HALKAN KA AKHRI: Ujeeddada Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Iyo Ururrada Bulshada Rayidka Ah

0
23

War Saxaafadeed:

Hargeysa (Hubaal) Kulan dhexmaray Madaxwaynaha iyo Ururada Bulshada Rayidka ah Bishan Juun 20-keedii 2016-ka, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland kuna hawlan arrimaha horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’, kulankaasi oo ka qabsoomey madaxtooyada.

13407082_987430978037422_1580947484811482102_nUjeeddada ugu weyn ee kulankaasi waxa ay daarneyd arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo sidii hanaanka socda ee diwaangalinta si hufan loogu soo geba-gebeyn lahaa si doorasho xor iyo xalaal ah loogu diyaargaroobo. Ururada Bulshadu waxa ay kulankaasi la wadaageen Madaxweynaha aragtidooda iyo taloooyinkooda wax ku oolka ah ee ku saabsan horusocodka doorashooyinka, iyaga oo dareen ka muujiyay wakthtiga hadhsan iyo hawsha balaadhan ee doorashada ka horaysa, isla markaana ku taliyay in la iswaafajiyo shaqada hadhsan iyo wakhtiga aan haysano loona baahan yahay dedaal dheeraad ah iyo iskaashi dhex mara dhamaan daneeyeyaasha doorashooyinka. Sida darteed, Ururada Bulshadu waxa ay dhawaaq dheer ugu sheegayaan beesha caalamka inaga taageerta arrimaha doorashooyinka iney xoojiyaan isla markaana ay dedejiyaan taageerada mugga leh ee ay Somaliland ka siiyaan dhinaca doorashooyinka. Waana in dhammaan dhinacyadu ay ogaadaan in wada jir lagaga bixi karo marxaladdan hadda lagu jiro, si looga midho dhalliyo hiigsiga in doorasho ku dhacdo wakhtiga loo qoondeeyey ee 27-ka bisha saddexaad ee sannadka 2017-ka ee foodda inagu soo haya haddii Alle idmo. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland wuxuu kulu dardaarmay “Ururada Bulshada Rayidka ahi inay sii wadaan taageeradii ay ka gaysan taan hawlaha guud ee qaranka gaar ahaana arrimaha doorashooyinka.” __________________

Mustafe Sacad Dhimbiil Guddoomiyaha SONSAF

Somaliland Non State Actors Forum Location: Jigjga-yar, Badda As, Behind WHO Office Tel: +252-(2)-570536, +252-63-4414335 Website:www.sonsaf.org Taariikh: 20/06/2016

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here