HALKAN KA AKHRI: Ujeedada Uu Daaran yahay Safar Kooban Oo Wasiirka Madaxtooyadu Ugu Baxay Dalka Turkiga

0
24

Hargeysa (Hubaal) wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Xasan Xaaji cali ayaa maanta safar kooban ugu baxay dalka Turkiga,sidaana waxa uu wasiirku ku sheegay qoraal uu soo dhigay Blog-ga iyo barta facebook-ga uu ku leeyahay,kaas oo u dhignaa sidan:

Waxaan Safar Kooban ku Tegi Doonaa Dalka Turkiga oo uu igaga sii Horeeyo Wasiirkii Arimaha Dibeda Somaliland

“Ujeedada Safarkan ayaa ah sidii aanu Gogol xaadh uugu sii samayn lahayn Wada Hadalladii Somaliland iyo Dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo dib u furmi doona”

Waxaa saacado kooban laga joogaa kadib markaan ka soo duulay Gegada Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport.

Safarkan oo Insha Allahu qaadan doona Maalmo Kooban ayaan ku tegi doonaa Dalka Turkey-ga , halkaas oo uu igaga sii horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mr. Maxamed Biixi Yoonis.

 turkey1

Ujeedada socdaalkan ayaa ah sidii Gudi ka socota Somaliland iyo kuwo ka socda dalka aanu jaarka nahay ee Somalia ay gogol xaadh uugu sii samayn lahayeen wada hadaladii Somaliland iyo dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo dib u furmi doona isla markaana waxaanu diyaarin doonaa gudidii horay loogu balan sanaa in la sameeyo “Secretariat Team”

Maaha markii uugu horaysay ee ay Somaliland ka qaybgasho madal ay caalamka ku barayso xaqiiqda ka jirta dalka Somaliland balse masuuliyiinta iyo shacabka reer Somaliland waxaa ka go’an in ay xaadiraan goob walba oo ay ku soo dhacsan karaan waxa ay caalamka xaqa uugu leeyihiin oo ah in ay helaan Ictiraaf Caalami ah.

Waxaan Aaminsanahay in safar walba oo aad u dheer uu hal talaabo ka bilaabmo, Safarka ay Somaliland uugu jirto xaqiijinta Himiladeeduna yahay mid guul ku dhaw.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here