Barnaamijka Toddobaadka ee Diinta Iyo Nolosha waxa uu ku saabsan yahay
U Sama-falka Waalidka
Qalinki: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Mahad Alle SWT ka dib, in aynu waalidkeen qaar u sama-fala ahaana diinta ayey ka mid tahay. Illahay SWT wuxu yidhi “wuxu qoray Rabiga in aanad cid aan isaga (Alle) ahayn caabudin, iyo in aad u sama-fasho waalidka”. Halka waxa aad ku arkaysa qiimaha ama miisaanka u leeyahay u sama-falka labada waaliid, mar haddi Illahay SWT isku xidhay cabudidiisa iyo u sama-falka labada waaliid.
Illahay SWT wuxu isku xidhay mahad-naqiisa iyo ka labada waalid wuxuna yidhi “ii mahad-naqa, labadiina waalidna u mahad-naqa”.
Rasuulka CSW waxa la waydiyey cidda ugu mudan ee lo sama-falo dabadeed wuxu ku jawaabay “hooyada…hooyada….hooyada…..aabaha”. taas oo aad arkayso in ay hooyadu sadeex jeer ka horayso aabaha,sababto ah; sidistii urka, jaqsiintii iyo hayntii hooyanimo ayaa lo horaysiyey.
Rasuulka CSW waxa la waydiyey camal la qabto waxa u fadli badan dabadeed wuxu ku jawaabay “salaad wakhtigeeda la tukado, u sama-falka labada waalid”. Waxa aad aragta cibadadi Alle SWT inagu waajibiyey ee so noqnoqnaysay in ay ku xigto, oo wax kale oo ka horeeya aanu jirin.
Illahay SWT Nabi-yo ayuu ku aamanay in ay ahayeen qaar u tun jilicsan waalidkood, marki u ka hadlayey Alle SWT Nabi Yaxe CS waxa u yidhi “wuxu ahaa mid u sama-fala waalidkii, mana u ahayn mid kibray oo caasi ah”.
Alle SWT mar kale oo u ka hadlayey Nabi Ciise CS wuxu yidhi “wuxuna iga yeelay (Alle) mid u sama-fala hooyadi, igamana yeelin mid kibray oo shaqi ah”. Waxa aad halkaa ka arkaysa in xata Anbiyadi laso diiray ay sida ugu tun jilicsanayeen waalidkood.
Illahay SWT isaga oo ka hadlaya sida baariga loogu noqonayo waxa u yidhi “wuxu qoray Rabiga in aanad cid aan isaga (Alle) ahayn caabudin, iyo in aad u sama-fasho waalidka, haddi ay agtada ku waynadaan labadooduba ama midkood, haku odhan uf, hana karahiyaysanin, kuna dhe hadal wanaagsan, una dabci dhinacaaga si naxarisaysan, dhehna Rabigayoow u naxariso siday igu naxarisan jireen markii aan yaraa”.
Illahay SWT wuxu ina baraya sida aynu kula dhaqmayno waalidkeen, bal u fiirso sida qiimaha leh ee uu Alle SWT inagula hadlayo, waar way kuso koriyeen adiga oo mujo ah, habeen kumay kohan, ee sideed markaa ay waynadaan u dhibsanaysa adiguna, sideed hadal ay dhibsadaan dhagahooga ugu ridaysa, ood uf iyo ish u odhanaysa, waar dhinacaaga u jilci oo u dabacsanoow, kana guro ducada inta ay ku ag joogaan.
Rasuulku CSW wuxu yidhi “ raali ahaansha Illahay waxay ku jirtaa raali ahaansha waalidka, cadhada Illahayna waxay ku jirtaa cadhada waalidka”. Ogobey inta waalidka raalida kaa yihiin ayu Illahay SWT raali kaa yahay, se haddi ay iyagu raali ka noqon waayan maxaad fili?.
Rasuulku CSW wuxu yidhi “ jannada ayaan galay, cod ayaan ka maqlay, waxaan waydiyey codkaasi waa codke, waxa laygu jawaabay waa cadkii Xaarisata Bin Nucmaan, ka dib aya waxa aan idhi wakaa sama-falku, wuxu ahaa mid u sama-fala hooyadi”.
Rasuulka CSW ayaa waxa u yimi Saxaabigi Mucaawiya Ibnu Sulami wuxuna ku yidhi “Illahay Rasuulkiisiyow waxa aan donaya in aan jihaadka kula galo, danta aan ka leeyahayna waa in aan maalinta qiyaame ahaado kuwa guulaysta, Rasuulki ayaa waydiyey waar hooyo ma leedahay, haa ayuu ku yidhi, Rasuulkina wuxu ugu jawaabay waar hooyada u sama-fal, dhowr jeer ayuu ku celceliyey in aan ku raacan doonaya, dabadeed Rasuulku wuxu ku yidhi waar so janno ma raadinaysid, qabso adinka hooyada jannadu waa halkaase”.
Bilaahi cayalk u fiirso ninkaa waxa lagu joojiyey. Jihaadki waxa lagaga joojiyey u sama-fal hooyada, oo qabso adinkeeda jannadu waa halkaase, inagu maanta halke ayeynu ka taagan nahay u sama-falka waalidkeen?.
Maanta walalayaal qaybo ka mid ah waalidkii waxa dhib ugu filnaaday inti ay dhalen, qaar noloshi ayey ku cidhidhiyeen, qaarna hantidi ay iyaga u dhididayeen ayey ka matajiyeen, qaarna lafahooga ayey uga baqanayaan in ay gacan saraanba. Waa xaqiiq dhacda oo jirta maanta.
Mid ayaad arkaysa haddi lagu yidha waalidka ayaa xanuusanaya odhanaya hadhow ayaan dawo uso qaadi, se haddi dhegtisu maqasho ilmahaagi ayaa xanuusanaya marka wayraxaya, ee bal qisadan eeg.
Sadeexdii nin ee godka galay, dhagax weynina kuso awdmay, marki ay is yidhaahden waar camalo wanaagsan oo aynu samaynay Illahay SWT aynu ku barino, waaki mid kamid ahi yidhi, Illahow waalid, ubad iyo oori ayaan lahaa; maalin ayaa dhacday aan xoolihi sahamiyey oo aan la foogaday, dabadeed aan so noqday waalidkay oo seexday, ka dib aan dhibsaday inta waalidkay ka toosayo aan ubadkayga caanaha siiyo, hadana ka xiishoday in aan hurdada ka toosiyo, illa inta ay iyagu ka kacayaan, ilmahaygi oo mujo ahina gaajo darted la oyayeen. Illahow haddi aan dartaa u sameyey naga fayd dhagaxan.
Maxay ka waramaysa qisadani, adiguna haddi ay labadaasi isku ka qabtaan xageed micinsata, bal ila eeg axaadistan kale.
Jaabin Bin Cabdilaahi ayaa yidhi ninba u yimi Rasuulka CSW oo ku yidhi nin xoolo iyo ubad leh ayaan ahay, aabahayna inta uu i yimaado unbu xoolahaygii qaadanaya ee maxaan sameeya, dabadeed Rasuulku CSW wuxu ku yidhi “ adiga iyo xoolahaagaba aabaha ayaa idin leh”. Xadiiskan kalana ila eeg
Cabdilaahi Bin Cumer Bin Khadaab ayaa Rasuulka CSW u yimi, wuxu ku yidhi Rasuul allow odaygii Cumer ahaa gabadhi aan guursaday ayuu fur i leeyahay, Rasuulki CSW wuxu ugu jawaabay “qaado amarka aabaha”.
Qiimaha u leeyahay u sama-falka labada waalid waxa aad ku garanaysa xadiiskii Rasuulku CSW asxaabti oo joogta u ku yidhi Taabiciinta (taabicintu waa raggi aan arag Rasuulka CSW, ee so gaadhay saxaabaada) waxa ugu khayr badan Uways Bin Caamir Al-Qarani, waa nin hooyadi u sama-fali jiray, bar cad oo baras ahina ku taal, haddi u Alle SWT ku dhaarto, dhaartisa Alle SWT wu aqbala, ee haddi aan la kulantaan Illahay SWT dambi dhaaf haydin waydiyo.
Cumer Bin Khadaab marka ay u yimaadan reer Yemen, wuxu waydiin jiray waar maydinku jira Uways, maalinti dambe ayuu la kulmay Uways oo safarka xagga dambe kaga jira, oo dadka madaxyo weynta ah aan ku jirin, dabadeed Cumer ayaa la kulmay wuxuna ku yidhi waar Uways so adiga maaha, iyo haa, ninka reer Bin Muraad ma tahay ee kasi ah jilibka Qaran, iyo ahaa, hooyo ma leedahay haa, baras ma lahaan jirtay oo Alle SWT maka masaxay in shilin leeg mooye, haa. Markay intaa is waydarsadeen ayu u sheegay in Rasuulku CSW usi sheegay ee Uwaysow noo ducee ducadada la aqbalayaaye.
Uways Bin Caamir Al-Qarani darajada intaa leeg muxu ku helay, miyaanays is waydiin mudnayn, ee Cumer Bin Khadaab oo aad ogtahay fadligiisu ku leeyahay waar no duce, so maha inu u garab dabacsana waalidkii, hadaba walalayaal maxa laynooga baahan yahay inaga. So maaha in aynu fursada ka faa’iidaysano.
Haddi maanta labadada waalid ku nool yihiin, waa jaanis aad cid walba dheer tahay, haddi midi ku nool yahayna waa jaanis aad cid walba dheer tahay, ee garo wakhtiga lagu siyey, iyo fadliga intaa leeg ee aynu kaso waranay.
Maaha waalidka in u ka maqlo hadal isaga damqa, ogow haddi aad isaga damaqdo Illahay SWT inu ku cadhoonayo, maha ficil isaga dhiba in aad ula timaado, waa in aad ducada ka buuxsata in aad is ag joogtaan.
Rasuulku CSW marku ka hadlayey qiiyaamaha calamadaheeda wuxu yidhi “ in ay dhasho adoontu ki adoonsan lahaa”. Waar ka gurigi ay ku jirtay ka xaraashaya ee tahriib u amba baxaya miyaanu adoonsan waalidkii, waar ka isagoo xoog qaba hooyadi suuqa u fadhido maanu adoonsan, waar ka shiliNka ku dilaya maanu adoonsan, waar ka ay hadalkiisa ka baqanaysa maanu adoonsan.
Haddi aad maanta ubad tahay oo laga fadhiyi layahay berri unbu iman doona mid intaa ka jara oo dhashaada ahi.
Walaayaal waalidkeen aynu u sama-falno, oo aynu ka ducaysano, una tun jileecno, waa badbadadeena if iyo aakhiraba, waa saadasha wanaagsan ee mustaqbalka, waa kayd aynu usi dhiganayso dhasheena, waa hanti aan duugobayn, waa labeen iyo nimco korkeena laga dheehan doono.
Samaha sii qima badani, ee ma guurtada ahii waa markaad si xidhidhiso waalidkaa asxaabtiisi iyo inti ay jeclayeen, bal ila arag xadiiskan.
Cabdilaahi Bin Cumer Bin Khadaab Illahay SWT isaga iyo aabihiba raali haka ahaade, ayaa isagoo socda oo dameer saran u kuso baxay nin reer miy ahii, dabadeed Cabdilaahi ayaa dameerki uga dagay siyeyna, cumamad qiimo badnayd oo u xidhnana ugu daray, si wanaagsana u salaamay, marku ninkii tagay aya raggi la socday ku yidhaahden waar maxaad isugu dartay ninkan labadadi shay, wuxu ku yidhi ninkan aabihi aabahay ayaa jeclaa, bal ka waran, kii aabihi jeclaa ma haa, waa aabahay ayaa abihii jeclaa. Rasuulkana CSW waxa aan ka maqlay isago leh “sama-falka ugu qiimaha badani waa, in ubadku xidhidhiyaan, cidda waalidkood jeclayeen”.
Bal xadiiskanna u fiirso. Aduu in aad cid xidhidhiso iska daaye iyaga side ayaad ku tahay.
Waalidkeen in aynu u sama-falno waa amar Illahay ina saaray, oo aan sunne ahayn, inta aad sama-falayso waa inta aad Illahay u dhawdahay, sida Illahay ku faray in aad salaad tukato, ayaa lagu faray in aad u sama-fasho waalidka, oo anad kalmad ay ka naxaan ku odhan.
Sama-falka waalidka waxa ka mid ah xataa haddi ay gaalo yihiin in aad baari u noqotid, waxa ka mid ah in aad u ducayso, oo waki Rasuulku CSW lahaa “ sadeex qofka marku dhinto way u socdaan, waxa ka mid ahaa ubad waalidkii uso ducaynaya”. Markaa waa in aad waalidka u ducaysa in badan in Alle SWT u naxariisto.
Illahay SWT waxaynu ka baryayna in u inaga yeelo qaar u sama-fala waalidkood, oo ka gurta ducada, Illahay SWT waxaynu ka magan galayna in aynaan ahaan qaar caaq ku noqda waalidkood, oo if iyo aakhiraba edaada, oo dhibtooda, ar-dambena dambarsada.
HALKAA HA INOOGU JOOGO WAA INOO JIMCAHA DAMBE HADDII ALLE YIDHAA