HALKAN KA AKHRI: Xidhiidhka Ka Dhexeeya Awooda Maamul Iyo Cimri Dhererka Qofka

0
153

Waa qormooyin ka hadlaya xidhiidhka ka dhexeeya awoodda maamul iyo cimri-dherer ah oo si taxane ah ugu soo baxa Wargeyska Jamhuuriya, waxaanna soo Ururiyey Cabdilaahi Beershiya …….. c.persia@hotmail.com. QAYBTA 5AAD

Wuxuu ka Badbaaday 638 dil oo Qorshaysan Haddana Wuxuu Dalkiisa Maamulayey isagoo 86 jir ah. Mar haddii aynu fahanay waxyaabaha ka dhiga madaxda iyo dadka awooda u saaxiibka ahi inay muddo dheer noolaadaan waxaynu halkasn kaga warami doonaa madaxada dunida saddexaad inta badan maamulaysay iyo waxyaabaha ay dadkoodu u yaqaaneen.
Maaha marka nin keligii taliye ah oo xukunkii dadka ka dhexeeyey maroorsaday taariikhdiisa aynu ka sheekaynayno inaynu u jeedno ammaanid iyo inuu sameeyey wax fiican laakiin waxa u wargeysku ugu talo galayoo keliya inay qormadani noqoto mid uu akhristihiisa ku xasuusinayo taariikhda iyo waxyaabaha ay ku mashquulsanaayeen hoggaamiyahani.
Haddaba waxaynu ugu horeysiinaynaa madaxweynaha sita cinwaanka aynu kor ku soo sheegnay iyo siddii loogu bixiyey cinwaankan inaga oo ku bilaabayna sidan:
Wuxuu ahaa Madaxweyne aan caadi ahayn oo dadku u bixiyeen magacyo iyo naanaeyso aan halkan lagu soo koobi karayn, wuxuu ahaa madaxweyne ku caan baxay cadaawad uu u qabo dalka Maraykanka, wuxuu ahaa nin isku tilmaama inuu u doodo oo uu ilaaliyo dadka saboolka ah, wuxuu ahaa kali taliye Naxariis daran, wuxuu ahaa aabbaha kacdoonkii dalkiisa, wuxuu ahaa xoreeyaha latin Ameerika, wuxuu ahaa mid ka mid ah hadhaagii dagaalkii qaboobaa, wuxuu ahaa nin rekoodh ku haysta khudbadaha, wuxuu ahaa ninkii uu isku dayi jiray madaxweyne kasta oo Maraykanka soo maraa inuu afganbiyo amma u dilo.
cabdilaahi-beershiiya11Magacyada noocan ah ee aan soo tilmaamay waa magacyo ay u bixyeen dad qorayaal iyo abwaano iskugu jira oo adduunka amma wadamadooda ad looga yaqaano waxaana ka mid ah Abwaanka weyn ee u dhashay wadanka Colombia Mr. Gebreal Gersiya Marks`oo ka mid ah dadka ku guulaystay abaalmarinta Nopel Price-ka. Waxa kale oo ka mid ah dadka magayadan u bixiyey filim soo saaraha caanka ee Olifariston iyo qoraa Arther Mailer oo labadooduba u dhashay wadanka Maraykanka.
buugga maamulka iyo awooddaWaxay isku raaceen dhammaan dadkaas aynu tilmaanay iyo inta aragtidan la qabtaaba in nin madaxweyne ah oo u joojin waayey reer galbeedka waqtigan casriga ah waliba iyaga oo isku dayey inay khaarajiyaan una adeegsadaan qaar ka mid ah dadkii xafiiskiisa kala shaqaynayey oo ay ku guulaysan waayeen u mutaystay madaxweynahaasi in lala dhaco oo loo dhug yeesho taariikhdiisa. la soco…….
© Xuquuqda qoraalladani waxay gaar u yihiin qoraaga turjumay iyo wargeyska Jamhuuriya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here