“Taliyaha Saldhiga Dekeda Berbera Waa Nin Ganacsatada Wax Kala Soo Degta Dekeda Ka Qaada Lacago Aan Sharci ahayn Iyo Dhibaatada Uu Ku Hayo Dadweynaha”.
Haregeysa(Hubaal):- Taliyaha Saldhiga Dekeda Berbera Maxamed Dacar Ibraahim ayaa waxa uu dhibaateeya ganacsatada wax kala soo degta dekeda Berbera, oo sida la sheegay uu way diiya lacagayoow aan sharci ahayn oo uu isagu iskii u sameystay.
Taliyaha ayaan la garan cidda uu ka heysto awooda uu ku weydiiyo ganacsatada lacagaha aan sharciga ahayn ee uu ka qaato, arrintaas oo ganacsatadu si weyn uga biyo diiday, isla markaana ay sheegeen inaanay qaadi Karin lacagta baada ah ee uu qaado Taliyaha Saldhiga Dekeda Berbera.
Taliye Maxamed Dacar Ibraahim ayaa ah nin aad u kibirsan oo dadka kula kaca xadhig, hanjabaad, iyaga oo aan wax danbi ah ama carqalad ah ku haynin hawlaha ka socda dekeda Berbera, waxaanu si ula kaca qofku doono ugu xidhaa saldhiga uu Madaxda ka yahay ee Dekeda Ku yaala.
“Taliyaha Saldhiga Dekeda Berbera Maxamed Dacar Ibraahim waa nin musta kibira oo qab iyo kibir ka muuqdo hadh jeer oo u dhaqma Booliskii Maxamed Siyaad Barre dalka Xukumi jirey, waxaanu ku caan baxay xidha oo qabta uu yahay waxa Afkiisa ka soo baxa”.Sidaa waxa yidhi mid ka mida dadka Ganacsatada ee alaabta bagaashka ah kala soo dega Dekeda Berbera.
Taliyahan Maxamed Dacar Ibraahim oo beryahan-ba dadweynaha iyo ganacsatada la macaamisha dekeda Berbera ay cabashada ka muujinayeen ayaa ilaa hada Taliska sare ee Ciidanka Booliska Somaliland wax talaabo ah ka qaadin.
Xigasho: Hayaannews.net