HALKAN KA AKHRI: Somaliland oo u Muuqata Mid Darafyada Kasoo Ururtay Iyo Xukuumada oo Xaalkeedii Noqday WADAAN ka Adkiye Wax Kalaa Jira’

0
31

Xiingalool(Hubaal)-Tan iyo ka dambeysay 27 July, 2010 markii uu hoggaanka talada dalka si rasmi ah ula wareegay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa marba marka ka dambeysa soo if-baxayey Dhaqamo iyo ficillo muujinayey in Somaliland qaaday dhabihii tafaraaruqa iyo furfurka, kadib markii Beelihii midnimada iyo Nabada ku wada noola bilaabeen Shirar iyo Baaqyo is-daba joog ah, kuwaasoo bilowga iyo dhamaadka midkay doonta ha ahaatee ay si cad u bayaaminayeen aayahooda gaar ahaaneed, sidoo kale ay dhabo cusub ugu jeexayaan Mustaqbal Siyaasadeedka Deegaanada ay kasoo jeedaan.

Arrimaha noocan oo aan mid iyo laba lagu soo koobi Karin, ayaa waxa u dambeeyey Shir Beeleedka Tuulada Xiingalool ee Koonfurta Gobolka Sanaag uga socday Beesha Warsangeli, kaasoo go’aamo laga soo saaray Shalay gunnaanadkii Shirka lagu sheegay in mabda’ ahaan jiritaankooda Siyaasadeed ka Gobol ahaan u taagan yahay qaab-dhismeedkii Dawladii burburtay ee Maxamed Siyaad Barre iyo saami-qeybsigii 18-kii Gobol ee Jamhuuriyaddii Somaaliya ka koobnayd.

YoolWaxa kale oo Bayaanka lagu sheegya in Beeshu ugu baaqayso Bulshada Caalamka in Saamiga kaalmooyinka bina-aadanimo macaamil toos ah laga la soo yeesho oo sidii hore u dhici jirtay aan loo soo marin Maamulada hareeraha ka xiga {Somaliland iyo Puntland}, nidaamadaa oo sida bayaanka lagu sheegay aanay jiritaankooda u aqoonsanayn wax ka duwan 18-kii Gobo lee Somaaliya.

Shirka bayaankani kasoo baxay oo ah mid ka dhacay Magaallo ku taal gudaha Xuduuda Somaliland ma jiro war amuurtaa ku saabsan oo Xukuumada talada haysaa kasoo saartay qaraarkaa laf-jabka ku ah Qaranimada, sidoo kalena ma muuqdo ifafaale arrintaa lid ku ah oo Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo kasoo Naasa-cad.

Geesta kale waxa tan xigay oo weli Dhegaha bulshada kasii guuxaya dhacdadii ka dhacday Tuulada Saax-dheer ee Gobolka Sool laba toddobaad ka hor, taasoo ahayd laf-jabkii Siyaasadeed ee abid intii Somaliland jirtay soo food-saartay Qarankan Curdinka ah, sababtoo ah waa markii ugu horeysay Taariikhda ee gudaha Somaliland xilka kula kala wareegaan Masuuliyiin sheeganaya inay Madaxweyneyaal ka yihiin qeybo ka mid ah Somaliland. Waxa inta raaca dhaq-dhaqaaqa Odayaasha la baxay Golaha Dhaqanka AWDAL, kuwaasoo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey bayaan ay ku sheegeen Beel ahaan in Saami kaga maqan yahay qaab dhismeedka Dawlad-nimo ee Somaliland, kooxdaas oo aakhirkii Magaalada Hargeysa ka baqoolay iyagoon wax rajo ah qabin, isla markaana aanay kaafiyin Guddi Xaqiiqo raadin ah oo Madaxweynuhu u saaray tabashadooda.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ee ka curtay cidhifka Galbeed ee Somaliland, ayaa dadka qaarkood waxa ay tuhun ka qaban inuu daba socdo ama xidhiidh la leeyahay Kooxdii Xukuumadu heshiiska la gashay ee isku magacowday AWDAL STATE, kuwaasoo dadka aragtidan qabaa ku dooddaan in aan waxba ka hirgelin balan-qaadyadii Xukuumaddu la gashay, sidaa darteed-na Maanta dabada ka riixayaan Duqayda xiliga xasaasiga ah la soo dhaq-dhaqaajiyey.

Haddaba, marka la isu gee-geeyo dhacdooyinkan iyo fashilka iyo jaha-wareerka ku gedaaman Siyaasada Arimaha Dibeada oo aynu ka xusi karno digniinta iyo Xayiraadii Dawlada Faderaalka Soomaaliya u dirtay Shirkadaha Shiidaalka sahamiya ama qoda, kuwaasoo ay ku wargelisay in aanay wax heshiis ah la geli Karin Maamulada ka jira Soomaaliya, iyagoon ogolaansho ka haysan Dawlada Faderaalka, waxa muuqata in fashilkii Siyaasada Khaarajiga ee sababay in dalalkii ugu dhawaa Somaliland markii hore ay Al-baabada inaga soo xidhaan ay muddooyinkan dambe inagu soo kordheen in gudaha dalka ay ka dilaacaan Maamulo tun-ku-qaad ah oo tamar badan lahayn, balse ka faa’idaystay debeca hoggaanka dalka, kuwaasoo ku doodaya inay yihiin Maamulo ka madax-bannaan Somaliland.

Hase-ahaatee, waxad moodaa in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo uu xaalkoodii la mid noqday ‘Caduur Dhaw-dhawdu umay dhicin’, maxaa yeelay marka sida ay afka iyo gacantaba uga laabatay arriman foosha xun oo marka Gees walba laga eego ah qaar aan laga Indho qarsan Karin

Haddaba waxa is weydiin mudan ma waxa jira wax qarsoon Shacbiga oo Madaxweyne Siilaanyo u diidaya inuu Qaranka ku hoggaamiyo Midnimadii iyo Wadajirkii uu kaga la wareegay Madaxweynihii ka horeeyey Md. Daahir Rayaale Kaahin xataa ha noqoto mid ku eg Madaxweynaha iyo mid ka baxsan kay doontoba’e. balse waxaan indhaha laga qarsan in Qarankan iyo Shacbigiisaba aan dhayal-dhayal Nin iyo koox muraad lihi uga duwi Karin rabitaankooda ku dhisan midnimada iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xigasho: Wargeyska YOOL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here