay Hab dalxiis ah, balse aad looga shakiyay dhaq-dhaqaaqyada uu samaynayay.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxayaa waxyaabaha lagu helay ninkan iyo waliba kuwa shakiga keenay.