Murashaxa KULMIYE: Siilaanyo Iyo Muuse, Siilaanyo iyo Samaale, Siilaanyo Maxamed Biixi
Waa saaxiibo is barashadoodu shabahayso is yiqiin soo jireen ah.
Cabdicasiis Samaale wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin wejiyadoodu ku cusbaayeen masraxa siyaasada gudaha Somaliland oo horaantiiba la jaanqaaday xisbiga Kulmiye, isla markaana wuxuu ahaa shirgudoonkii shirkii golaha dhexe ee Kulmiye aakhirkii 2002. waxa la tilmaamaa inuu ka mid ahaa siyaasiyiin si degdeg ah wax uga bedelay xisbiga dhexdiisa, isla markaana la sheego inay ay taa u mareen kasbasho, soo jiidasho, gacan iyo ficilba lahayd oo isla garab taageen Siilaanyo, taasoo loo aanaynayo inay odayga u kaxaysay dhinacay doonayeen. Shaqsiyan waa nin furfuran, balaaqad leh, go,aan qaadasho leh, loo arko inuu si degdeg ah u kobciyay hankiisa kana faa,iidaystay fursad dhawr ah waqtigii mucaaridnimadda sidaana ugu dhawaaday M. Siilaanyo, ilaa uu noqday wasiirka jagada ugu miisaanka wayn ka haya golaha xukuumadda. Inkastoo loo tirinayo badheedhaha damaciisu inuu marka horeba ka soo curtay dhinaca madaxtooyada, si Muuse Biixi wax badan looga baro isbedelka, haddana, tiisay ugu toostay oo wuxuu helay tub uu u maro korinta damaciisa dhinaca siyaasadda. Fursado badan oo hiil ujeedo leh loo arkayay oo uu madaxtooyada ka helay dartood wuxuu cururuq geliyay Muuse, ilaa haatana wuxuu saaran yahay sida muuqata diyaarad ka orod dheer tiisa. Wuxuu tirsanayaa in mar laga hiiliyay oo tartan la,aan la aqbalsiiyay inuu Muuse u daayo jagada gudoomiyaha Kulmiye. Sidaa darteed, imika wuxuu u dhaqmayaa sidii nin aan aqbali Karin, in mar labaad hadal lagu reebo.
Guud ahaan laftiisu xantiisa waa og yahay, isla markaana laba qodob baa isu dhinac ooli kara, ka uu hadda ku jiraa barta uu kula dhamaado, ayaa falanqeeyayaashu rumaysan yihiin, in ka kale u baahnaantiisa iyo u baahnaan la,aantiisuna ku xidhan tahay. Hase ahaatee, ra,yul caamka baddidiisu waxay u arkaan Samaale, nin ka faa,iidaystay fursada uu helay, kana dakharo yar dhigiisa ay loolamayaan.
Si la mid ah sida Muuse, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu u fasaxay Samaale inuu wato hawlihiisa hirgalinta damaciisa. Inkastoo haatan mucaaridkiisu soo kordhayo, intuu laacdankan dhiniciisa ku jirayna loo tiriyo khaladaad kordhiyay mucaaridkiisa, dhaliilaha maamul ee xilka uu hayaana ay u dheer yihiin, haddana weli wuxuu haystaa fursad fiican. Laakiin, marka dhan kale laga dhugto, waxay wax badani ku xidhan yihiin ogaanshaha waxa ka dhexeeya isaga iyo Maxamed Biixi, oo maanta u wada shaqaynaya sidii qof keliya, balse labadooduba hungurigooda shaaciyeen. Laakiin loo arko inay yihiin shuraako wax isu dayn karta kama dambaysta.
Madaxtooyada iyo Maxamed Biixi
Waa laba oday is aqoonkoodu intuu ku siman yahay aanay u cadayn qalinka wargeyska Ogaal. Hase yeeshee Maxamed waa nin waqti badan ka maqnaa dalka oo dibad ku nool shaqadiisu ku keliftay. Ka soo shaqeeyay Q. Midoobay, xilli uu hawshaa ka fadhiisanayna nasiibku u suurta geliyay inuu ka mid noqdo xukuumadda talada haysa. Waxa la sheegaa inuu shaqo siiyay wiil uu dhalay madaxweynuhu ka hor intaanuu halkan iman, isla markaana waxa la tuhunsan yahay in u yeedhistiisii uu ku lamaanaa balanqaad aan ka taganayn, in uu noqon doono ninka bedeli doona Madaxweyne siilaanyo marka uu kursiga ka dego. Laakiin tibaaxahaasi maaha qaar cad, balse waa nin wayn oo la macaamilka dunidda wax badani uga baxsan yihiin. Wuxuu muddo dheer ka mid ahaa hawl wadeenadda Q.Midoobay. hawlgalo badan oo hay,adaasi hormood ka ahayd oo bani aadamnimo ayuu ka soo shaqeeyay, qaarkoodna madax ka soo noqday, hase yeeshee waxa wax walba ka wayn wax ka barashada duruufaha gudaha oo uga baahan daraasayn dheer, kuwaasoo lagu tilmaamo inay yihiin caqabadaha la deriska ah hankiisa. Waa waaya arag furfuran dhaqan ahaan, run ka hadal lagu tiriyo, isla markaana durba waxa la tuhunsan yahay in madaxtooyada dhexdeeda lagu qoonsado, markay taagan tahay ka hadalka doorashooyinka, oo la sheego inuu Maxamed Biixi meel adag iska taago, kuna doodo in aanuu caalamku ogolayn muddo kordhin. Dhinaca ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo joojinta tacadiyada saxafiyiinta, ayaa Iyana lagu majeertaa inuu uga dagaalamo golaha dhexdiisa, kuna doodo in la joojiyo wax kasta oo cabudhin ah oo xorriyada saxaafadda wax loogu dhimayo, si wejiga Somaliland ee caalamku u qurux badnaado.
Sidaa aawadeed, xogo kala duwan oo mawduucan la xidhiidhaa, waxay tibaaxeen in Maxamed Biixi kalsoonidii markii hore looga hayay madaxtooyadu ay haatan u eg tahay mid dakharo ku gaadheen arrimahaa.
laakiin ma garab la,a oo wuxuu ku lug daray oo dantu isku xidhay asxaab dhawra golaha dhexdiisa. Waxa la yidhaahdaa dagaalka damaciisu uma dhiirana sida saaxiibkii Samaale, waase nin wayn oo loo malaynayo in aanuu xeel la,ayn.
Xigasho: Ogaal
La soco…………………………………………………….