– Shidaalkooddana Mooyaane Ma Laga Yaabaa In Shirkadahaasi Meel Xun Ina Gayaysiiyaan?
Siyaasiga Fu’aad Aadan Cadde ayaa maalmahan ugu danbeeyayba cadho la fadhiya Miyiga magaaladda Xudun, ka dib markii uu ka biyo diiday sidda la sheegay Arrimo ay ugu weyn yihiin shirkadaha Sahanka Shidaalka oo dhaqdhaqaaqoodu aagaas gaadhay, Islamarkaana aan wax talo ah laga siinin. Waxa ka horeeyay oo isna maalmo ka hor Garoowe iska dhiibay Axmed Cabdi Xaabsade oo isaga iyo Fu’aadba ay ka wadda tirsanaayeen la taliyayaasha Madaxweynaha. Waxaa ka sii horeeyay Kayse Cabdi Yuusuf oo isaga oo ku jira Golaha Wasiiradda, horena uga soo goostay kooxdii la baxday SSC ayaa iska tagay magaaladda Widhwidh isaga oo Xilkii haya, ka dib markii sida uu sheegay la dhagaysan waayay.
Ninka isagu la qabsadday hadba dhan u guurku ha socdo’e, sida Axmed Xaabsade’e, Waxaa is weydiin leh maxaa odayaasha ka wadda cadhaysiiyay?
Hadda cadhadu Intan reer Sool uun maaha’e, basle, sidoo kale rag badan oo meel ay qabtaan waayay ayaa Xukuumaddani sidda ay wax u waddo ka biyo diiday. Markaa, ma la odhan karaa ‘Xero bahal ku jiro xoolo kuma dhaqmaan’ oo cid aan tallada in lala waddaago ogoleyn baa meesha ku jirta’. Yaan haa ku jawaabine aan dhan kale eegno…oo is weydiino qodobada is maandhaafka sii kiciyay sidda Fu’aad dadka ka agdhawi tilmaameen oo ay ka mid tahay arrimaha sahanka shidaalka iyo Macdantu.
Shirkadaha Macdanta
Wargeyska ugu afka dheer dalka Sweden oo lagu magacaabo Aftonbladet 28-kii Bishii June ee aynu ka soo gudubnay qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlay in dagaal u dhaxeeya shirkadaha shidaalka ee Sweden iyo Norway ka dhex socdo Somaliland. Kaas oo ku waajahan sidda uu sheegay Shidaalka ku duugan Gobolka Sool, gaar ahaana waxaa uu farta ku fiiqay in la isku hayo aagga Holhol oo u dhow magaalada Laascaanood.
Warkaas oo aanu Wargeyska Saxafi laftiisa ku baahinay waxaa ku cadayd in Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International ay goob kalli ah oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen dawladda Somaliland iyo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, aaggaas oo ku astaysan Holhol.
Warku waxaa uu cadeeyay in Isla goobtaas ay dawladii hore ee Soomaaliya heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.
Sanadihii ugu danbeeyayna waxaa deegaanno ka tirsan Gobolka Sool Iyo Magaaladda Buuhoodle ka socday dhaqdhaqaaqyo siyaasi ah oo marar kala duwan dhiig ku daatay. Kuwaasoo uu aad uga dhex-muuqday Ilaa hadda Siyaasiga Cali Khaliif Galadh. Waxaana tibaaxihii judhii soo baxay sheegayeen in Shirkadaha iyo dawladaha reer Galbeedka oo danahoodda isku hayaa qayb ka yihiin hurinta colaadahan oo ay ka horaysay Tii Minjayahan ee Faroole oo Puntland laga qaaday u socon weyday. Waxaana ay u muuqataa in dagaaladdii Khayraadku sii kululaanayaan. Halkii ay ka ahayd inay hoos u dhacaan.
Haddii aad ka shaki kaa gallo in aan cid arrimahan dabada ka riixaysaa jirine hebelo iyo beello xaajadu tahay, u fiirso iska daa dunida kale waddamada Afrika ee Shidaalka laga gurto oo 16 ah, Nigeria, Angola, Libya, Algeria, Sudan, South Sudan, Equatorial Guinea, Congo (Brazzaville), Gabon, Chad, Egypt, Tunisia, Cameroon, Ivory Coast, Democratic Republic of Congo (DRC), and Mauritania. Mid aan khayraadkeedda dagaal lagu galinin ama lagula galini ma jirto oo qaarkood waad yaxyaxaysaa.
Haa wadamadan Badankooddu dhabarka iyo xanjaadka ayay kaga jabeen khayraadkoodda ka dib markii ay isugu darsantay maareyn xumaantoodda iyo boobka qowlaysatadda waaweyn (Shirkadaha iyo dawladaha is barkan ee awoodda is bada,).
Ka gayoon maayo Qalinku haddii aynu is nidhaa qodob walba gaarkiisa isku dul-taaga, baahi tirka deegaanka iyo dadka, waxyeeladda hawshani leedahay iyo waxtarkeedda, dagaaladda ku lamaan iyo taxadarka loo baahan yahay in laga sameeyo heshiisyadda iyo talaabo kasta oo xagaas loo qaadayaba, horena Wargeyska Saxafi ahaan wax badan oo arrintan ku aadan ayaanu idiinku soo gudbinay. Sidaas darteed, qormaddan uga dan leenhay in aynu Xukuumadda iyo inta ka ag dhow ee damacday inay qandaraasyadda isku koobto leenahay, ka daaya oo ogolaadda in talo iyo waxtarba la waddaago. Kuna darsadda qorshaha, “Xerro bahal ku jiro xoolo kuma dhaqmaan”.