Taliyaha Booliska oo Xaqiijiyey Kiisas Noocan oo Ciidan ahaan ay Baadhistooda Gacan ku hayaan
“Gaadhigeyga lambarkiisu waxa weeye 44192 oo Indho-cadde ah. Habeenkii bishani ahayd Afar, ayaan Innan ka kireeyey oo laba cisho ayaan kaa wadanayaa ayuu igu yidhi oo habeenka bishu tahay Lix ayuu igu soo wareejin lahaa.” – Muwaadin Gaadhigiisa Baafinaya
“Cidda wax kiraynaysaaa waa inay sharci wax ku kireysa oo dammaanad leeyahay, qofka wax laga kiraynayaana waa inuu noqdaa qofka masuul ah oo nabad-gelyo ahaanna loo hubo. Waxaan kula talinayaa bulshada…..” – Taliyaha Ciidanka Booliska – Waraysi Gaar ah
Hargeysa, (HUbaal)- Shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dadka iska leh gaadiidka yar-yar, ayaa qaarkood muddooyinkii u dambeeyey cabasho xoogggan ka muujinayey baabuurtooda oo sifooyin kala duwan loogaga dhex-xado magaalada Gudaheeda, waxaana arrintan ka hadlay Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Fal-dambiyeedyada la xidhiidha xatooyada loo geysta baabuurta oo aan hore ugu badnaan jirin caasimadda, ayaa wakhtiyadan dambe soo badanaya, sida ay xaqiijiyeen muwaadiniin gaadiidkooda oo laga xaday baadi-doonkooda ku jira muddo todobaaddo ah. Waxaana wakhtigan ciidanka Booliska Somaliland gacanta baadhista Kiisas loo gudbiyey oo la xidhiidha gaadiid muwaadiniintii iska lahayd in muddo ah ka maqan.
Faysal Sheekh Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo falkan xatooyada ah loo geystay gaadhi uu leeyahay horaantii bishan, ayaa sheegay in muddo laba todobaad ah ku dhow la’ yahay baabuur noociisu yahay Indho-cadde oo uu qof ka kireeyey, balse uu laba habeen ka dib ku war-helay baabuurkiisii in la xaday.
“Gaadhigeyga lambarkiisu waxa weeye 44192 oo Indho-cadde ah. Habeenkii bishani ahayd Afar, ayaan Innan ka kireeyey oo laba cisho ayaan kaa wadanayaa ayuu igu yidhi oo habeenka bishu tahay Lix ayuu igu soo wareejin lahaa. Dabadeedna habeenkii bishu shan ahayd ee aany gaadhin muddadii aanu kala wareejisanaynay, ayuunbuu igu yidhi gaadhigii waa layga xaday,” Sidaas waxa yidhi Faysal Sheekh oo wariye ka tirsan HIMILO uga sheekeeyey qaabkii looga xaday gaadhi uu leeyahay oo la la’yahay muddo laba usbuuc ku siman.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaanu u wada-tagnay saldhigga si aanu u riboodh-garanaynayo. Markii aanu tagnay saldhigga, dambi-baadhayaashii aniguunbay iga soo horjeesteen, laakiin markii dambe Taliyihii Saldhigga ayaa Innankii Xidhay oo ku yidhi Gaadhi ama lacagtiisii Keen. Isla markiibana, ciidanka taraafikada ayaa lagu war-geliyey oo lambarkii gaadhiga ayaa gobollada loo qaybiyey.
Laakiin gaadhigii illaa immika lama hayo meel uu ku sugan yahay, in la fur-furtay iyo in meel kale loo saaray. Innankiina markii dambe damiin ahaan baa markii dambe laysaga sii daayey.”
Taliyaha-Booliska-Somaliland1Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyeyh inay jiraan Kiisas ku saabsan gaadiid dadkii iska lahaa la’yihiin oo warbixinahooda Ciidan ahaan soo gaadheen isla markaana baadhitooda ay gacanta ku hayaan.
Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu ka hadlay sababaha inta badan keena gaadiidka la waayo iyo qaabka ay Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo maamul ahaan hoostaga ciidanka Booliska ay uga hawl-galaan baadhistooda.
“Badanaa, baabuurta la kala kaxaystaa, waa dad asxaab ah oo dhalinyaro ah, waana la baafiyaa, hadday u badatona 48 Saacadood ka badan ma qaadato oo waa la qabtaa, ciddii lagu qabtona, haddaanay dadkaa ahayn, sharcigaa la horgeeyaa. Laakiin, tuugo caynkaas ah (gaadiidka) ma jirto immika,” ayuu yidhi Taliye Fadal oo xalay khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo.
Taliyaha oo aanu weydiinnay qaabka ay Ciidan ahaan uga hawl-galaan dhacdooyinka noocan ah, waxa uu ku jawaabay, “Gaadhiga lambarkiisa waa la baafiyaa dhammaan qaybaha dalka; Kaantaroollada, Ciidanka Taraafikada iyo dhammaan qaybaha kale way ka hawl-galaan, waxaanay sahashaa in la qabto hadday dhacdo taasi. Laakiin, dadkaasi waxay u badan yihiin dhalinyaro asxaab ama qaraabo ah oo baabuurta la kala baxsada. Laakiin Mid-mid iyo dhif baa laga helaa qof gaadhigiisa inta la furo laga xado. Waxase muhiim ah qofku inuu booliska xidhiidh la sameeyo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu xaqiijiyey inay jiraan war-bixinno ay ciidan ahaan gacanta ku hayaan oo xidhiidh la leh fal-dambiyeed xatooyo gaadhi oo muwaadinkii iska lahaa markii uu waayey xogtiisa ku war-geliyey ciidanka ilaa wakhtiganna baadhistiisa lagu guda-jiro. “Hal gaadhi ayaa riboodh-kiisu bishan soo galay, gaadhigaasna baadhistiisa ayaa lagu jiraa,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu shacabka Somaliland gaar ahaan dadka kala kireysta gaadiidka u soo jeediyey talooyin la xidhiidha ilaalinta ammaanka dalka iyo hantida qofka gaadiidka iska leh, waxaanu yidhi, “Cidda wax kiraynaysaaa waa inay sharci wax ku kireysa oo dammaanad leeyahay, qofka wax laga kiraynayaana waa inuu noqdaa qofka masuul ah oo nabad-gelyo ahaanna loo hubo. Waxaan kula talinayaa bulshada reer Somaliland cidda falka noocaas ahi ku dhaco, inay si deg-deg ah ula soo xidhiidhaan ciidanka booliska oo u diyaar ah inay waajibaadkooda si hufan u gutaan.”
In kasta oo taliye Fadal sheegay in aanay wakhtigan sidaa u badnayn kiisaska ku saabsan xatooyada baabuurta, haddana dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey dhacdooyin la xidhiidha waxyeello iyo xatooyo lagula kaco gaadiidkooda aan hore uga jirin